|

Sheeko gaaban: Guubaabadii Xaaji Gurxan iyo Gulufkii Doorashada

Waa maalin doorasho. Waad wada ogtihiin dhamaantiin. Wax la yidhi ‘balan habeenimo, ku talagal arooryo ayuu leeyahay’, maxaa inoo balan ah? oo maxaan iska waydiinayaa? Saw la wada garan maayo? Haa, fariidna wuu garanayaa, nacasna loo sheegi maayo. Saw maaha? Maya, raali ahaada, maanta xataa nacaska waa loo baahanyahay.

Ma geel baa la dhacayaa ama la dhicinayaa? Mise reer-hebel kii aan waligeenba is haynay baa gar iyo baanis loogu tagayaa? Mise, madaxwaynaha ayaa balan lala leeyahay oo lagala hadlayaa tabashadii beesha ee waligeedba taagnayd? Maya weeye. Maya weeye jawaabtu. Ayuu isu celiyay. Markaa xataa nacaska waa in la kaxaysto. Maalintii cidba laga tagaayay maaha, xataa inan yar oo dhoor leh. Ilaahoow aanu waaga hortiis, waraabe i cunin! Buu Gurxan hoos isu yidhi.

Waa noole Ilaahay abuurtay. Waa noole karti maydhan ah. Dhididka iyo xiinka ka dhacaaya ma malayn kartid. Wuu dadaalayaa oo aad u dadaalayaa. Siigada uu kicinaayo ee aan hadana la arkaynin malayn maysid. Fadhiga ayuu ku siigaynayaa. Hadii wax kale uu ku toosi lahaa, guulo la taaban karo ayuu ka gaadhi lahaa. Wuu cadhaysanyahay, hadana ma cadhaysna. Waxbaa ka maqan, ma se huba waxa ay yihiin, iyo cidda ay ku maqanyihiin toona! Qoladii dhalinyarada ahayd, ee ardayda Jaamacada iyo iskuulada sare u badnayd, ee uu caawa isugu yeedhay war muhiim ah buu u sheegayaa. Haa, waa war muhiim ah.

Waxay la tahay inuu war muhiim ah yahay. War muhiim ah sidee baanu u ahayn Xisbigii reerka ayaa dhacaaya ama soo baxaayee? Dhicitaanba isaga tirade uguma jiro, laakiin hadana orodkiisa waa la arkaa, isna wuu arkaa, inuu dhicitaan ka ordaayo. Sidaas oo ay tahay, wuu ku dadaalayaa inaan dibnihiisa kalmadda ‘dhicitaan’ si sahlan looga helin. Aroorta, waa san Ilaahay ha inoo bariyo. Buu hadalkiisii ku bilaabay. “Waligeenba tan oo kale inama soo marin, waxaan yeelno, iyo waxaan soo hoynaana, inanka inankiisa inaga hadhi maayaan. Waa ceeb iyo sharaf is garab yaala. Inagu sidaan yeelno ayay ku xidhantahay kaan qaadanaynaa.” Buu yidhi.

Wuu sii waday hadalkii, “Barito cod baa la iska rabaa, waxaanan u baahanahay, sida dhalinta beeshan dariska, in qofkiiba 111 (Boqol iyo koow iyo toban) jeer codeeyo. Haa, 111 jeer! Ninkii ka badin karaana ha ka badiyo. Fariido ayaad tihiin rag iyo dumarba, waligiinba dadaal maydhan baad ahaydeen. Maanta se waa maalintii lagu kala baxaayay. Beesha Xisbigeedu soo bixi waayo waxba uma yaaliin.

Xataa gabadhooda ayaa guur beelaysa. Saw ma ogidin?” Dhalintii ‘haa’ bay wada yidhaaheen. Laakiin mid caato ah, oo meel koone ah fadiyay ayaa yidhi, “Xaaji Gurxanoow, gabdhaheena inaga uun baaba gursana oo baryahan cidiba isuma talawdo ee miyaadan ogayn?” Xaaji Gurxan wuu cadhooday, hadana fariid buu ahaaye wu is qabtay. “Walaahi waa runtiisa oo dhawr inaga ah oo xaafadahan kale ka guursaday waatii aad loo dhaleeceeyay oo wixii gursanayaa meelba ma qabtaan baryahan!” Buu inankii ugu marag furay.

