|

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee ku nool Dalka UK oo hambalyo u diraya shacabka Somaliland guusha ay ku dhamatay doorashada

London 28/12 (SDN) Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee ku nool Dalka UK waxay halkan Hambalyo iyo bogaadin aan lasoo koobi kareen Hawada u Marinayaan Dhamaan Shacbi-waynaha reer Somaliland Meelkasta oo ay Dunida ka Joogan Gaar ahaan kuwa ku Nool Dalkii Hooyo ee Maanta sida sharafta lahayd u Codeeyey Doraashadii Golaha Deegaanka Somaliland oo Maanta ka Qabsoomay Dalka oo dhan taariikhduna ku Beegneed ama ahayd 28/11/2012. Waxaana kale oon hambalyo u diraynaa Madaxda Qaranka ee uu ugu Horeeeyo Madaxweyene Ahmed Maxamed maxamud Siraanyo, Ciidamada Qalabka sida Dhamaantood,Madaxda Ururda Tartamaya,Golaha Guurtida,Golaha Wakiilada ,Golaha koomiishanka doorashooyinka qaranka iyo dhamaan Warbaahinta Somaliland ee sida Sharafta leh Dadkooda Dibada ku Nool Wararka sida Haqablida ah ugu soo Gudbinayey sida ay Doorashadu u Dhaceysey iyo Qaabkii Quruxda Badnayd ee ay u Dhacday Doorashadu .

Mar labaad anaga oo aad ugu faraxsan qaabkii ay kusoo gabogaboowday doorashadu waxaanu ku boogaadinaynaa Golaha koomiishanka qaranka inay si cadaalad ah ugu xaqsooraan ururadii ka qayb galay doorashada. Waxaanu kale oon illahay ka baryeeynaa in ay inoo soo baxaan golayal deegaan oo karti iyo wadaniyadba leh oo wax ka qabta baahiyaha badan ee ka jira magaalooyinka Somaliland,
Waxaan idinkula Dardarmeynaa isku Duubnada Cadewgiima meel uga soo Wada jeesta,waxaan idiin Rajeynayaa Guul iyo Hore mar

 

Mohamed Jamac

Uk London

Comments are closed