Pro. Cali Khaliif Galaydh oo Kun Maalin Guur ka soo Jeestay
Af qalaad aqoontunu miyaa,
Mayaa! Mayaa! waa intuu ninba Eeba geshaa!
Profissoorow lagu eed Caliba waa kaa.
Sidaad la wadda socataan Cali Khaliif Galaydh iyo kooxdiisa G10 ka labaxday waxay cidla kaga dhaqaaqeen dadkii rayidka ahaa ee ay dadka geliyeen degaanadda Buuhoodle, kuna guubaabinaayeen in ay tahay maanta maalindoodii.
Waxaad la socotaan guuldaradda kaga dhacday Muqdisho iyo sidii ay fara madhnaanta ugu hulaylay Pro. Cali Galydh iyo rakaabkiisii ku guuray dadka maatidda ah ee xilka u doontay xamar.
Video han waxaad ka arki kartaa sidaa uu Cali ugu goodinaaya dawladda Federalka ah markii uu ka waayey xilkii uu ka rabay. Cali wali wuxuu sii wadda qayladhaantii in ay dadku barakacaan isagoon habeena ogolayn in uu u dhexhooydo daadkaas shacabka ah oo ugxantiisii soo dhigtay meel fog.
Waxay warar xogagal ka ahi sheegayaan in maanta madax dhaqameedkii deegaannadda Dhulbahantee ee xamar tagay ay ogaadeen in aanay waxaan reer waqooyinimo ahayn ayna somali waxba kaga helayn, colaad ay la galayn Somalilandna ayna munaasib iyo maskab midna u ahayn nabadna wax u dhaantaa ayna jirin.
Ninkii Somalinimo doonaya waa in uu marka hore ka shaqeeyaa nabadda iyo dhismaha degaankiisa oo uu ka dhawraa wixii colaad iyo barakicin u keenaaya.
Dawadayasha ayaan u dhaafayaa in ay qiimeeyaan weedhaha Pro. Cali Khaliif Galaydh in uu sidaa ku fayow yahay iyo in kale, bal dhegaysata hanjabaadda daqiiqadda 8:00 uu Cali bilaabo. daqiiqadda 14:28 Cali wuxuu bilaabay in uu ugu goodiyo dawladda federaalka ah. Anigu waxaan u arkaa in uu sharaftii iyo karaamaddii beeshiisa meel kaga dhacay oo lugu yiqiin qab, qiimo, qun u hadal.
Dawladda Somaliland waxaan ugu baaqayaa in Cali waa xildoone in ay iyagu ka roonaanaad oo ay bal u yeedhaan waa nin Somaliland ahe.