KISMAAYO MAXAA KA YAAL? (Qormo)
Midkii turun tureeey maagan
Tumaatida ku dhici doonta
Taasina is waydiin leh!
Ninka tuhunsan Soomaali baa tamar yarooow
Inta aad dhib wayn taransan
Aan talo ku siinee WARHOOY
Timir laf baa ku jirta*
Inkasta oo dadka Aduunyada ku nooli ay yihiin ood-wadaag isku baahan oo aan midkoodna midka kale uga maarmeyn hagaajinta howlihiisa aduunyo, hadana waa hubaal in qof kasta uu leeyahay waxyaabo u gaar ah oo uusan qof kale lasoo fara galin karayn. Hadii lagusoo fara galiyana waa ay hubantahay in diriri ay imaanayso oo qof kastana uu is diifaacayo.
Waxyaabaha la kala leeyahay laguna dagaalamo waxaa ugu wayn marka Sharafta iyo Shaqsiyadda gaarka ah ee dadka lagasoo tago, Dhulka, iyo Hantida gaarka ah.
Waxaa halkan imaanaya oo labadaas aan sheegayba ay hoos tagayaan Wadanka oo kulminaya Dhul, Dad, dowlad iyo waxyaabaha kale ee gaarka u ah isu taga dhinacyadaas.
Dunidu waxay soo baratay dagaal, khilaaf, buuq, iyo hardan adag oo dalal badan soo dhex maray. Kuwaas oo xiisadahoodu ay salka ku hayeen isku xad-gudub iyo damac dheeri Dhul iyo hanta ku qotoma.
Wadamo badan ayaa awood sheegtay oo dalal kale ku duulay, natiijaduse waxay noqotay dagaal iyo is-difaac dhaliyay inuu Dhiig badan daato. Waase hubaal in gaba-gabada Dhul qabsigu uu yahay guul ay dadka Dhulka lihi ka gaaraan kuwa soo gar-darooday. Tanina waxaa loo hayaa taariiikh iyo tusaalooyin horay u dhacay.
Hadii aan usoo daa-dago Qormadaydan, waxaan kaga hadlayaa sida ku cad Cinwaanka kore, arrin aan anigu u arkay dad badanina igu raaceen inay tahay nooc cusub oo Damac-dheeriga Dhuleed ee dunida ay horay usoo aragtay ah.
Aduunyadu waxay haatan maraysaa xilli laga gudbay Gumeysiga iyo Dhul-boobkii horay u jiray. Waxaase wali jira Dalal iyo dhinacyo ku fikiraya in Xuduudaha uu Caalamku ku kala baxay ee lagu kala xadeeyay Dhulalka ay dowladuhu kala maamulaan ay ku xad-gubaan si ay Dheeraad u helaan.
Hadii aan gudaha Qoraalka iyo runtiisa usii dhaadhacana, waxaan ka hadlayaa arrinta magaalada Kismaayo. Halkaas oo ah mid ka mida Magaalooyinka ugu waawayn dalka Jamhuuriyadda Somalia, suurta galna aysan ahayn inuu Dalku ka maarmo ama ay iyadu ka maaranto.
Somalia waa dal ay Dadkiisu ogyihiin, Duniduna si dadban iyo si toos ahba ugu ogtahay inuu tabanayo gardaro iyo dulmi Gumeysigii hore uu kusoo sameeyay dalkan. Waxaana Jamhuuriyadan Dhulkeeda ka maqan Dhul aad u ballaaran oo dad Soomaaliyeed ay leeyihiin, kuwaas oo ay haatan maamulayaan dalalka dariska ah sida itooobiya iyo Kenya.
Iyadoo ay sidaas ahayd baa dagaaladii Somalia ka qarxay Dabayaaqadii Qarnigii hore(1990-kii) waxaa ka dambeeyay maamul la’aan iyo burbur dalku uu gorada la galay.
