SHEEKADA ‘QURBEJOOG’ – qiso qof, qoys iyo qaran(Qaybta shanaad)
Tibaax iyo tilmaan: “Sheekadani waxay kaalinta kowaad ka gashay tartankii Sheeko iyo Shaahid 2012, waxana halkan dib loogu dabacay oggolaansho rasmi ah oo waafaqsan sharciga xuquuqda faafinta iyo xeerka barnaamijka Sheeko iyo Shaahid, oggolaanshahaas oo laga helay maamulka barmaamijka. Xuquuqda hal-abuurku waxay u dhowran tahay qoraaga oo lagala xidhiidhi karo: mbiixi@googlemail.com.”
Qaybta shanaad:
Hooyo Qamar oo warka imaatinkiisa telefoonka Faarax-laangadhe looga soo sheegay ayaa ugu hor aragtay kolkii guriga loogu keenay, waanay dhaqaaq joogsatay. Muuqaalka wiilkii waa hore ka dhoofay, iyo ninkan timaha dheer baa isu qaban waayay, durba se way garatay oo ku dhagtay. Hadalba waa laga waayay ee ilmo ayuunbay qubtay, isagiina waa ku daray. Hablihii oo labadii isaga ka roonaa ay ka joogeen, ayaa iyana ku daray. Nabarro badan aan kolnaba bogsanin ayaa mar qudha wada qoonmay. Dhalashadiisii, dhoofistiisii, dhimashadii aabihiis iyo gabdhihii la dashay, dhawaaqii laga waayay, iyo soo dheelmadkan lama filaanka ah ayaa mar qudha maskaxdii Hooyo Qamar iyo hablahaba ku soo wada dagay. Hooyo qamar quruxdii uu kaga dhoofay iyo dhalaalkii ma laha ee waji xanuun badani ka muuqdo, daal iyo diifina ka dharagtay baa u muuqda. Marka cabaar oohinta laga yar daaloba hadana dib uun baa loo bilaabaa, sidaas baanay saacado badani ku socdeen. Habeen oohin iyo calaacal badan, hadana rajo ka muuqato ayaa reerkaas u dumay, waagii dambena waa u baryay. Hooyo Qamar baa wiilkii u warantay, isagana waraysatay. Aad buu uga xanuunsaday in gabdhihii uu la dahshay iyo aabo midkoodna aanu dib u arkin. Hablaha intii ka noolayd baa loo sheegay meelaha ay jiraan iyo mid kastaaba waxay ku eedantahay. Gabadhii lixaad ee Saynab ahayd, ee halhaystii “Awalba hablaan dhali jiray.” Ay ku baxday baa loo sheegay inay iyada tahay midda uu reerku Ilaahay idamkiis ku baxsaday oo Sucudiga lagu qabo.
War ma dhamaado ee halkaas baa usbuuc dhan waraysi iyo hadal socday, canaana dhankeedaba looma kicin. Hooyo Qamar waxa dahabka cascas uga qaalisan inay mar uun Fatxi aragto, wixii kale ee laga sheegi jiray, iyo wixii uga muuqda oo dhanna dhago iyo indho toona uma laha. Waatii hooyo Qamar galabtii dambe u furtay taladii iyada dhankeeda ugu qiimaha badnaynd oo ah inuu guursado. Durba waxay u soo jeedisay, isagoo aan wali jawaaba celinin, inuu gabadha ay edada u tahay, ee uu walaalkeed dhalay ee Farduus ah guursado. Warkii maya kama celinin ee qabuul buu ku dhamaday, inantiina waa la doonay oo laba maalmood kadib ba magaalada la keenay. Gabadhii Farduus ahayd wiilka warkiisa way maqli jirtay, niyada ayaanay kala qiiroon jirtay eedadeed Qamar marka looga waramo waayihii soo maray. Farduus horey bay arintii ka aqbashay, meher iyo aroos dagdag ahna halkaas baa loogu sameeyay. Gabadhii Farduus ahayd durba waxyaalo ay garan wayday bay ku aragtaa wiilkii Inaabtigeeed ahaa ee loo dhisay, dhan ay u qaado, iyo wax ay ku micnayso se midkoodna garan mayso. Wax badan bay aragtay, gaar ahaan subaxda hore marka uu kaco, isagoo aad wajigiisa bahal moodid, jidhkiisuna wada gariiraayo, ilmona qubaaya. Inuu xanuunsanaayo ayay u qaadatay, isaga ayaa se ka diiday oo yidhi ‘Ok’ baan ahay.
