“Madaxwayne Siilaanyo Wuxuu Markhaati Ka Yahay Dhaawac Kasta Oo Soo Gaadhay Bulshada Somaliland Horeyso Iyo Dambaysaba” Ururka SOLJA
Hargeysa 25-11-2012 (SDN)– Ururka saxaafadda Somaliland ee SOLJA ayaa warqad furan u diray Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu ilaa hadda hor-yaallo xeerka sirdoonka qaranka oo qodobo ku jiraa caqabad ku yihiin saxaafadda iyo xoriyatul-qowlka.
Warqadan furan oo uu ku saxeexan yahay Xoghayaha SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax ayaa u dhignayd sidan “Waxay ahayd bishii ina dhaaftay markii labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland qalinka ku duugeen xeerka sirdoonka Somaliland.
In kasta oo ay wanaagsan tahay in hay’ad kasta oo lagu soo kordhiyo Somaliland ay yeelato xeer lagu maamulo, haddana waxa lagama maarmaan ah oo loo baahan yahay in aanu xeerkaasi ka hor iman shuruucda kale ee wadanka u taala gaar ahaana dastuurka.
Hadii, haddaba aynu eegno xeerka sirdoonka Somaliland waxa uu si cad uga horimanayaa qodobka 30-aad, 25-aad ee dastuurka Jamhuuriyadda oo damaanad qaadaya xorriyatul qawlka iyo cabiraada ra’yiga xorta iyo weliba xeerka saxaafadda Somaliland ee no. 27/2004.
Xorriyatul qawlku waxa uu ka mid yahay mabaadii’da aasaasiga ah ee dastuurka Somaliland,waxaanu bulshada reer Somaliland ugu fadhiyaa qiimo weyn oo aanu ugu fadhiyin cid kale oo adduunyada korkeeda joogta. Tusaale ahaan sida ay diiwaangeliyeen hay’adaha xuquuqda aadamaha ee dunidu in ka badan 100,000 oo qof oo shacab ah ayaa u dhintay xorriyadda Somaliland, isla markaana waxa ku naafoobay boqolaal kun oo kale, halka ay ku burburtay dhammaanba wixii ay dadweynuhu hanti kaydsadeen muddo boqolaal sannadood ah.
Dhammaanba waxyaabahani waxay dadweynaha reer Somaliland waydaarsadeen qaranimo ku dhisan xurmaynta muwaadinka iyo xorriyaadka aasaasiga ah ee uu leeyahay oo ay ugu horeysa xoriyatul qawlku.
Waxa dhici karta in uu jagada madaxweynaha Somaliland ku fadhiisto hogaamiye aan ogayn dhacdooyinkaasi, amaba aan markhaati ka ahayn, laakiin nasiib wanaag madaxweynaha hadda talada dalka Somaliland haya ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) wuxuu markhaati ka yahay dhaawac kasta oo soo gaadhay bulshada Somaliland horeyso iyo dambaysaba, waxaanu ogyahay qiimaha uu xorriyatul qawlku ugu fadhiyo bulshada Somaliland.
Marka intaasi oo dhan laga yimaado, xeerka sirdoonka ee ay baarlamaanka Somaliland ansixiyeen wuxuu si cad uga horimanaya xorriyatul qawlka qiimaha intaa le’eeg ku jooga Somaliland iyo dadkeeda.
Haddaba iyada oo uu Madaxweyne Siilaanyo ogyahay kaalinta ay warbaahinta madaxa banaani ku leedahay Somaliland, isla markaana uu xasuusan karo kaalintii ay warbaahinta Somaliland ku lahayd xilliyadii adkaa ee la soo maray, waxa aanu rajaynaynaa in aanu madaxweyne Siilaanyo marnaba saxeexi doonin xeer xakamaynaya amaba faaf reeb ku soo rogaya xorriyatul qawlka.
Ku darsoo warbaahinta Somaliland waxay guddi ergo ah u dirtay madaxweynaha Somaliland todobaadkan dhamaaday gudihiisa. Waxaanay gudidaasi la kulmeen wasiirka Madaxtooyadda Xirsi X. Cali. Waxaanu u balan qaaday in aanu xeerkaasi saxeexi doonin madaxweynuhu, isla
markaana doorashada ka dib ay madaxweynaha warbaahintu kala kulmi doonto.
Isku soo duuboo, Madaxweyne adiga oo ah halgamaa, isla markaana waxyaabihii aad u dagaalantay ay ka mid ahaayeen xorriyatul qawlku, markhaatina ka tahay wixii dhib loo soo maray, waxaanu rajaynaynaa in aad xeerkaasi dib ugu celin doonto golayaasha sharci dejinta, isla markaana laga saaro qodobada xakamaynaya xorriyatul qawlka.
Baarlamaanka Somaliland-na waxa looga fadhiyaa inay xeerar u sameeyaan hay’adaha dawladda Somaliland oo in yar oo Cigaal xeerarkooda qoray mooyaane aan lahaynba xeer maamul.
Waxaanu qoraalkayaga ku soo gebagabaynaynaa madaxweyne hawlo ka badan baa yaala xakamaynta xorriyatul qawlkee, ha saxeexin’e dib ugu celi golayaasha. Bayaankani waxa uu ka turjumayaa arragtida ay xeerkan ka qaadatay Warbaahinta Somaliland.
SOLJA
M-RASHIID MUXUMED FARAX
XOGHAYAHA GUUD EE URARKA SOLJA
www.Qurbejoog.com Hargeisa