|

SHEEKADA ‘QURBEJOOG’ – qiso qof, qoys iyo qaran

Tibaax iyo tilmaan: “Sheekadani waxay kaalinta kowaad ka gashay tartankii Sheeko iyo Shaahid 2012, waxana halkan dib loogu dabacay oggolaansho rasmi ah oo waafaqsan sharciga xuquuqda faafinta iyo xeerka barnaamijka Sheeko iyo Shaahid, oggolaanshahaas oo laga helay maamulka barmaamijka. Xuquuqda hal-abuurku waxay u dhowran tahay qoraaga oo lagala xidhiidhi karo: mbiixi@googlemail.com.”

Ku soo dhawaada qaybta todobaad ee sheekada. Goordhaw bay idinla duuli doonta ee kuraasta xejista:

….Aw Mirqaan saacad wax ku dhaw baanu hadlin, waxaanu isu geeyay warkii qoladii marfashka ee tilmaantooda ku gaabiyay wiil dariska ah, ninka uu saaxiibkiis tilmaamay ee Sh Saleebaan oo si wacan uu u garanaayo, iyo xidhiidhki qoyskiisa iyo qoyska Reer-Saleebaan ka dhexeeyay ee aadka u dhawaa.

Xidhiidhkaas in badan buu ka cawday, waxyaalihii uu inta badan ka digay, Farduusna ay iskuba seegi jireen ayaanu ka mid ahaa. Wax badan buu xaaskiisa isku dayay inuu ka dhaadhiciyo inay qoladan dariska ah iska fogayso, wax xidhiidh ahna aanay la yeelanin si ay sharafteeda u dhawrto. Wax badan buu xaaskiisa ku yidhi, “Halkuu kaa dhaafay hadalkaan, ku celceliyay dhawr jeer?” Waakii xataa mar inantiisa Saamiya ah iyadoo intan kaba yar ay ka doodeen sida uu qoyskan dariska u arko.

Waakii inantiisa ku wacdiyay inay qoladan dariska dhalasho ahaan hooseeyaan, iyaguna ay sareeyaan, ayna tahay inay aad isaga saraysiiyaan, iskana fogeeyaan. Waakii isku dayay inuu doodiisa xujooyin cadcad ku taageero, ee inanta u sheegay inaan qoladan dariska iyo cidooda  samayskoodu jidh ahaan xataa iyaka la mid ahayn oo ay baabacooyin cadyihiin, carab la’yihiin, bakhtigana cunaan! Waxaas iyo wax la mid ah buu daldalay, waligiisna wuu daldali jiray, laakiin se inantiisii yarayd hal qodob kama fahmin!

Waatii waagaas oo ay 11 jir kaliya ahayd dood adag oo uu jawaabo u waayay ula timid ee ku tidhi, “Aabo waxan aad ka sheekanaysaa muxuu yahay?”, “Aabo, inaku dad madaw ah, qaxoontina ah miyaynaan wada ahayn? Miyaynaan wada ahayn kuwa ugu saboolsan xaafadan aan daganahay oo dhan? Kala saraynta aad ka hadlaysaa maxay tahay? Geesta kale, jidhkoodu keena uun buu u eegyahay ee ma anigaa waxan aad sheegayso kuba arkay, sidoo kale, waxa ay cunaan iyo waxa aan cunnona waxa laga soo wada iibiyaa isku hal dukaan oo ah midka dadka saboolka ahi ka adeegtaan ee Naatto, dukaanka danyartu ka arad-baxaan ee Primark na dharka ayaan ka wada iibsanaa. Intaas baan ogahay oo dhab ah, laakiin adigu waxan aad sheegaysaa muxuu ahaa? Maalintii ay sidaas ku tidhi yartu ayaa ugu dambaysay doodii noocaas ahayd.

Wuxu isku dayay inuu hadalka soo ururiyo, waxaanu xiligaas yartiisa ku yidhi, “Aabo waxan ogahay wax aanad ogayn ee mar kale ha inoo ahaato…” Sida dhabtu tahay, wax uu ogaa oo intaas liidata, ee baal-dacarka ka jilicsan, ee caruurtii yaryarayd ay iibsan wayday ka badan ma haynin, laakiin waddo uu doodan kaga baxo ayuunbu rabay.