waa markii ugu horaysay ee ay ereygaas ‘Ok’ ee ajnabiga ah maqasho, wax badan baanu dhagaheeda ku soo noqnoqday. Mararka qarkood bay u qaadatay “Ok” du inay tahay kalmad uu ku cabiraayo sidan uu yahay, ayna dhiilo sheegayso, waagii dambe se way su’aashay qasdiga uu kalmadaas ka watto, aadna wuu ugu qoslay! Intaas buu uga dhigay aqoon darro iyo badawnimo, isaga ayaa se labaduba degelkiisa fadhiyeen. “Af qalaad aqoontu miyaa? Maya, maya, ee siday nala tahay, qofba waa inta Eebe gashaa…” Inuu Dun Carebeed lixdameeyadii ku heesaayay baanu ogayn. Laba bilood iyo badh oo aroos iyo waayo aragnimo ah baa u soo dhamaaday, dib baanu London ugu laabtay. Waxad moodaa inuu damiirkiisii khyaaliga galay markan dib u soo noolaaday, waxaana aad ugu mudan oohintii iyo dardaarankii hooyadiis. Intii uu maqnaa ma helin xashiishad iyo khamri tona, waxaana la dareemi karaayay inuu jidhkiisa iyo caqligiisuba soo noolaaday. Ninkii Xaamud ahaa ee hooyadiis la dhashay waakii madaarka ka soo qaaday, isaga ayaana guriga qoyskiisa geeyay. Maalin nasasho ah kadib, Abti Xaamud talo iyo tusaalayn buu u galay, warkii maalintii hore uu ka dhawrsadayna manta ayuu u galay. Wakaas wixii laga filaayay, wixii uu falay, iyo filkan manta ah waxa la gudboonba faaladiisa ku wada mariyay. Abti Xaamud, oo ahaa nin aftahamo ah, hadana caqli badan, kumuu dheeraan canaantii ee wuxu isticmaalay mabda’a “Caano daatayba dabadood la qabay”. Wuxu ugu tiraabay, ereyadii Timacade uu dhalinta Soomaaliyeed kula hadlaayay ee ahaa:
“Ubaxii dhirta, iyo waxaa tihiin xididkii dheeraaye.
Idinkaa dhaqaalaha wakhtigu, yahay dhigiiniiye.
Dhulka iyo aduu waalidkaa, kaa dhursugayaaye.
Dhakhso uma talaabsado ninkii, dhaanis (qoob-ka-ciyaar) ku ordaaye.
Dhulka waxa u dhiman waa inaad, nala dhamaysaane.
dhalinyahay sara kaca, oo dhaxalkii raadceeya.”
Hadal gun buu leeyahay, abtigiis waxay ku heshiiyeen inaanu gurigii uu waagii daganaa ku laabanin, inuu balwadii joojiyo, iyo inuu shaqo galo oo nolol u diyaariyo qoyskiisa cusub ee ku soo biiri doona. Intiiba wuu ka yeelay, waxaanu ka shaqo galay moofo abtigiis iyo Soomaali kale oo badaniba ka shaqeeyaan oo Smith Bakery la yidhaaho. Wax badan buu furinkii iyo keegag noocyo badan kala guray, maalmo badana wuu kalahay. Waakan durba Soomaalidii si wacan u dhex galay ee asxaab cusub samaystay. Saaxiibkiis Been-ma-sheege iyo nin kale oo la yidhaaho Qaadiro ayaa ugu horeeyay ragga uu dunta ku xidhay. Qaadiro meesha kuma raagin oo waatii habsan badan, iyo fasax xanuun oo tiro badan awgiis shaqada looga eryay markii ay shan bilood wada shaqaynaayeen. Labadii saaxiib ee cusbaa waakuwii jaadka baray ee marfashka Ilko-boqole geeyay. Waakii labada ayaamood ee Sabtida iyo Axadda halkaas fadhiyi jiray, in badana dhagta maali jiray. Muddo kadib waakii xaasku u yimid, inantiisii curadda ahayd ee Saamiya na markii ugu horaysay arkay. Farduus waatii muddo kooban oo ay adeerkeed Xaamud marti ku ahayd kadib, horeyba laga geeyay guryaha ku-meel-gaadhka ah ee sida aan rasmiga ahayn loo daggo, halkaas baanay iyada iyo Fatxi noloshii Ingiriiska si rasmi ah uga amba-qaadeen. Gurigii waxa Fatxi ugu dhashay laba wiil oo dambe, laakiin markii ay Farduus timid wakhti aan ka fogaynba, ninkii Fatxi shaqadii baa laga eryay.
