Cadho Hadalka Cali Khaliif maxaa sababay(Jihaadku markii hore iyo hada kee dhab ah)
Minneapolis Nov 23,2012(SDN)-Siyaasiga Cali Khaliif Galeydh oo mar ka mid ahaa dawladii Siyaad bare ka dibna raiisul wasaare ka soo noqday xukumadii Carta lagu soo dhisay ayaa beryahan waday abaabulka maamul loogu magac daray Khaatumo.
Cali Khaliif oo mudooyinkii u danbeeyay ku hawlanaa iibinta maamulkaas iyo sidii uu xil uun uga qaban lahaa dawlada cusub ee Soomaaliya ayaa haatan mar kale dib ugu soo noqday Khaatumo.
Cali Khaliif ayaa hadal uu dhawaan u jeediyay reer Minneapolis waxa ka muuqatay boor ka jafka wax uu ugu yeeray isxoreyn iyo Jihad.
M a aha markii u horeysay ee uu dagaal ku baaqo siyaasigani balse maxeey markan kaga duwan tahay?
Cali mararkii hore ee uu Jihadka iclaamin jiray waxa uu dhan kaga hawlanaa in uu heshiis la gaadho Somaliland sida uu u sheegay reer Minneapolis.
Iminkana waxa uu iclaamiyay dagaal kale oo uu sheegay in kolkan kama danbeys yahay.
Cali Khaliif oo hadalkiisu ay ka muuqatay caro badan ayaa waxa ay sawir ka bixineysaa halka hamigiisa siyaasadeed marayay iyo waxa uu la kulmay.
Haladkiisa waxa kale oo ku jiray in uu Xamar dhaliilsan yahay,balse ay wax haatan biloow yihiin.
Waxa muuqata in Somaliland ay mar kale kabta kaga joogsatay hamiga siyaasadeed ee Cali Khaliif.
Kolkii inoogu war danbeeysay Cali waxa naloo sheegay in uu Safiir ka noqonayo Mareykanka.
Mareykanku intii 1990kii Soomaalida Safaarad uma ogolaan.
Hadaba waraka qaar ayaa sheegaya in Cali Khaliif garwaaqsaday in xil aan haatan loo magacaabi doonin.
Deetana uu Khaatumo boorka mar kale ka jafay.
Shacabka reer Sool ee ku kala qeybsan halka dantu ugu jirto waxa la gudboon in ay si nabada oo wada jira ay uga arinsadaan halka ay isugu biyo shubanayaan.
Sidoo kale waa in la helaa cid arinka si miyir ah u eegta iyada oo caadifada iyo kala yaaca laga dhawrsanayo.
Ma aha in kolba siyaasi dhan u didiyo shacabka danyarta ah ee dib u dhaca badani regaadiyay. Waa hadaaney ujjeedadu aheyngaasta dabka la gaadha.
SDN-Minneapolis
contact@somalidiasporanews.com