Wuxu isku qanciyay marka ay waynaato inay dhaqanka iska baran doonto, markaana aanu uba baahan doonin inay doodaan, laakiin taasi ma dhicin! Sheekooyinkii noocaas ahaa buu filimkooda dib ugu soo ceshaday, waxaana u muuqatay dadaalkii ilaa waagii ay yaraydba uu waday ee kala fogaynta ahaa inaanu shaqanin.

Waxad moodaa in aduunyadii oo dhan tunkiisa la soo saaray culayska iyo cidhiidhiga uu dareemaayo, waxaanu ka fikirayaa wixii uu yeeli lahaa. Muu xasuusan gabaygii Gamuutte ee ahaa, “Dadku waa isku isir, isku aabiyo hooyo, ruux ammaarad leh, iyo astaan eebe ma sheegin.

Ninkii Aw Mirqaan ahaa wuxu goostay inuu, si uu arintan u joojiyo, qoyskii wiilku ka dhashay, gaar ahaan wiilka iyo aabihiis dirir aan waxba la isula hadhin ku qaado. Wiilka qiimihiisu dadkaba kuma jiro, taageeradii qoyskiisa ay u fidin jireen qoys ahaan ee aan xadkaba lahayn, caawintii uu Axmed-waayeel caawin jiray caruurtiisa ilaa waagii ay intan kaba yaryaraayeen, iyo waliba, inay caruurtiisa iyo kuwa darisku yihiin dadka kaliya ee madaw ee dugsigaba dhigta, intaas midnaba ma qadarinin. Dhab ahaan inta uu caawimo qoyskiisa u gaystay, iyo inta qoyskani u gaysteen inaanay shaqoba isku lahayn oo boqol lab ay caruurtiisa isaga uga badsadeen ma oga, ama ogaan buu isu moogaysiinayaa.

Heer uu isla hadloba ayuu gaadhay, wax kastana wuu ku tashaday! Wuxu isku dayay in arinta hadal lagu dhameeyo, waxaanu abaaray ninkii Sh Saleebaan ahaa ee wiilka dhalay, waxaanu ka dalbaday inuu wiilkiisa joojiyo oo arinta guurka aan hore loogu soconin. Wuxu adeegsaday odayaal beeshiisa ah oo halka uu arinta ka taaganyahay kala mid ah, aadna u cadhaysan.

Sh Saleebaan wuxu u sheegay arintu inay wiilka iyo gabadha ka go’do. Wuxu u sheegay inaanu qof ahaan jeclayn guur aan la isla wada ogolayn, oo aan raali la iskaga wada ahayn, laakiin hadana sabankan la joogo dadka waawayn talo gacan uguma jirto. Ayuu Sh Saleebaan si af-gobaadsi ah u sii yidhi. Isagoo jawaabtaasi ay waxoogay naruuro ah ku abuurtay, geesna ka warwar qaba xidhiidhka isaga iyo Farduus u dhexeeya ee aadka u liita, ayuu Aw Mirqaan ergo balaadhan, oo rag iyo dumarba leh, oo reerkiisa u badan u diray inay inantiisa iyo hooyadeedba ku qanciyaan qorshaha uu wado.

Waatii raadku ku battay gurigii ay Farduus iyo caruurtu daganaayeen, waligoodna imika ka hor may arkinba qaraabo sedan u badan oo soo booqanaysa. Wax hadal batoba, wax dood isku mid ah lagu celceshoba, wax lagu yidhaaho ha ina ceebaynina, gabdheheena ayaa guur seegaaya, Farduus hal erey kama qaadanin. Mawqifkeedu mid kaliya uun buu ahaa, mawqifkaasina wuxu ahaa, “Qoyska reer Sh Saleebaan inaanay cidna ku doorsanaynin, cid ka xigta ehel ahaan oo arladaba ku noolina inaanay jirin.”.

Farduus waa laga quustay, inanta yarna awalba in caqligeeda la bedelo rajo badan lagama qabin, talon a waxay ku soo gudhay, “Isma sheegano,” iyo “Awalba cidna maanu is sheegan jirin ee nabad galyo.”

Waxa se jawigiiba sii cakiray markii ay Farduus shaaca ka qaaday in inanteeda afar usbuuc kadib la soo doonaayo, diyaargarawgiina dhamaaday. Tolkii oo dhami boodhka ayay maryaha ka tunteen, iyagoo wada aamusan ayaanay iska dareereen. “Dhamaantiin wad casuumantihiin.” Bay Farduus si cariigsi ah ugu sii tidhi.

 

Warkaas dhinaciisa quusta ka ah, laakiin dhinaca inantiisa naruurada ka ah, iyo waliba meherkii oo loo mudaystay ayaa lagu taabtay. Aw Mirqaan dhulka ayaa la wareegay, waxaanu bilaabay inuu tashi isugu noqdo, waxaanu ku gudoonsaday talaabadii ugu liidatay. Wuxu gudoonsaday inuu wiilka dillo, isagoo u arkaayay inaan arinta sidaas mooyee si kale lagu joojin karin. Waatii saaxiibkiis Been ma sheege uu ku xidhay qolyo ay jeelka isku barteen.

Waa kooxdii budhcada ahayd ee The Red Brick Thugs oo ka mid ah 13 ka kooxood ee ugu caansan xaafada Enfield iyo guud ahaanba waqooyiga London. Wuxu durba la kulmay laba wiil oo iska dhal ah (madaw iyo cadaan) oo dhawaan uun ka soo baxay xabsi ay ku muteen dil ka dhacay xaafada oo ay wax ka ogaayeen. Waxoogay lacag ah oo uu ka sameeyay tahriibintii jaadka ee wadamada Yurub ee uu dhawrka sanno ku maqnaa buu u isticmaalay qorshahaas foosha xun. Waakii waxoogay lacag ah bixiyay, wax kalena ku balan qaaday.

Waatii xog buuxda oo ku saabsan wiilka la maaganyahay sida sawiro, cinwaanka guriga, jaamacada uu wiilku dhigto, maktabada uu wax ku akhristo ee uu habeenkii ku raago, masjidka uu ku tukaddo iyo jidadka u badiyaa soo maro marka uu soo hoyanaayoba la siiyay.

Labadii budhcad ee qandaraaska qaatay waxay qiyaaseen hawshooda sidii ay u fulin lahaayeen, waxaanay ku dadaaleen inay wiilka muuqaalkiisa oo aan sawir ahayn bartaan. Waa loo sheegay inaanay wakhti badan arintan ku qaadanin,ayna ku dadaalaan inay laba usbuuc gudahiisa qorshaha ku fuliyaan.

Makhaayad loo sheegay inuu cuntada ka soo qaato habeenkii marka uu soo hoyanaayo ayay isu qaybiyeen oo midkood ku sugay si uu u garto, si cadaan ah baanu u arkay. Hadiiba uu wajigiisa ka bogtay ayuu wiilkii dhalinyarada ahaa ee la soo kiraystay wajiga wiilka gartay, waxaanay ahaayeen isku dugsi todoba sanno horteed.

Axmed-yare oo aan wax dareen ah qabin baa ishiisu qabatay ninka koofiyada gashan ee soo eegaaya, laakiin shido isma galin ee wuu baxay markii uu cuntadiisa iibsaday. Isla markiiba wuu ka daba baxay ninkii shirqoolka waday, meel aan meherada kaba fogayn ayaanu ku gaadhay. Markii uu la soo joogsaday buu koofiyadii iska qaaday, waxaanu ugu yeedhay magaciisa.