Shaqo ka tagista Fatxi qiso caan ah bay lahayd, waxaana sabab u ahaa jaadka. Si ay ka ahaydba, waakii maalin uun meesha shaqada ku tufay hadhaaga caleen jaad oo uu daanka ku ururiyay, dhibaato wayn baana ka dhacday. Ninkii Peter Smith ahaa oo 15 sanadood meesha ka madax ahaa oo la tusay kuus cagaaran oo dhulka yaala, wakaas garan waayay ee shaqadii oo dhan amray in la joojiyo. Wakaas wixii markaas roodhi diyaar ahaa oo dhan amray iyakana in la daadiyo. Wuxu u qaatay inuu waxaas cagaaran, ee hadana qoyanni maaddo sun ah, oo cuntada meesha lagu samaynaayo si sahlan ula fal-gali karra noqon karo. Qolyaha caafimaadka deegaanka qaabilsan ayuu u yeedhay, iyaka ayaana u xaqiijiyay inaanu waxaasi sun ahayn, waxay se garan waayeen waxay ku sheegaan. Wax la iska daba laabtoba, shaqaalihii ayaa sheegay inuu waxaasi jaad la calaaliyay yahay, waxaanay ku cadaatay Fatxi oo lagu ogaa inuu meesha jaad u soo qaato, maalintaasna afkaba ku hayay. Ninkii Peter ahaa oo arintaas si daran uga cadhooday ayaa Fatxi ku amray inuu dhakhso meesha uga baxo, dibna aanu ugu soo laabanin. Xataa lacagtii uu usbuucaas qaadan lahaana meesha ayaa lagu nadiifinayaa oo waxba naguma lihid baa Fatxi lagu yidhi.
*** Fatxi waxa u bilaabmay wakhti dheer oo shaqo la’aan, qayilaad iyo dagaal dhinaca qoyska ahba leh. Marfashkii uu awalba ka xadiri jiray maalmaha uu fasaxa yahay, iyo maalmaha uu xanuunka aan jirin ku marmarsoodo ee fasaxa la siiyoba ayuu saani u camiray. Baryihii shaqada lagaa eryay bilihii ku xigay shaqo ayuu raadraadin jiray oo Farduus baa goor kasta ku riixi jirtay inuu ordo, sida runtu tahayna, lacagta yar ee dadka bilaa camalka ah lagu guneeyaana jaadkiisa way ku filnaan wayday oo tasina dhan bay ka riixaysay. Si kastaba, ninkii Fatxi ahaa shaqo waa soo taaban waayay, dabeeto marfashkii buu si buuxda u fadhiistay. Fatxigii sadex sanno ka hor uu meesha Qaadiro keenay maaha ee waa xubin buuxda. Balwadihii hore oo dhan imika jaad buu ku badalay, aadna wuu ugu daranyahay. Marka uu geedkaas qaniino ayaa hadal ka furmaa, si wacana waa loo bartay. Gacantiisa bidix ayuu ku mirqaamaa, oo inta uu geedka cunaayo oo dhan suulka gacantiisa midig buu si xoog leh ugu duugaa baabacada gacantiisa bidix, waana sababta uu magaca Aw Mirqaan kula baxay. Waxa la moodaa inuu wax sacabkiisa ku dhagan oo kale ka xoqaayo, waxba se kama jiraan. Waxyaalo badan, oo badan buu bartay dhawrkii sanno ee meesha uu rasmiga ku ahaa, waxaana ugu horeeya qabaailka Soomaalida, gaar ahaan inta ay deegaan wadaagta yihiin oo si wacan uu u bartay. Sida runtu tahay, qabiilkiisa oo kaliya ayuu si wacan u bartay ee qabaailka kale si xun buu u bartay.
Wax kasta oo la sheego, run iyo been, oo uu is leeyahay reerkiinu wuu ku wacanyahay oo ka dhimani ma jiro; wixii uu u arko reerha kale inay meel-ka-dhac ku yihiina dusha ayuu ka wada hayaa, hadii uu wax u waayona, waaba loo sameeyaa mid cusub.
Rasaasta qorigiisu waa u buuxdaa, waxaanu diyaar u yahay goor kasta, iyo goob kastaba inuu dabka rido, laakiin waxa shardi ah horta qabiilka qofka uu la hadlaayo inuu ogaado. Hadaanu taas ogaanin sheekaduba uma baxdo. Wax badan buu xataa isagoo baska la socda dadka wixii uu Soomaali u garto hadal ku bilaabay, kana dalbaday inay u sheegaan cidda ay yihiin! Qabaailka uu carabkiisa seefta ah mariyo waxa koow ka ah qolada isaga Reer-Abtiga u ah, marka uu reerkaas maagayona, inta uu is yar xabeebiyo, oo codka hoos u yara dhigo, oo iska dhigo sidii qof wax muhiim ah soo wada, ayuu yidhaahaa, “Reerkaasi aniga ayay I dhaleen, aniga ayaa cid walba ka aqaana…” Hadii uu intaas oo marar badan laga maqlay gogol-xaadh ka dhigtona, wixii ka dambeeya oo dhami waa lidiq iyo uskag, waa se marka lagu eego indho miyir qaba. Hadii se indhaha Fatxi lagu eego, waa aftahannimo, geesinimo iyo raganimo buuro ah! Waa sidaas xaalkiisu, waxanu ku jiraa, sida ay isaga la tahay, dirir wayn oo aan tudhis lahayn, isagoo u qabaa inuu reerkiisa shaqo wayn u hayo. Wuxu ku doodaa inaanu nin qoys ahayn sida raga qaarkiis, ee uu nin qabiilo yahay, waxaanu ku hal qabsadaa oo hoos u eegaa wiilkii ay Ilmaadeerka ahaayeen ee Liibaan ahaa ee waagiina ku jiray kooxdii ka soo kaxaysay gurigii danlaawayaasha ee qoyskoodii u nooliday.
Inta uu dagaalkaas kaga jiro marfashka, waxa geesta kale iyo gurigiisa ka oogan dirir aan yarayn. Farduus waatii ilmihii afraad dhashay, dhibaato wayn ayaana ka dahcday. Markii uu sidkeedu soo dhawaaday, waatii u sheegi jirtay inuu guriga u batto oo marfashka joojiyo, si hadii ay fooli qabato uu ambalaas ka ugu yeedho, caruurtu na aanay u dayacmin. Muu yeelin sidaas, waxaanu sidii caadada u ahaydba, ku eedeeyay inay iska calool nugushahay oo warwar bilaa sabab ahi hayo. Intaas wuxu ugu daray, hadiiba ay sidaad sheegaysaa dhacdo, telefoonkii marfashka iga soo wac waan soo ordayaa. Sidii ay ka baqaysay bay u dhacday, telefoonkii uu sheegaayayna mashquul aan caadi ahayn buu noqday, malaha wuuba kala yaalay. Si kastaba, dhakhtarkii ayaa Farduus loo qaaday, caruurtii kalena waa lala kaxeeyay oo cid lagaga tago ayaa la waayay. Fatxi sidii caadiga ahayd, waabari ku dhawaadkii buu guriga soo garaacay, muu se helin cid ka furtaba. Wuxu u qaatay in ogaan loo dhagaysanaayo, cabaar baanu aqalka hortiisa ka caytamay, oo albaabka laad-laaday. Xataa laydhadhka guriga ee bakhtiisan wuu arkaayay ee marnaba maskaxdiisu way siin wayday fikir ka duwan midkaas uu qaatay. Gacmihii iyo lugihiiba way daaleen, qabaw badan iyo baraf na si daran bay u garaaceen….
****La soco qaybta lixaad****
By Maxamed Haaruun – mbiixi@gmail.com