Xoghayihii hore ee Hargeysa oo noqday musharax ugu codka badan Caasimada
Hargeysa Dec 03,2012(SDN)-Tartankii gollaha degaanka ee todobadkii hore ka dhacay guud ahaan dalka ayaa waxa indhaha dadku si weyn u eegayeen degaanka caasimada Hargeysa oo axsaabta iyo ururadu si weyn ugu hardamayeen.
Degaanka caasimada Hargeysa ayaa ururadu waxa ay ka soo sharaxayeen musharixiin isku reero ah oo kalsoonida beelaha caasimada u tartamaya.
Halka ay ururada qaar door bideen in ay soo sharaxaan xildhibaano aan beelahood degaan ahaan aheyn degmada Hargeysa.
Xildhibaanada hadaba magaalada Hargeysa iska sharaxay doorkan ayaa waxa ugu cod batay ilaa iyo iminka Xoghayihii hore ee dawlada hoose ee Hargeysa Md Maxamed Aw Adan Weyrax.
Xildhibaan Maxamed Aw Adan oo ka sharaxan xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa sida warar hoose oo aanu helay ay tibaaxayaan waxa uu yahay ruuxa heysta tirada codadka musharixiinta Caasimada Hargeysa.
Waxaan weli la shaacin tirada codadka caasimada Hargesa iyo sida codadkaa loo kala helay.
Magaalada Hargeysa ayaa doorashooyinka kala duwani waxa musharixiintoodu helaan codadka ugu faraha badan ee Somaliland.
Waana degaan xildhibaanada haraa ay helaan codad ka badan xildhibaanada gobolada kale ee kuraasida hela.
Tida codadka uu helay Xoghayihii Hore ee Dawlada hoose ee Hargeysa waxa ay sawir ka bixineysaa muhiimada ay axsaabta u leedahay soo sharixida mudeneyaal ay raali ka yihiin dadka degaanka ku nool,xildhibaanadaasu halkeey doonaan haka soo jeedeene.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com