Axmed muu aqoonsanin, laakiin se wuu bariidiyay. Ma aqoonsan karo oo ninkani jeel buu ka soo baxay, dayac badanina waa ka muuqdaa oo maaha wiilkii dhawr sanno ka hor dugsiga dhigan jiray ee wajiga furnaa. Markii uu hadlay ee afkiisa eegay buu yar xasuustay, saani na wuu u gartay aakhirkii. Waa wiilkii iskadhalka ahaa ee Mr Loran, wuxu se ugu yeedhay magacii iskuulka ee Mr P. Is aqoonsi kadib, ninkii Loran ahaa wuu la tacaadufay Axmed-yare, waxaanu uga dhacay warkii isaga ku saabsanaa oo dhan. Wuxu ku yidhi ninyahaw waagii iskuulka ayaad maalmo badan I caawisay, anigu se dugsiga ma jeclayn oo waatii aan iskaga tagay, laakiin abaal baan kuu hayaa. Waxan doonayaa inaan naftaada badbaadiyo ee ma kuu waramaa? “Naftaada badbaadiyo…?, Maxaad ka wadaa?” Buu Axmed ku qayliyay!

Warkii buu u dhameeyay, waxaanay la ahayd filim oo kale. Wuxu sheegay in kooxdoodii Red Brik Thugs qandaraas lagu siiyay dilkiisa, caawana uu halkan u joogay si uu isaga u aqoonsado wajigiisa. Wuxu ku yidhi Axmedoow warkaasi maaha dheeldheel, inaan warkaas kula wadaagayna aniga ayaabay naftayda halis ku tahay. Xataa hadii anigu aan kuu waramay oo ku gartay, kuwo kale oo aan ku bixinaynin baa jooga, qorshuhuna wuxu yahay in laba usbuuc gudahood lagugu dilo ee arintaas ka tabaabulshayso, hana I sheegin.

Axmed warkaas dhan uu u qaado ma garanin, laakiin wuu garawsaday in halisi jirto. Ninkii Loran ahaa uma sheegin cidda soo dirtay, isaguna ma qiyaasi karaynin. Isagoo warwarsan buu guriga tagay, waxaanu warkii la wadaagay aabihiis. Aabihiis arintaas aad buu uga naxay, waxaanu durbadiiba dareenkii shakiga oo dhan ku jeediyay ninkii Aw Mirqaan ahaa iyo qisadii guurka gabadhiisa. Isla habeenkiiba booliiska ayuu sheekadii u gudbiyay, siday ku dhacday oo dhan na wuu u tifaf tiray.

Booliisku markiiba guriga ayay ugu yimaadeen, waxaanay kula taliyeen inuu isla baritoba ka guuro xaafadan, una wareego meel kale oo ay tahay inaan cidnaba loo sheegin. Sh Saleebaan warkii wuu qaatay, inuu fuliyona wuu goostay. Intaas wuxu ku daray talo uu wiilkiisa ugu noqday, waxaanu u sheegay meesha uu u malaynaayo inuu qorshuhu ka socdo. Wiilkiisa wuxu ku yidhi duco qaado oo inantaas iskaga hadh Aabo, baritona aan meeshaba ka guurno sida booliisku inoo soo jeediyay.

Wiilku aad buu u wareersanaa, go’aana ma gaadhi karaynin, wuu se la qaatay aabihiis talaabada geediga. Isla maalintiiba waxay u wareegeen guri ku meelgaadh ah oo Bariga London, xaafada Bethnal Grean ku yaalay. Waa markii ugu horaysay ee ay guuraan muddo 18 sanadood ah, laakiin geedigaasi ma ahayn mid caadi ah ee wuxu ahaa qaxoontinimo. Farduus iyo qoyskeedii waxay ku war heleen qoyskii dariska oo xidhxidhan, odaygii Sh Saleebaan ahaa baana warkii uga dhacay Farduus.

Gabadhii Saamiya ahayd oo shaqo ku maqnayd galabtii bay hooyadeed warkii u sheegtay, si aan caadi ahayn baanay u naxday. Hadalba waa laga waayay! Axmed taladii aabihiis buu qaatay, waxaanu Saamiya ugu yimid booqasho isagoo xaalka uga waramaaya. Wuxu yidhi inaan naftayda halis u galiyo arin noocan oo kale ah ma doonaayo, halistaasina, sida uu aabahay ii sheegay, way joogaysaa inta aan arintan ku jirro, markaa raali aan kala ahaano.

Saamiya oo awalba warkii hore naxdin ka qaaday, hadalkuna ku yaraa ayaa sii naxday, hal erey oo jawaab ahna uma celinin Axmed. Intay sidaas u eegtay, ayuunbay ilmaysay, iskana kacday oo qol isku xidhay. Axmed qudhiisu, in kastoo oo is adkaynaayay, hadana ilmadii indhaheeda, iyo dareenkii wajigeeda ka muuqday ee dhiilada lahaa ayaa si fog u taabtay.

Markii ay aqalkii ka furi wayday ayuu debedda u baxay. Isagoo banaanka taagan ayaa Aw Mirqaan iyo saaxiibkiis Been ma sheege ahaa oo budad sita, oo meel ay ka yimaadeenba aan la garanayni ay sidii waraabayaal raq arkay wiilkii kula soo yaaceen, isna wuu ka orday. Ilaa uu ka gaadhaayay goobta basaska laga raaco ee xaafada mar qudha ma istaagin, orodkaas ayaana ugu dambeeyay xaafadii iyo inantii Saamiyaba.

Axmed-yare si sahlan uma ilaawi karaynin xidhiidhkii laba sano iyo dheeraadka jirsaday ee khaaska ahaa ee Saamiya u dhexeeyay, iyo xidhiidhkii caamka ahaa ee qoyskeeda intiisa kale u dhexeeyay ilaa maantii uu dab ka baydhay.

Wuu hubaa inay qof munaasib ku ah ahayd, inay qof karti leh, maskax furan ahaydna aad buu u qadariyaa. Ma aaminsana inuu Saamiya oo kale heli karo, waxa se kaga sii adag taas, sababta ay isaga iyo Saamiya isku waayeen oo aanu fahmi Karin meesha ay ka imanayso, iyo halka ay ku ab-tirsato toona.

Marar badan buu arintaas Saamiya la soo qaaday, gaar ahaan maalmihii u dambeeyay ee ergada badani gurigooda ku socotay oo uu dareemay inay waxoogay warwarsantahay. Laakiin sidaas oo ay tahay, iyada qudheedu jawaab may u haynin, manay uba haysanin in fikirka ambadka ah ee aabaheed uu saamayn ku yeelan karo go’aanka nolosheeda!

Axmed wuxu isku dayi jiray inuu si dhab ah Saamiya iyo wixii ay isku ogaayeen oo dhan u ilaawo, laakiin way ku adkayd! Wuxu xasuustaa inay qorshe nololeed oo dheer, oo xataa iyaka ka shisheeya ay wada dhiseen.

Wuxu ogaa inay labadooduba si isku mid ah u doonayeen inay cafimaadka bartaan, oo isna dhakhtar caruurta ah uu noqdo, (aediatrician), iyaduna dhakhtarad caafimaadka hooyooyinka ku takhasustay (gynaecologist) ay noqoto, kadibna ay dib ugu soo noqdaan dhulkoodii hooyo oo ka shaqeeyaan, una shaqeeyaan. Fikirkaasi iska riyo uun ma ahayn ee isagu jaamacada wuuba bilaabay, iyaduna way ku soo daba jirtay, labaduna xaga aqoonta ma kala dhacaynin. Intii ay tashigaas ku maqnaayeen, tashi kale oo madaw, oo qalbiyo madaw, oo dhaqan madaw ka soo fulay, ayaa kooda garab socday. Bilihii hore ee kala irdhawga jacaylka uu Axmed-waayeel u bixiyay noloshu way ku adkaatay, waxaanu badiyaa fadhiyi jiray beerta dadwaynaha ee la yidhaaho Bethnal Grean Garden oo Waqooyiga Bari ee xaafadda ku taalla.

Badiyaa wuxu daawan jiray xasuus-reebyada dagaaladii 1aad iyo 2aad ee Aduunka oo qaarkood Beertaas Bethnal Grean Garden lagu kaydiyay, can na ay ku tahay. Abidkiis macno la’aan wakhti sedan oo kale u badan uguma qaadan meelaha noocan oo kale ah, mana garanaaya sababta uu imika sedan u yeelaayo.

 

****La soco qaybta 8aad****

 

By M. Haaruun – mbiixi@gmail.com

Comments are closed