Hadana wuu is rogay, doodiisi ayaanu sii amba qaaday. Waxadba moodaysay qof kale. “Haa, waynu ceeboobaynaa. Maalinkaas maanta ah ceeb baynu dhulka uga baxaynaa. Sida oromada Itoobiya ee aan tirsigaba lahayn baynu noqonaynaa. Saw ma ogidin?” Kalmadda ‘waynu ceeboobaynaa’ malaha kun iyo konton jeer buu ku celiyay labadii saacadood ee uu hadlaayay. Dhalintii wuu cabsi galiyay. Qaar badan waxa si gooni ah u sii warwar galiyay sawirka uu Oromada ka baxshay. Ilaahoow aanaan Oromoobin bay yidhaaheen. Kalmad kasta oo uu leeyahay sidda daamurku dhulka ugu dhago ayay maskaxdooda ugu dhagaysaa.

Markii uu warkii dhameeyay buu telefoonkiisii gacanta jeebka kala soo baxay, waxaanu wacay Gudoomiyihii Xisbiga beesha. Hello iyo Hello baa la is yidhi. Gabadh uu gartay, laakiin aanu jeclaysanin baa tel kii Gudoomiyaha ka jawaabtay, isna kama foga oo mobile ka ii dhiib buu hoosta ka leeyahay. Waar Gudoomiye xageed joogtaa, iyo miyaadan ololihii ku jirin? Buu isu raaciyay. Ololihii waan ku jiraa. Intaa telefoonka ayaan hawsha ku wadaa.” Buu Gudoomiyihii yidhi! Gurxan oo madaxa ruxaaya ayaa hadalkii qaatay. “Waar dhalintii beesha oo dhan, oo jaamiciyiin u badan baa halkan fadhida ee la hadal.” Buu Gurxan yidhi.

Dhalintii oo qaarkood hoos-hoos u sheekasanaayeen baa warkii joojiyay. Jabaqdii oo dhan baa istaagtay. Gudoomiyihii baa hadlay. Waxad moodaysay inuu Xaaji Gurxan warkiisa cajalad ku duubtay. 37 daqiiqadood, oo wada ah, ama u badan uun intii Gurxan caawa oo dhan la xiiqsanaa buu isna ku celiyay. Maanta dhexda xidha… Waynu ceeboobaynaa, maanta maalin ka halis badani horey inooma soo marin, inay dib inoo soo martona lagama yaabo… Qofba dhinaciisa ayuu kaga jiraa hawsha.

Idinku waydinkaas diyaarka ah; qolyihii debeduna dhaqaalihii way soo direen inkastoo uu baxay; qolyihii miyigana xoolihii waa laga soo kaxeeyay oo degmooyinkii ayaa la keenay… Hawshii waa inaga dhadhawdahay. Intaas oo dhami iska caadi bay ahayd, waxay se ugu darnayd goortii uu yidhi, “Gabdheheena ayaa guur beelaaya…” Intaanu hadalkiiba ka soo dhamaan baa la wada qoslay. Xataa Gurxan oo kaftankii goortii dhawayd xasuusan baa qoslay.”

Waar maxaa dhacay? Buu Gudoomiyihii dhawr goor ku celceliyay, laakiin intii aan loo jawaabin baa telefoonkiiba lacagtii ka dhamatay oo uu go’ay! Xaajiga ayaa yidhi anaa goordhaw la hadli doona ee iska dhaafa. Balankeenu waa inoo dhamaday ee aroorta ha inoo ahaato. Shantiinaas koonaha xigaa idinka ayaa shanta goobood isu qaybinaaya oo dhalinta joogta isku xidhka iyo abaabulka ugu qaybsan. Buu warkii ku soo xidhay.

