Gudomiyaha dalada guud ee jaliyadaha Somaliland ee bariga iyo badhmaha Africa ahna xoghayaha xisbiga ucid ee bariga Africa oo hanbalyo uu diraya xisbiga ucid
Gudomiyaha dalada guud ee jaliyadaha Somaliland ee bariga iyo badhmaha Africa ahna xoghayaha xisbiga ee bariga Africa oo hanbalyo uu diraya xisbiga ucid (kampalaSDN)Guddomiyaha dalada guud jaliyadaha bariga iyo badhtamah Africa ahna xoghayaha xisbiga ucid ee bariga Africa abdi risaaq Mohamed dauud cigaal ayaa cawa waxa na soo gadhsiiyey dhanbaal hanbalyo ah oo uu diraayo tageerashaya xisbiga ucid iyo guud ahaan shacabka Somaliland sida wanaagsan ee ay uga qayb qaateen codaynti dalka ka dhacday arbacadii aan soo dhaafnay waanu yidhi gaar ahaan waxaan hanbalyeynaya taageraysha xisbiga ucid ee dhamaan golabada dalka oo dhan ku kala baahsan . Dhanka kale waxa uu gudomiyuhu ka hadlay in ay fican tahay in lagu qanco natiijada ka soo baxda komishanka dorashoyinka ay ku dhawaaqi doonan watiga inagu soo aadan oo waliba mudan in la hanbalyeyo ilaa hadan howshooda si fiican bay u wataan,kana war sugno. Dhanka kale waxa uu dardaaran usoo jeediyey dadweynaha reer Somaliland meel kasto ay joogan inay nabada ka shaqeeyan sidi cadada uu ahayd ,waan huba inay ka shaqaynayaan shacabka nadiifta ah reer Somaliland ,dhamaana waa inay kawada shaqeeyan nabada oo ay meel uga soo wada joogan. Isago hadalkiisa waxa uu dhanka kale kula dardaarmay dhamaan tartamayasha dorashada golaha deegaanka inay iyana ku qancaan natiijada ay soo saari doonan komishanku . Isago gudomiyuhu ka hadlay dhinac badan ayaa waxa uu sheegay inay dorashadni tahay mid wax weyn uu tari doonta Somaliland iyo qadiyadeeda calamkuna inagu eegaayo sidaan usoo dhaweyno ilaa hadana waxay wax waliba u socdaan sidi loogu talo galay . Dhanka kale waxa waxa uu gudomiyuhu sheegay inuu aad uu soo dhaweynaayo cududa uu xisbiga ucid ku leeyahay dhmaan gobalada dalka oo dhan oo uu kalmaha ugu horeeya kaga jiro waxaan leyahay hanbalyo hanbalyo hanbalyo ayuu hadalkiisa ku soo afmeeray. khadarbitijoor@hotmail.com +256791661106 Wariye khaddar bitijoor OFFICE UGANDHA /KAMPALA