|

Wasiirka Daakhiliga iyo xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo kulan la yeeshay Cuqaasha gobolka Hargeysa

Hargeysa 26, November 2012 (SDN)- Wasiirka Daakhiliga Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo ay weheliyaan maamulka gobolka Hargeysa iyo xubno ka tirsan Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa kulan la yeeshay qaar ka mid ah cuqaasha gobolka Hargeysa.

Kulankan oo lagu qabtay hoolka shirarka ee wasaaradda Arrimaha Gudaha ee caasimadda Hargeysa, waxa lagaga hadlayay adkaynta nabadgelyada inta lagu gudo jiro xilligan xasaasiga ah ee doorashada goleyaasha Deegaanka oo Arbacadda loo dareerayo.

Wasiir Duur waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimada ay adkaynta nabadgelyadu u leedahay qaranka inta lagu gudo jiro xilligan xasaasiga ah, wuxuuna cuqaasha gobolka Maroodi-jeex ku booriyay inay bulshada ku guubaabiyaan sidii ay doorashadu ugu qabsoomi lahayd hab hufan oo nabadgelyo ah.

Wasiirku waxa uu murashaxiinta iyo xisbiyada/ururada siyaasadeed ee tartamaya u soo jeediyay inay ku kalsoonaadaan natiijada ka soo baxda doorashada Deegaanka Somaliland.

Waxa kale oo halkaas hadalo kooban ka jeediyay guddoomiye kuxigeenka maamulka gobolka Maroodi-jeex iyo Xoghayaha gobolka, kuwaasoo tilmaamay muhiimada ay ilaalinta nabadgelyada iyo doorka madax-dhaqameedku leeyahay.

Ugu dambayn, Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Mr. Maxamed Axmed Xirsi (Geele) oo hadal ka jeediyay kulan, waxa uu faahfaahin ka bixiyay geedi-socodkii ay doorashada Deegaanku soo martay iyo habka ay Arbacadda dalka oo dhan uga dhacayso.

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed