Khudbaddii Jimcaha: Sheekh Almis Oo Ka Hadlay Doorashooyinka, Baaq Iyo Dardaaran Culus-na U Kala Diray Xukuumadda, Axsaabta, Ururada Siyaasadda, Musharraxiinta Iyo Shicib-weynaha Somaliland AKHRISO/DHAGAYSO
Khudbaddii Jimcaha: Sheekh Almis Oo Ka Hadlay Doorashooyinka, Baaq Iyo Dardaaran Culus-na U Kala Diray Xukuumadda, Axsaabta, Ururada Siyaasadda, Musharraxiinta Iyo Shicib-weynaha Somaliland AKHRISO/DHAGAYSO
Hargeysa Nov 24/12 (SDN) Sheekh Almis Yaxye Xaaji-Ibraahim oo ka mida culimada waaweyn ee dalka ayaa maanta jeediyey khudbad aad u qiimo badan farriin culus u ah qof kastoo wax dooran kara ama la dooran karo, maadaama todobaadkan la filaya inay qabsoomaan doorashooyinkii golayaasha deegaanka Somaliland.
Sheekhu waxa uu si mug leh uga sheekeeyey dunuubta iyo ciqaabta uu mudan doono qofka aan codkiisa u meel-dayin. Waxaanu Baaq iyo Dardaaran u kala diray Xukuumadda, Axsaabta, Ururada Siyaasadda, Musharraxiinta iyo Shicib-weynaha Somaliland.
Sheekha oo khudbaddan ka jeediyey Masjidka Cumar Cismaan ee ku yaala xaafadda Jig-jiga yar ee magaalada Hargeysa, ayaa soo qaatay Aayado Qur’aan ah iyo Axaadiis saxiixa oo dhammaantood la innoogu digayo Markhaati-beenaalaha ama marag-kaca aan xaqiiqada ku dhisnayn, oo sheekhu sifo ka mida sifooyinka ugu horreeya ku tilmaamay cod-bixiyaha oo codkiisa aan u meel-dayin. Isla markaana ku raadiya dano gaar ah oo adduunyo.
Marag-furka beenta ah iyo diinteennu halka ay ka taagantahay ayuu Sheekhu aad ugu dheeraaday. Waxaanu soo qaatay Axaadiis sheegaysa inuu Marag-kaca beenta ahi ka mid yahay dunuubta ugu waaweyn ee nabigeenu (CSW) innooga digay, lana heer yahay Ilaahay oo cibaadadiisa cid kale lala wadaajiyo.
Xukuumadda oo doorashada ku shubata ama shicibka oo codkooda u meel-dayi waaydaa waxay noqonaysaa ayuu sheekhu yidhi Marag-fur been ah oo ay ka dhalan karaan dunuubta kuwooda ugu waaweyn, Cadaalad darro, Xuquuq dayicid iyo Nolol maalmeedka oo ay hagaan dad mufsidiin ah.
Sheekhu waxa uu soo daliilshay Axaadiis fara badan waxaana ka mida xadiis sheegaya qofka codkiisa ku raadiya adduun ee ballan la gala qof, codkiisana siiya, isla markaana markuu xilka qabto lasiiyo wixii uu rabay oo uu raali ku noqdo haddii la siin waayana uu cadhoodo inuu ka mid yahay Saddexdii uu nabigeenu (CSW) yidhi Ilaahay dhankooda ma jalleeco maalinta Qiyaame, mana taskiyeeyo, cadaabna wuu leeyahay.
Xadiiska kale oo Sheekhu ummadda xasuusiyey ayaa sheegayey Qof-ka ka baydha ka wanaagsan ee si ula-kac ah u doorta qof-ka xun in uu noqonayo qof khiyaameeyey Ilaahay, Nabigiisii Iyo Mu’miniinta. Sidoo kalena Qof-ka masuulka ah ee nin-jeclaysi wax ku doortaa inuu naxariistii Ilaahay ka fogaaday ayuu muujinayaa xadiis kale oo ka mida axaadiistii uu sheekhu soo daliiliyey.
Haddaba Sheekh Almis Yaxye isaga oo u digaya qof kastoo Codbixiye ah Isla markaana ka fatwoonaya waxa uu yidhi “Qofka qof ugu codeeya isaga oo ka doonaya berri kaa uu u codeeyey xilka markuu qabto inuu wax siiyo, ama adduun siiyo, ama xilalkuu u dhiibtay mid ka mida inuu u dhiibo, arrintaasi dambi la galo waa dunuubta ugu waaweyn cuquubadeeduna way adagtahay”
Isagoo Sheekhu hadalkiisa sii wata sidoo kalena digniin culus u diraya Musharrax kasta waxa uu yidhi “Waxa kaloo la mida oo halkaa agteeda taala oo dunuubta kuwooda ugu waaweyn ah Qofku codka dadka inuu iibsado, oo xoolo intuu u qaybiyo uu yidhaahdo codkiina isiiya. Xaq iyo baadilba codkiina igu siiya. Waxa ay la mid tahay oo la xukun tahay, wax aanad lahayn ood ogtahay, intaad markhaati beenaale soo kiraysatid, inaad tidhaahdid kaalay qaadiga hortiisa iiga marag-kac, inaan leeyahay oo waliba iigu dhaaro. Halkaasuu dambigiisu yahay…”.
Shicibka reer Somaliland ee todobaadkan u dareeraya doorashada golayaasha deegaanka ayuu sheekhu isagoo la hadlaya waxa uu yidhi “Hawsha aad todobaadkan u kacaysaan haddii Ilaahay idmo wiigan soo socda, waa inay Lillaahi idinka ahaato….haddii ay kaa noqoto idin kala garan maynee guulaysta oo aad cid kala saari kari waydid gurigaaga iskaga jooga….”
Sheekh Almis Yaxye waxa uu baaq u diray xukuumadda talada dalka haysa waxaanu yidhi “Dawladdaa maamulka iyo xilka haysaa inay Ilaahay uga baqato oo ummaddaasi si xalaal iyo xor ah waxooda ugu kala tiriso, dhanna aanay u hiilin dhanna aanay garabka saarin oo Lillaahi ay ka noqoto waa iga dardaaran”
Sidoo kale sheekhu waxa uu dardaaran u diray musharraxiinta iyo ururada ku guul-darraysta doorashada waxaanu yidhi “Dardaaranka labaad-na waxa weeyi ciddii hadha ee nasiibkoodu reebo ama si uun u hadha in aanay ummaddaasi qalalaase galin, oo aanay nabaddoodaa kaga cayaarin, oo aanay iyaga iska hor-keenin…”
Dhanka kale Sheekh Almis waxa uu difaacay habkan dimuqraadiga ah ee doorashooyinka iyo waliba dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanu yidhi isagoo arrintaasi ka hadlaya “Waa qaab zamanka adduunkan jooga oo la rabo in lagaga kala bedbaado in la is-laayo oo la is-dilo, Islaamkuna in lasoo amaahdo qaabab loo noolaado Islaamku ma diidana..”
Isaga oo sheekhu hadalkiisa sii wata wuxuu intaa raaciyey “Dimuqraadiyadda aad maqashaan gabigeeda Islaamku hal qodob haddii laga tallaabsado dhib kale uma arko. Oo dimuqraadiyadda reer galbeedku waxay leedahay xukunka Shacabkaa leh, Islaamkuna wuxuu leeyahay Xukunka Allaa leh…oo gacanta loo taagi maayo khamriga mala cabaa mise la cabi maayo, gabdhuhu xijaabka ma iska dhigaan mise dhigi maayaan, ribo ma qaadanaa mise qaadan mayno baarlamaanka looga codeyn maayo Abadan…Sharcullaahi qaa’im”
“Waata markaa ku kalliftay madaxdii waddankan (Somaliland) u soo talisay, markay distoorka dhigayeen qodobkaa labaad inay galiyaan oo ay yidhaahdaan, maadda kasta oo kasoo hor-jeedda Shareecadda Islaamka waa tuuris…waar distoorkani maaha distoor Islaamka aad uga fog, codkan aad kala tirsanaysaan ee lagu kala baxayaana dhib malaha, halagu kala baxo si loogu kala nabad-galo….” Ayuu yidhi Sheekh Almis Yaxaye Xaaji-Ibraahim.
Hargaysa Qurbojoog