Guddoomiyaha xigeenka Xisbiga UCID bariga iyo badhtamaha africa ayaa waxa uu ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin Siyaasada dhaqaale, arrimaha bulshada, Siyaasada arrimaha dibada, tayeynta ciidanka qaranka iyo waxyaabo kale oo badan
Guddoomiyaha xigeenka Xisbiga UCID bariga iyo badhtamaha africa ayaa waxa uu ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin Siyaasada dhaqaale, arrimaha bulshada, Siyaasada arrimaha dibada, tayeynta ciidanka qaranka iyo waxyaabo kale oo badan
(Kampala SDN)Guddoomiye machadka cilmi badhista iyo dimmoqradiyada iyo Horumarka Somaliland ahna G xigeenka xisbiga ucid ee bariga iyo badhtamah Africa khaddar bitijoor oo ka hadlayey barnaamjka Siyaasadeed ee uu dalka ku dhaqi doono xisbiga ucid haddii uu ku guuleysto doorashada golaha deegaanka waa ku guulaysanaye waxa uu yidhi waad haysaan barnaamij , UCID KULMIYE iyo wadani iyo xaqsoor ,dalsan umadda iyo rays -na waad haysaan, waxa kale oo aad eegtaan dhamaan musharxiinta iyo kuxigeenadooda iyo rakaabka ka danbeeya.
khaddar bitijoor waxa uu farta ku fiiqay sida uu Xisbiga UCID waxa uga qabanayo Arrimaha bulshada, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi Waxa uu xooga saareynaa xisbiga ucid hantida dadka oo ah waxbarashada, iyo caafimaadka waad ogtihiin maanta in xaaladeena caafimaad mareyso. Waxaanu dhalinyarada u abuuri doona xisbiga ucid xirfado ay ku shaqeystaan, taas oo ay ku anfacaan qoysaskooda, isla markaana ay dawlada cashuur wanaagsan soo galiyaan dalka iyo nafahoodaba.
Waad ogtihiin inay maanta caruurteenu ka cabaan raadka Taayirka gaadhiga iyaga oo la wadaaga dacawada iyo waraabaha, waxaanu hirgelin doona xisbiga ucid in Il-ma kasta helo biyo nadiifa, waxaanu horumarin doona laydhka oo aynu ku soo saari doono, biyaha hargaysa oo laga faaidaysto innagoo tuula-kasta gaadhsiindoona laydh tiriigaâ€ayuu yidhi Gudoomiyaha xigeenka UCID ee bariga iyo badhtamaha africa.
Mar uu ka hadlayey dhaqaalaha Somaliland, waxa uu yidhi Haddii uu xilka madaxtinimo ku guuleysano ama doorashada golaha deegaanka waa ku guulaysanaye, lacagta Soomaaliya ee dalkeena ka shaqeysa wali meelaha qaar waxaanu ku bedeli doona muddo lix bilood ah, waxaanu dhisi doona kaabayaasha dhaqaale, sida wadooyinka iyo Airport-ka,isago xisbiga ucid ugu yaraan dhaqaalaha dalka, waxa uu korin doona insh alaah 7.5% Sanad kastaa siday cadeeyen mar horaba madaxda xisbigu.
waxa uu si weyn uga hadlay Siyaasada arrimaha dibada Somaliland, waxaanu yidhi Ictiraafka aynu maanta raadinayno waad ogtihiin in madaxweynihii la lahaa waxa uu tagay Safar dibadeed oo aan wax badan soo kor dhin UCID waxay sameyn doonta waddo qorsheysan [Road Map], oo ay hal sano gudahood ku so oaf-jari doonto arrinta ictiraaf raadinta siday horab uu sheegen
“Waxaanu sameyn doona Idaacad aanu nin kaliyi xukumin, balse ay xukumaan guddi [Board]ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenku,
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi Ciidankeenu 21 sanadood ayey bilaa darajo yihiin, Buuhoodle-na waxa ka taagan tabasho badan oo in hoos loo eego waxay rag tabanayaan waa la qiimeyaaye , hadana sidaas ayeynu ictiraaf ku raadinaynaa, waa yaab ! haddiise uu ku guuleysto xibiga ucid waa ku guulaysanye insh alaah talada dalka iyo ta deegaankaba , waxaanu dhisi doona ciidan ilaaliya xuduudaha dalka oodhan iska daa dade aanay soo gelin shinbiri insh alaah .
Caawa, waxaan ka hadlayaa oo kaliya laba qodob, mida kowaad maanta waa maalin cusub Siyaasada Somaliland ilaa lixdankii waxa jiri jiray in la isku abaabulo hab-qabiil oo lagu balamo , maanta waxaynu ku talaabsanay Siyaasad casri ah oo ku cusub Somaliland, maadama idinka oo xoogi ummada in aad kula kulmaysaan maanta madaxdii Xisbiga UCID, idinkoo naaqishaya barnaamujkii uu idiin soo bandhigay Xisbiga UCID ama idin soo bandhigi doono insh alaah.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi Qodobka labaad ee aan ka hadlayo waa doorka dhalinyarada iyo doorashada inagu soo socota deegaanka oo bari loo dareeri doono kumaan kun dhalinyaro ah ayaad Somaliland ku joogtaan iyo in kabadan , oo ah labeentii ummada iyo aqoon-yahankii, doorashada deegaanka ee bari bisha November 28 ee Sanadkan [2012] isaga sheekayn mayno, iyada oo Xisbiga UCID uu hormood ka ahaa markasta in dalka lagu hago doorasho xor iyo xalaala, taas oo aad ogtihiin in dhalinyaro badan u dhinteen, oo laga yaabo inaydaan maanta xasuusnayn.Doorashada soo socota wado macaan inagama xigto oo waad ogtihiin in kuwii shalay gar-darnaa ay maanta ceebo iyo dhaliilo u sameynayaan/?
Waxa kale oo uu ka bixiyey barnaamujka Siyaasadeed ee Xisbiga iyo taariikhda Xisbiga iyo halgankii nabadeed ee uu ka soo qeybqaatay oo uu yidhi idinka bulshada Somaliland ka makhraati kici bari insh alaah
waxa uu ku dheeraaday g xigeenka doorka ay dhalinyaradu ku lahayd dalka iyo sida xukuummada maanta jirta ay u dayacday, waxaanu yidhi Xisbiga UCID waxa Xisbiga kaliya ee 60% [Boqolkiiba lixdan] ka siiyey Golihiisa dhalinyarada, Xisbiga waxa uu diyaar u yahay inuu tartansiiyo madaxa Madow iyo Cirrada, waxase nasiib-daro ah in xilkii kali ahaa ee aan loo dhiibin ?
Gudomiye kuxigeenka xisbiga ucid ee bariga iyo badhtamaha Africa waxa uu hadalkiisa ku soo gababagyey ilahay hana guuleeyo amiin waan in bari aan muujina cududeena iyo miisankeena guul yaan inoo rajaynaya inahs laah guul iyo gobonimo ,waana inana kawada shaqeeyna nabada oo ah mid aan ciyaar ciyaar ku iman midaas waxaan leyahay dhmaan bulshada reer Somaliland galbeed ilaa bari
Wabilaahi towfiiq
+256791661106
Kampala ugandha