war Degdega : Guddoomiye Ku Xigeenkii Iyo Afhayeenkii Ururka Xaqsoor iyo wafdi Qurbojoog ka Oo Lagu Afduubay Deegaanka Xuddun Ee Gobolka Sool
Hargaysa Nov27/12 (SDN)Warar laga helayo deegaanka Xuddun ee gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi lagu afduubay Guddoomiye ku xigeenkii urur siyaasadeedka Xaqsoor Cali Maxamed Axmed (Cali Sandule), Afhayeenkii ururkaasi Rashiid Jaamac Dhari iyo Wariye Ibraahim Qaasim oo la socday wefiga Cali Sandulle.
Guddoomiye ku xigeenka Xaqsoor iyo labadan xubnood ee kale ayaa la sheegay in deegaanka Damal oo ka mid ah Xuddun ay ku afduubeen dablay loo malaynayo inay yihiin nabad-diidka Khaatumo oo deegaankaasi shacabka ku dhiba.
Warka ayaa intaa ku daraya in laba gaadhi oo ay la kala socdeen Cali Sandule, afhayeenka Xaqsoor iyo shakhsiyaad kale oo aan la xaqiijin Magacyadoodu ay kaxaysteen kooxda afduubtay, ilaa haddana aan la garanayn halka ay la taggeen.
Wararka dheeraadka ah ee hadda ka soo baxaya afduubkan ayaa sheegaya in weftiga oo ka soo baxay dhanka Ceerigaabo, kuna sii jeeday Laascaanood ay kooxda afduubtay muddo gaadiid ku eryanayeen, balse gaadiidka ay wateen weftigu mid ka mid ah ayaa la sheegay inuu dhacay, taasina waxay keentay in Maleeshiyaadka afduubay ay ku soo gaadhaan masuuliyiinta oo isku dayaya inay dadkii la socday samato bixiyaan.
waxii wara ee ka soo baxa kala soco qurbojoo