Aroortii kolkii waagu baryay, Xaaji Girxan hurdo ayaa la tagtay, tel kiina wuu damiyay. Goor duhur ku dhawaad ah buu soo kacay. Waakii booday sidii wax waalan, amaba bahalkii barqadda kacay ee Reer-Hargeysa ay ka sheekayn jireen. Si xun buu u naxay. Waxadba moodaysay inay diyaaradi ka tagaysay. Xataa salaadii subax oo aanu tukanin kama nixin. Jaamihiisii buu hore ka illaday oo orday! Tel kii oo bakhtiisnaa buu hadda shiday. 300 oo fariimo ah, oo telefoonno aanu ka jawaabin u sheegaaya ayaa iska soo daba dhacay. Fariimaha isagu maba akhriyi yaqaan, laakiin wuu garanayaa sababta ay u soo dhacayaan. Xeerkii xalay uu dajiyay ee nin iyo 111 ka cod ahaa ayuu ka fikirayaa. Wuu arkaa maalintii in kala badh tagayba, wuxu se leeyahay caano daataba dabadood la qabay.

Meeshii codbixinta ugu dhawayd buu tagay, kuyuugii dheeraana gees buu ka dhaafay. Wuxu sheegay inuu yahay odayaashii wacyi-galinta ee Komishanka la shaqaynaayay. Sidaas buu gudihii ku galay, wiilashii xarunta maamulaayayna wuxu ku yidhi adeer ii calaamadi lambarkeenii! Sidaas buu ku marsaday, isla farsamadii oo kale ayaanu ku celiyay 19 goobood oo kale oo uu ka soo codeeyay. Maanta oo kale beentu ma xaaraanbaa? Buu hoos isu yidhi. “Walaahi beenna garan mayo, laakiin ninkii Xisbigiisu dhaco ayuunbaa beenaale iyo baastar ba ah” Ayuu isugu hal celiyay.

Maanta waxbaba ma cunin, waana fiid goorta uu kaligiis iska lugaynaayo dariiq-lugeedka mugdiga ah ee uu gurigiisa u maro. Luunka ayaa ku wareegsan, oo gaajo, surmi iyo daal baa kala qaybsaday. Bir iyo bes toona dooni maayo oo xoog buu u soo tacbay. Xataa daawadii macaanka maanta ma qaadanin, salaadna warkeedda dhaaf.

Wuxu sameeyay naf hurid. Muxuu u samayn waayay saw sharafta beeshu kama sii muhiimsana waxaas oo dhan. “Saw ma aha tii looba dhiman jiray. Salaad maalin ka tagtay iyo dawadii oo aanad maanta qaadanin miyaanay dhibaato laga soo kaban karo ahayn?” Buu isku leeyahay, ama shaydaan baa ku leh.

Malaha isaga ayaaba manta shaydaan ah. Saw lama odhan jirin bahalku dadka wuu dhex galaa. Haday sax tahay inuu shaydaan dadka dhex galo, manta odaygii Gurxan ahaa kii ugu waynaa baa dhex qotomaa goor uu dhaafoba.

Koox dhalintii ka mid ah iyo waayeelba gurigii buuu ugu tagay, qaarna way ka soo daba galeen. Xummadii abaabulka doorashadu way dhaaftay, caawa se falanqayn baa joogta. Xaaji Gurxan wuxu sheegay inuu manta dhexda xidhay. Wuxu sheegay inaanu malaha jirinba oday ay isku cimri yihiin oo sidiisa oo kale u xusul-duubay.

Wuxu sheegay inuu 200 (laba boqol) oo jeer malaha codeeyay. Muu sheegin oo kaliya ee wuu ku dhaartay inay sidaas ahayd. Labaatankii jeer uun buu toban ku dhuftay. Isku dhufashada ma yaqaano, laakiin sidaas bay la noqotay. Dhalintiina way warameen, oo warameen.

Ereyo uu fahmi waayay oo “statistics”, “Results” iyo “Polling stations” ay ka mid ahaayeen buu ka maqlaayay qolyihii jaamiciyiinta ahaa ee isagu uu hormuudka u ahaa. Wuxu se warkii ku soo xidhay Xaaji Gurxan, “bal manta xisbi kale mooyee keenu ha dhaco.”

 

 

By M. Haaruun – mbiixi@gmail.com

 

Comments are closed