|

Laacibka Lionel Messi oo ku dhow inuu jabiyo rikodhka gool dhalinta caalamka

Barcelona Nov 26,2012(SDN)-Kooxda Barcelona ayaa 4:0 ku dhirbaxadey kooxda Levante, ciyaar maanta dhexmartey oo ka mida Ciyaaraha koobka La Liga ee dalka Spaina. Hadaba laacibka Lionel Messi oo caalamka looga yaaqano mishiinka kubada cagtaa ayaa 2 gool oo goolaasha ka mida qeybtii danbe ee Ciyaarka ku luley shabaga goolka kooxda Levante, waxaaney labadaasi gool noqonayaan gookii  81aad iyo kii 82aad ee Messi dhaliyo intii lagu jirey sanadkan 2012ka, 60 Ciyaarood uu saftey gudahood.Waxaanu isu geyn haystaa ilaa hada 82 Gool intii lagu jirey sanadkan.

1972 kii ayey aheyd markii uu ciyaaryahanka Gerd  Muller oo u dhashey dalka Germany uu dhigey rikoodhkii Gool dhilinta isagoo sanadkaa dhaliyey 85 Gool, 53 Ciyaarood oo uu saftey ilaa hadana uu ka haysto rikoodhka gool dhalinta aduunka ee laacib dhaliyo wareega mudo sanad ah.

Hadaba dadka saadashada kubada cagta ku ibtiloobey ayaa isku raacsan in koobka uu Muller ku haystey dhalinta goolasha mudada gaadheysa 40ka sano ay maanta godkiisa  biyo ugu galeen, iyadoo la rajeynayo in wiilkan yar ee u dhashey dalka Argentine uu inta sanadka ka hadhey rikoodhka jabin doono.

Labadan gool ee ugu danbeyay ee ka dhaliyey kooxda Levanta ayaa waxaa si aada uga caawiyey oo la dadaaley laacibka  Andres Iniesta u dhashey dalka Spain oo isuga laftiisu goolka 3aad naftiisa ku casuumey, halka goolka Afraadna uu ku qadeeyay laacibka Fabregas oo ka mida macalimiinta kooxda Barcelona ee aadka looga baqdo.

Si kastba ha ahaatee bal waxeynu sugi doona in laacibka Messi uu keeni doono afarta gool uga dhiman tirada laga rabo inuu Muller ugu sheego in dunida weli rag nool yihiin iyo in kale waxaanu haystaa mudo bil iyo 5 cisho ah oo in ka mida la geli doono fasaxii diinta Gaalada.

qurbejoog.com

Oslo Norway

Comments are closed