|

Morsi ma mari doonaa dhabihii Mubaarik?

Qahira Nov 24,2012(SDN)-Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Morsi ayaa laba maalmood ka hor xayuubsaday awoodo dheeri oo u muuqda qaar uu hore u lahaa madaxweynihii ka horeeyay ee Maxamed Xusni Mubarik.

Shacabka dalkaasi ayaa si weyn uga soo horjeestay awoodahan uu isa siisay isla markaana wadooyinka isugu soo baxay maalinimadii shalay.

Maalinta Jimcaha ayaa noqotay maalin reer Masar u qoondeeyeen salaada Jimce dabadeed isu soo baxyada intii ka danbeysay kacdoonkii lagu riday keligii taliye Mubarik.

Isu soo baxayaashii shalay ayaa rabshado ka sameeyey dhawr magaalo oo ku yaal dalkaasi isla markaana gubo xafiisyada xisubul xaakimka Akhwaanka.

Madaxweyne Morsi ayaa sheegay in awoodahani ay jiri doonaan mudo gaaban si loo meel mariyo isbedelada loo baahan yahan in la hirgeliyo oo mudo qaatay.

Awoodaha madaxweynaha Masar isa siiyay ayaa u muujinaya in uu yahay masuul ka sareeya shuruucda dalka oo idil.

Hadaba isweydiinta u weyni waxa ay aheyd maalmahan in Morsi qaadi doono dhabihii Mubaarik,iyo in uu isdaba qabto oo uu rabitaanka shacabka raaci doono.

SDN-Qahira

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed