|

Faah faahin Wafdi ka socda Jabuuti oo gaaray Magaalada Balweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan

Baledweyne Dec 02, 2012 (SDN)—Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan ayaa waxaa gaaray maanta wafdi ka socda Dowladda Jabuuti.

Wafdigaan oo uu horkacayo wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Jabuuti C/kariim Maxamed Kaamil, Taliyaha hay’adda Nabadsugida dalka Jabuuti Xasan Saciid, abaanduulaha ciidamada Sakariye Sheekh Ibraahin iyo mas’uuliyiin kale.

Masuuliyiinta Maamulka Gobalka Hiiraan ee Dowladda Soomaaliya ayaa halkaasi kusoo dhaweeyay,iyadoo wafdiga loo kaxeeyay Xerada ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Jaale oo ah duleedka Magaalada Beladweyne.

Wasiirka Gaashaandhiga dalka Jabuuti ayaa halkaasi kulan kula qaatay masuuliyiinta maamulka Gobalka Hiiraan oo ay kawada hadleen arrimaha dhanka Gaashaandhiga iyo howlgalka ciidanka Jabuuti.

Dowladda Jabuuti waxa Soomaaliya ka joogo ciidamo ku shaqeeya magaca AMISOM kuwaasi oo iminka ku sugan Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalkaasi Hiiraan.

SDN-Baladweyne

Comments are closed