Ciyaaryahan Beckham Muxuu kala tegay Mareykanka?
Los Angeles Dec 02,2012(SDN)-Ciyaar yahan David Beckham ayaa mudo shan sano ah ka dib waxa uu soo gunaanaday ciyaarihii kiyoo ku guleystay horyaalkii labaad.
Kooxda LA Galaxy ayaa 2007dii ku guuleysatay in ay Bekham keento Mareykankaoo la doonayay in daawashada iyo ciyaarida kubdda Cagta kor loo qaado.
Taa waxa todobaatameeyadii ku guuldarystay Boqorka kubadda cagta Pele oo New York Cosmos dhawr sanadood u saftay.
Taas oo ka dhigtay hawsha sugeysay Bekham mid aad u weyn.
Bekham ayaa kolkuu yimi LA Galaxy ayaan ciyaarin labadii sanadood oo hureysay ayaa isku daygiisii waxba kama jiraan ka dhigay.
Balse sadexdii sanadood ee u danbeeyay ayaa ahaa qaar yididiilo muujiyay,ka dib kolkii ay kor u yara kaceen dadka u soo daawashada taga ciyaaraha.
Kolku Bekham tegay Mareykanka waxa isku celcelis daawan jiray ciyaaraha ilaa 15 kun oo ruux ciyaar walba haatanse waxa daawada in ka badan 18 kun oo taageereyaal ah.
Sidoo kale daawashada TVyada Mareykanka ayaa iyaga qudhoodu kor u yara kacay.
Bekham ayaan hawshan laga doonayay keli ku aheyn oo waxa ku wehelisay xaaskiisa Victoria oo qudheedu heesaa caana aheyd.
Xaaskiisa ayaa in tii ay Mareykanka joogtay ku hawlaneyd in ay ka mid noqoto dadka dejiya nashqadaha dharka dadka lacagaha lihi xirtaan.
Waxaana sanadihii u danbeeyay ay ka muuqatay dhamaan kulamada lagu soo bandhigo dharka noocyadoodii u danbeeyay.
Waxaanad moodaa in ay iadu tahay ruux run ahaantii ka faaiideystay fursada ay qoysku Mareykanka ku tegeen.
Bckham qudhiisa ayaa Mareykanka ka tegaya kiyoo laba koob u qaaday kooxdiisii Galaxy,isla markaana kor u qaaday sumcada kubadda cagta ee Mareykanka.
SDN-Los Angeles
contact@somalidiasporanews.com