|

Hargeysa: Wadaad ay ciidanka Amnigu xabsiga u taxaabeen iyo sababta loo xidhay

Hargeysa 26, November 2012 (SDN)- Ciidanka amniga ee caasimadda Hargeysa, ayaa xabsiga dhigay Sheekh Maxamuud Cabdillaahi Geelle oo horaantii oo dabayaaqadii sannadkii hore ku dhawaaqay urur-diimeedkii Xisbulah.

Sida la sheegay waxa uu xadhiga hoggaamiyaha urur-diimeedkaas la mamnuucay ka dambeeyay uu ku tiraabay hadalo ku lid ah doorashada golayaasha deegaanka oo laba maalmood oo keliyi ka hadhsan yihiin qabsoomideeda.

Sheekh Maxamuud Cabdillaahi Geele ayaa la sheegay in ciidamada amaanka oo gurigiisa tagay subaxdii hore ee shalay, isla markaana ay ka waayeen xilligaasi, balse waxa la sheegay inuu isagu iskii u tegay saldhiga dhexe ee Booliska magaalada Hargeysa, ka dibna ay ciidanka amnigu xidheen.

Ka hor intii aan la xidhin, waxa uu qaar ka mid warbaahinta u sheegay in mabda’iisa Diiniga ah ee uu ka taagan yahay doorashooyinka lagu haysto iyo waxa ay shareecada Islaamku nidaamka Dimoqraadiyada ka qabto, taas darteedna ujeedada xadhigiisu ay ka dhalatay.

Maxamuud Cabdullaahi Geelle waxa dhawr jeer oo hore xabsiga dhigay ciidamada amniga ee Somaliland.

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed