Kulan wada tashi oo dhexmaray jaaliyada Somaliland Society UK “SSUK” iyo Somaliland Society EU “SSE
London Nov 22,2012(SDN)-kulan ay soo qaban qaabiyeen guddida Somaliland Society UK “SSUK” laguna qabtay xarunta west London Somaliland community. kulankan oo qabsoomay 18/11/2012 waxaa ka soo qeyb galay xubno ka socday SSUK, xubno ka socday SSE, xubno ka socday WLSLC, xubno ka socda jaaliyada Somaliland ee Milton Keynes, waxgarad, odey dhaqmeedyo iyo aqoonyahano ka soo jeeda bulshada Somaliland ee ku dhaqan london iyo daafaheeda.
Kulankan oo lagaga hadlaayay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta jaaliyadaha, ururada iyo bulshada intooda kalaba oo ay hormood u ahaayeen Jaaliyada Somaliland UK “SSUK”.
Ugu horeytii waxaa furay gudoomiyaha SSUK mudane Abdalla Salim oo ku dheeraaday muhimada ay u leedahay Jaaliyadu bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan UK iyo sidii loo hore marin lahaa loona gaadhsiin lahaa jaaliyadaha wadmada kale ee ku dhaqan UK.
Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay isku duubnaanta iyo wada shaqeyntu in ay tahay sida kali ah ee bulshada Somaliland hore ugu martay uguna loona baahan yahay in la ilaashado oo midnimadu noqoto waxaan marnaba gali Karin gorgortan.
Waxa kale oo ka mid ahaa mudanayaashii halkaas ka hadlay Ugaas Haaruun oo ka soo jeeda ugaasyada Somaliland oo sidoo kale duco iyo waano iskugu jirta wadaninimada, horumarka iyo wada shaqeynta dhamaan dhinacyada ku howlan arimaha bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan UK u soo jeediyay.
Masuuliyiintii kale ee ka hadlay kulankan waxaa ka mid ahaa mudane Iid Hassan oo ka socday “SSE” Ahna masuulka WLSLC. Mudane Maxamed Cumar Megaag oo ahaa Gudoomiyihii SSUK 2006 -2009 kana warbixiyay waxayaabihii waxqabadka lahaa ee uu ka qeybgalay intii uu gudoomiyaha ahaa iyo intii ka danbeysaba. Mudane Maxamed waxa uu si adag u dadafeeyay in Jaaliyadu tahay urur dalad u ah ururada se ay tahay Jaaliyada Somaliland ee UK sida ku cad distoorka jaaliyada “SSUK”.
Waxaa kale oo ka hadlay madasha Hodan Abdi iyo xubno kale sida Eng. Mahamed balayax iyo Mooto bootaan oo ka socday Jaliyada Milton Keynes UK.
Sidoo kale waxaa warbixin goobtaas lagaga dhageystay Salma sheikh oo ka mid ah gudida fulinta ee “SSE” kana timi dalkii halkaas oo in mudda ah ay ku maqneyd shaqona ay u joogto.
Gabagabadii dhamaan xubnihii ka soo qeyb galay kulankan waxa ay soo saareen ama isku raaceen qodobadan hoos ku xusan:
- In la xoojiyo wada shaqeynta iyo wada tashiga.
- In SSUK oo ah hogaanka Jahliyada UK kor u qaadaan waxqabadkooda gaadhsiiyaana maamulka dhamaan gobalada.
- In marba hawlaha yimaada loo qaabilo si wadajir ah.
- In shirka SSUK ku baaqeen, ee la qabanayo 15/12/2012 dhamaan laga soo wada qeybgalo.
- In laga wacyi galiyo bulshda Somaliland ee ku dhaqan UK iyo meelaha kalaba in laga dheeraado dhamaan waxii keenaya kala qeybsanaan iyo burbur.
- In dhamaan ururda hore u jiray iyo kuwa cusub ee ka hawlgala UK ama EU ay yeeshaan wadashaqeyn iyo istaakuleyn buuxda.
Allaa mahad leh
Guddida SSUK