|

Nuxurka war-murtiyeed ay Deeqbixiyeyaashu ka soosaareen geedi-socodka Doorashada Deegaanka Somaliland

Hargeysa 22, November 2012 (SDN)- Guddiga qaadhaan-bixiyeyaasha caalamiga ah ee taageerada geedi-socodka dimoqraadiyadda Somaliland, ayaa war-murtiyeed ka soosaaray siday u socoto diyaargarawga doorashada Deegaanada oo maalmo kooban ka hadhsan yihiin qabsoomideeda.

Warsaxaafadeed laga soosaaray xafiiska Midowga Yurub ee Hargeysa, waxay guddiga isku-dubaridka Qaadhaan-bixiyeyaashu ku sheegeen inay Somaliland ku hambalyaynayaan diyaargarawgeeda wejigii u dambeeyay ee qabashada doorashada, wuxuuna war-murtiyeedkaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, uu u dhignaa sidan; “Guddiga Isku-dubaridka ee Deeqbixiyayaasha taageera hanaanka dimuqraadiyada Somaliland waxay ku hambalyaynayaan Somaliland inay qaaday talaabadii u dambaysay ee u diyaar garowga Doorashada Golayaasha Deegaanka ee loo qoondeeyay in ay dhacdo 28ka Noofambar 2012.

Ka dib wada tashiyo ay la yeesheen daneeyayaal kala duduwan labadii todobaad ee ugu dambeeyay, Guddigani waxay dareensan yihiin inay hubiyeen in diyaar garowga doorashadu ku socdo tubtii saxda ahayd ee lagu gaadhi lahaa doorasho xor iyo xalaal ah. Si gaar ah waxay Guddigu u hambalyaynayaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) hogaamintooda iyo siday u xalliyeen murankii dhawaan ka taagnaa goobaha codbixinta iyo baaqii ay u jeediyeen dhamaan tartamayaasha siyaasadeed ee ahaa in ay ku midoobaan nidaamkii lagu heshiiyay si loo gaadho doorasho xalaal iyo nabadgelyo ah sidii awalba uu qorshuhu ahaa. Deeqbixiyayaashu waxay bogaadinayaan axsaabta siyaasada—tiiyoo ay hagayaan Guddiga Diiwaangelinta iyo Ansixinta Axsaabta Qaranku—siday u fuliyeen xeerka habdhaqanka (Code of Conduct) ee Law No: 14 (Qodobka 6aad), waxaanay ku adkaynayaan dhamaan axsaabta iyo ururadu ixtiraamaan go’aanada ku salaysan heshiiskan doorashada dabadeed. Ugu dambayntii, Guddigu waxay la dhacsan tahay doorka ay bulshada rayidka ah iyo saxaafadu ay kaga jiraan hawlaha dhexdhexaadinta xeerarka habdhaqanka, wacyigelinta codbixiyayaasha iyo goobjoogayaasha doorashada.

Guddiga Isku-dubaridka Deeqbixiyayaasha oo ka kooban, Danida (Denmark), Midowga Yurub, Sweden, Norway, USAID, UK iyo Switzerland, waxay ku hanwayn yihiin inay markhaati ka noqdaan taageeraanna hiigsiyada  kale ee hanaanka dimuqraadiyada Somaliland, taasoo tusaale u ah  gobolka oo dhan.”

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed