|

Doorashadii Golaha Deegaanka oo si Nabad galyo ah ku Gaba-gabawday iyo Goobaha qaarkood oo saacadihii danbe ay ka dhamaadeen Waraaqaha Codayntu

Hargeysa Nov 28/12 (SDN)  Goobihii Cod-bixinta ee ay ka socotay Doorashada Deegaanadu ayaa si rasmi ah loo xidhay iyadoo Doorashadu guud ahaan si Nabadgelyo ah uga dhacday Goboladda Dalka oo dhan. Marka laga reebo Xudun oo Hal Askari ku dhintay iyo dhaawacyo kooban oo soo gaadhay Askari kale iyo qof Haween ah oo Lawyacado ku dhaawacantay.

Saacada oo ku taagan lIxdii Galabnimo oo ah wakhtigii loo qoondeeyay Doorashadu inay ku so oaf jaranto ayay Goobihii laga Codaynayay Albaabada loo laabay, inkasta oo ay jiraan Goobo badan oo ay waraaqihii codayntu ka go’een oo ay waxoogaa Muran ahi ka yimi mooyee.

Dhamaan Goboladda iyo Degmooyinka Dalka oo dhan waxa laga soo sheegayaa inay Doorashadii xidhantay isla markaana la guda galay Tirinta Codadkii ay Dadku dhiibteen, hase yeeshee waxa jira Sanaadiiq kooban oo la sheegayo in meelaha qaarkood si aan haboonayn looga codeeyay, wallow Komishanka Doorashooyinka Qaranku aanay wali wax Natioijo ah ka soo saarin.

Doorashadan oo ahayd tii labaad ee Somaliland ka dhacda muddo Toban sano laga joogo ayaa maanta mar kale seeska u jeexaysa inay ka soo baxaan Sadex Xisbi Qaran oo tobanka sano ee soo socda Somaliland siyaasadeeda ku Hirdami doona, halka Xildhibaanada ka soo bixi doonana ay muddo xileedkoodu noqon doonto shan sano. waxa cad ilaa hada in ay jirto dad codayey in ka badan laba jeer.

 

Xafiiska wararka qurbojoog

Hargaysa

Comments are closed