Dalalka Dariska oo la rumeysanyahay inay ogolaasho ka heysteen Caalamka kalena waxay u dhaqaaqeen hurinta Colaadihii socday si ay u xaqiiqsadaan Dano siyaabo kala duwan loo micneeyay oo ay iyagu leeyihiin.
Iminka oo dagaaladii ay culees yareeyeen, nabad-galiyaduna kasoo bidhaamayso cidhifyada dalkan ayaa waxaa soo shaac baxaya cadawtooyo cusub oo lagu wiiqayo rajada bulshadanu leedahay waqtigan.
Magaalooyinka dalka oo ay Xoogagga Alshababku maamulayeen baa waqtiyadii dambe weerarro waxaa kusoo qaadayay Ciidamada dowladda Somalia, awoodo kale oo Soomaali ah iyo Ciidamo shisheeye oo qaarkood dalalkii hurinta colaadda Somalia lagu tuhmi jiray ee Dariska ahaa ay ka socdaan.
Magaalada Kismaayo ayaa u dambeysay goobahaas weerarka lagu ekeeyay si meesha looga saaro waxa ay dhinacyadaasi ku sheegayeen argagaxisada,looguna ogolaado dowladda Somalia inay awoodeeda dalka ku balaadhiso.
La mood noqonse wayday!! Sidaas waxaa isu badalay howlgalkii Sanadka socday ee Ciidanka Kenya oo ay Xoogag badan oo Soomaaliyeed magacyo kala duwanna sita ay wehlinayeen, kuwaas oo kasoo dhaqaajiyay gudaha Kenya iyagoo kusoo jiheysnaa Somalia.
Waxay gacanta ku dhigeen Ciidamadan magalaada Xeebta leh ee Kismaayo. Taasina waxay dhacday Saddex Sano oo halkaas ay Alshababku maamulayeen dabadeed.
Markii Ciidamadani ay halkan soo gaareen waxaa xoogeystay nux-nuxda hoose ee ay Warbaahinta Soomaalidu qaad-qaadeysay, taas oo salka ku heysa in data Ciidankani ay deegaanka ka leeyihiin ay ka duwantahay waxa ka muuqda magaca howlgalkooda iyo hadalada ay Warbaahinta siinayaan.
Kenya oo waqti hore ku eedeysnayd neceybka iyo abuurista caqabado diidaya in dowlad iyo nabad laga helo Somalia ayaa waxay kusii tarax tagaysaa falalka guracan ee ceynkaas ah.
Waxaa xusid mudan in Kenya ay iyadoo horay u maamuleysay Dhul ay dad Soomaaliyeed leeyihiin oo uu heshay markii Gumeysigii Reer galbeedku uu kala qaybiyay dal-weynihii Somalia, Dabayaaqadii Qarnigii 19-aad.
Iminka Waxaa lagu eedeeynayaa dowladda Kenya inay doonayso la wareegista magaalada Kismaayo iyo Dhulka ku xeeran si ay ugu biiriso Dhulka ay iyadu maamusho ee dalkeeda hoos taga.
Taas waa arrinta ugu mugga wayn ee Kenya lagu eedeynayo, waxaase jira arrimo kale oo ay ku jiraan inay ugu yaraan doonayso in maamul iyada ku Siyaasad ah uu deegaanka ka hana-qaado, iyadoo aan loo aaba-yeeleyn maamulka dalka guud ahaan ka jira.
Eedeymahaas qaarkood ayaa soo if-baxay markii mudo kooban laga joogay qabsashada Kismaayo. Waxayna ahayd markii ay Ciidamada Kenya iyo awoodaha Soomaalida ah ee la socda ay soo celiyeen Wafdi dowladda Somalia ka socday oo Kismaayo tagay.
Waxaa kale oo iyana dhibaato ahayd Dhuxul badan oo Dekeda Kismaayo tiilay, taas oo markii dowladdu ay amar kusoo saartay inaan halkaas laga dhoofin karayn ka dib ay Kenyanka iyo Soomaalida la socotaa ka biya diideen amarka dowladda dalka, kuna dhaqaaqeen Dhoofinta Dhuxushaas.
