|

Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland iyo Maayarka caasimadda Hargeysa oo u dhoofay dalka Senegal iyo nuxurka shir Caalami ah oo ay ka qaybgalayaan

Hargeysa December 02, 2012 (SDN)- Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Maayarka caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa maanta u dhoofay dalka Senegal ee galbeedka qaaradda Afrika.

Madaxweyne kuxigeenka iyo Maayar Jiciir oo ka dhoofay madaarka Berbera, waxa sii sagootiyay masuuliyiin xukuumadda ka tirsan, waxayna dalka Senegal kaga qaybgalayaan shir Caalami ah oo lagaga hadlayo hiigsiga Horumarinta Qarniga (Millennium Development Goals).

Madaxweyne kuxigeenka oo qolka nasashada ee Madaarka Berbera hadal kooban ka siiyay warbaahinta, waxa uu sheegay in shirkaas caalamiga ah lagu dersi doono waxyaabaha ay dalalka Afrika ka qabteen baahiyaha dhinaca saboolnimada iyo jahliga, iyadoo loo eegayo barnaamijka ay Qaramada Midoobay u dejisay hiigsiga horumarinta qarniga.

Cabdiraxmaan-Saylici waxa uu sheegay in shirkan ay ka qaybgalayaan hoggaamiyeyaal iyo masuuliyiin dawladeed oo metelaya dhamaan dalalka qaaradda Afrika.

Maayorka caasimadda, ahna guddoomiyaha golaha Deegaanka Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo hadal kooban ka jeediyay halkaas, waxa uu sheegay in shirkani yahay kii 6aad ee noociisa ah ee lagu qabto qaaradda Afrika, isla markaana ay Somaliland dhawr jeer oo horeba uga qaybgashay, balse sannadkani yahay markii koowaad ee ay Somaliland kaga qaybgasho heer wefti Madaxweyne ku-xigeen.

Maayar Jiciir waxa uu sheegay in ka qaybgalka shirkani uu muhiimad gaar ah u leeyahay socodsiinta adeegyada bulshada, gaar ahaan wax-ka-qabashada adeegyada bulsho ee dhinacyada faqriga iyo jahliga, si looga tarjumo waxyaabaha uu waajibinayo barnaamijka MDG.

 

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed