GUDDOOMIYAHA DEGMADA BULLAXAAR OO KORMEER SHAQO KU MARAYA DEEGAANNADA DEGMADA BULLAXAAR, GOBOLKA SAAXIL
Bullaxaar Nov 23,2012(SDN)-Guddoomiyaha Degmada Bullaxaar oo soo gebagebeeyay kormeer shaqo uu ku marayay deegaannada degmada Bullaxaar, Gobolka Saaxil
Guddoomiyaha Degmada Bullaxaar Mudane Maxamuud Qawdhan Ayax iyo wefti uu hoggaaminayo oo ka tirsan xubnaha maamulka iyo gudiyada degmada ayaa 21kii bisha Nov, 2012 ka bilaabay degmada kormeer shaqo oo uu ku soo maray inta badan deegaannada degmada Bullaxaar ee Gobolka Saaxil. Guddoomiyaha oo nala soo xidhiidhay maanta oo weftigiisu ku sugnaa deegaanka Boodaale ayaa nooga waramay ujeedada kormeerkooda shaqo iyo illaa hadda deegaannada iyo meelaha ay gaadheen iyo waxay kala kulmeenba. Guddoomiyuhu wuxu sheegay in kormeerkoodan shaqo la xidhiidho xog ogaal u noqoshada isu diyaarinta doorashada dalka ka dhacaysa ee gaar ahaan dhammaan goobaha sanaadiiqda doorashada la dhigo ee degmada iyo xaaladaha guud ee hadda ka jira, waxana ka mid ahaa hadalkiisa “Waxannu u baxnay kormeerkan si aannu wax uga ogaanno dhamaan goobaha sanaadiiqda la dhigo ee degmada, inay dadku diyaar yihiin iyo wixii caqabado ah ama tabashooyin ah ee bulshadu qabto iyo waliba inaanu u kuur gallo xaaladaha guud ee nololeed, deegaan iyo duunyaba ee bulshooyinka deegaannada degmada Bullaxaar ka tirsan.
Waxannu soo marnay Salay, Quudda, Qudhaco, Boodaale, Hariir-yaalle, Hadhwanaag, Qabille iyo deegaanno kale oo intooda badan koonfurta degmada iyo galbeedka sare iyo gubanka ah”
Guddoomiyaha oo ka hadlay xaalada bulshada iyo deegaanka ee wakhtigan jiiaalka ah ayaa yidhi, “Dhammaan deegaannada aannu soo marnay sidaannu marka horeba ka warhaynay waa barwaaqo, waxana loo degganyahay si xoogan, tuulooyinkuna aad ayay u camiranyihiin, maaha oo kaliya dadkii reer woqooyiga ahaa deegaanku laakiin waxa ku soo guuray bulshada badan oo reer hawd ah, aad iyo aad ayaaanay dooganyihiin dhulkaasil marka laga reebo meelo kooban sida meesha la yidhaaho Qudhaco iyo Quudda.
Guddoomiyaha Degmada Bullaxaar, Mudane Maxamuud Qawdhan Ayax wuxu ka warbixiyay inay goobaha sanaadiiqda degmadu aad u xadidanyihiin iyo inay jiraan is bedello ka muuqda xilligan deegaannada degmada iyo wakhtiga doorashadani ku soo hagaagtay, loona baahanyahay in loo kordhiyo bulshada goobaha doorashada, Isagoo arrintaa ka hadlayana wuxu yidhi, “Waxa jirta in goobaha sanaadiiqda degmadu aad ugu yaryihiin bulshooyinka degmada iyo deegaannada Bullaxaar kuwaasoo doorashooyinkii hore ahaa sideed goobood laakiin iyadoo runtii markii horeba ay ku yaraayeen goobaha doorashadu degmada waxa hadana wakhtigan jira is bedel weyn oo u baahan in loo tixgelihyo degmada taasoo ah xilliga doorashadu ku soo hagaagtay oo ka duwan wakhtiyadii hore oo ah xilli ay dadweynihi degganyihiin dhulkii gubanka ahaa iyo woqooyiga roobanaanta iyo daaqsiinta ka jirta awgeed halka ay markii hore doorashadu dhici jirtay wakhti ay dadweynuhu kor uga soo baxeen gubanka. Waxannu ka codsannay koomishinka doorashada gobolka Saaxil in naloogu kordhiyo illaa afar goobood laakiin markaannu immika kormeerkan u dambeeyay u qiimeeyo dhulka waxannu u baahannahay in ka badan intaas iyo waliba in tirada codadka sanaaduuqda laga kordhiyo intay hore u ahaan jireen waayo haddii shan boqol oo warqadood goobta la keeno, shan boqol oo qoys inka badan ayaa laga yaabaa inay goobaha qaarkood degganyihiin sida Boodaale, Hariiryaale, Salay iyo xarunta laftigeeda oo deegaan badani ku xeeranyahay. Meesha la yidhaaho Hariiryaale oo xoog loo degganyahay ayaan hadana lahaynba goob doorasho. Waxan rajaynayaa inay naga aqbalaan koomishinka gobolku in dhawr sanduuq naloogu kordhiyo doorashada oo illaa afar sanduuq naloogu soo daro intii hore kuwaasoo aad wax uga tari lahaa inay dadweyne badan oo reer miyi ahi si fudud codkooda u dhiibtaan, taa waannu ka codsannay koomishinka gobolka.”
Dhinaca kale wuxu ka warramay Guddoomiyaha Degmada Bullaxaar Mudane Qawdhan Ayax in degmada Bullaxaar ay kaga duwantahay degmooyinka kale xilliga doorashada cimillada iyo qaab nololeedka bulshada reer woqooyiga iyo gubanka awgii iyadoo dadweynaha reer woqooyiga ah ee Bullaxaar u badanyihiin dadweyne reer guuraa ah oo xilliga guga kor uga soo baxa xeebta oo haddii xilliga jiiaalka ee dhaxantana dib ugu soo guura xeebta marka ay roobabka xaysku ka da’aan gubanka haddii kalena aan ku soo noqon. Wuxu uu Guddoomiyaha degmadu ka warramay inay inay doorashadani ku soo hagaagtay xilligii ugu fiicnaa degmada Bullaxaar oo dadkeedii gubanka wada yaallaan, tuulooyinkuna wada camiranyihiin.
Xasan Afgaab
bulaxaarnews@gmail.com
Tel: 4081527
22nd Nov, 2012