Dagaalka Ciidamadda Qaranka Somaliland Iyo Maleeshiyaadka Khaatumo Ku Dhex Maray Xuddun, Tiradda Askarta Dhaawacantay Iyo Khasaaraha Kale oo la sheegin
Hargaysa Nov 28,2012 (SDN)– Wararka ka imanaya Magaaladda Xuddun ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaai maanta dhex maray Ciidaamada Somaliland iyo Khaatumo Satete oo uu keenay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.
Dagaalkan oo qarxay ka dib markii Xuddun laga bilaabay cod-bixinta doorashadda deegaanka oo maanta Somaliland ka dhacaysa, ayaa la sheegay inay ku dhinteen laba askari oo ka tirsan ciidanka Somaliland ah, laba Maleeshiyaadka Khaatumo ah.
Warka ayaa intaa ku daraya in dagaalkan oo la isku addeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan askarta ka dhaawactay ciidamadda qaranka Somaliland aya la keenay Magaaladda Caynaba ee Gobolka Saraar, si ku meel-gaadh ahna halkaasi loogu daawaynayo, iyadda oo saacadaha soo socda la gayn doono cisbitaalka guud ee Magaaladda Burco.
Wararka la helayo aya waxa deegaanka dagaalku ka dhacay ma xaqiijin tiradda askarta ka dhaawactay ciidamadda qaranka, balse waxay tilmaameen in xaalada deegaanka dagaalku wakhtigan deggan tahay, iyadda oo Magaaladda Xuddun oo barigeeda uu dagaalkani ka qarxay ay deggan tahay.
Magaaladda Xuddun waxa ku sugan Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Somaliland, kuwaasi oo uu ka mid yahay la taliyaha arimaha bariga Somaliland Fu’aad Aaden Cadde.
xafiiska wararka qurbojoog
Hargaysa
Hargeisa