Wali Kenya waa ay ku sugantahay Kismaayo, wax cad oo ay ku sharaxayso joogitaanka Ciidankeeda ee halkaas iyo tallaabooyinka qaldan ee ay qaadeen illaa iyo markii ay deegaanka yimideenna wal ma jirto.
Waxaanse rumeysanahay in si kasta oo ay Nairobi u doonayso inay faraha ulasoo gasho maamulka Somalia aanay taasi marna imaan doonin.
Dalkani waxaa u talinaya dadkiisa, hadii waqtiga la joogo uu saamaxayo Kenya-ne waxaa hubaal ah inuusan waqtigu halkiisa sii joogeyn oo horayna uu iskusoo bad-badali jiray iminkana is badali doono.
Kuwa Soomaalida ah ee lagu eedeynayo inay Kenya ku talada iyo tashiga yihiin lana socdana waxaan leeyahay, Dalku waa dalkiina, dadkuna waa dadkiina, Kenyana Dhul Soomaaliyu leedahay hadii uu wanaag u leeyahay iminka inta ay gacanta ku hayso un ha u tashato ee dheeraadka yaanay ku jah-wareerin cidna uma suurta galin kartee, idinkuna haku magac iyo maamuus beelina.
Hadii aad kalkaal u noqotaan damac iyo qorshe lagu kala geynayo dalkan Dhulkiisii waynaa horay loo kala qaybsaday ee inta yarka ah loosoo reebay, waxaa xaqiiqo ah inaad go’aankiina maanta dib uga qoomamayn doontaan. Qoomadiinuse waqtigaas waxba idiinma kordhinayso!
xusuusnaada in Soomaali kala jaad ahi ay ku wada noolyihiin gobalada aad qorsheyneysaan inaad Kenya u gacan galisaan. Soomaaliduna waad garanaysaan dad ahaan inay yihiin kuwo aan marnaba ogoleyn Gumeysi iyo in Dhulkooda la boobo!
Iskusoo wada duube waxaan Umadeyda u rajaynayaa nabad iyo is-raac iyo in ififaalaha iminka dalka ka muuqanayaa uu noqdo mid dhabooba laguna dhargo.
Suugaantan hoose ayaan kusoo xirayaa Qoraalkeyga. Waadna mahadsantihiin aqristayaasha sharafta mudanoow:
Midnimo kaan dooninoo
Maquuno gumeysi raba
Midkaa Dhulka boobayoo
Maciinsaday Gaaladiyo
Madoobe kuwaa la jiree
Mawaaye Kibaabki raba
Inuu maamulo dhulkaan
Miirkoodii baa tagoo
Maskaxdii beey gabeen
Caqligii baa ka maran
Ee Kismaayo maxaa ka yaal?
– Hadii ay moodayaan
Dadkaanu inay maxmiyad
Ama gumeysi madow rabaan
Mid aan socon doonin bay
Micnaha sheekadu tahaye
Sidaas ha maqleen raggaas!
– Kismaayo waxaa milkiyi
Magaaladu ay la jiri
Dadkuna u mashxaradayaan
Muwaadin gumeysi neceb
Midnimo doon lagu yaqaan
Midkaasbaa madasha iman
Maamulka isagaa u hari!
– Kismaayadu maaha sahal
Kibaakoow maaha saas
Ha moodin ciyaar ciyaar
Ma taalo daleel cidlaa
Rag bay magantooda tahay
Dadbaa magaceedoo qura
Muqadas ka dhiganayoo
Marnaba aan siisan Maal
Kismaayadu maaha dheel!!
W/Q: Mohamed Abdullahi Dhaaley
Mogadishu-Somalia
_______________________________
* Ereyadan waxay ku jireen Hees uu qaaday Fanaankii geeriyooday allaha u naxariistee Xassan Diiriye Faarax. Heestaas Ereyadeeda waxaa curiyay Maxamuud Tukaale Cusmaan.