|

Taageerayaasha Murashax C/Shakuur Bidhaan Oo Wacdaro Ka Dhigay Ololihii Shalay ee Hargeysa

Hargaysa Nov 22/12 (SDN)Maalintii u dambaysay ee ololaha doorashada Xisbi-weynaha UCID ayaa guud ahaan si weyn looga dabbaal-degay dhammaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland, iyada oo munaasibad ballaadhan lagu qabtay fagaaraha beerta xorriyadda ee caasimadda Hargeysa.

Murashax C/Shakuur Maxamed Ismaaciil (Bidhaan) oo ka mid ah murashixiinta u tartamaya Golaha Deegaanka Hargeysa ayaa ay isaga iyo taageerayaashiisu wacdaro ballaadhan ka geysteen caasimadda iyada oo si weyn magaalada looga dareemay ololahooda. Kadib markii uu murashaxu ka hadlay fagaaraha beerta xorriyadda ayaa isaga iyo taageerayaashiisu socod ku mareen waaxyaha kala geddisan ee caasimadda sida 26/June, Axmed-Dhagax, Maxamuud Haybe, Maxamed Mooge iyo meelo kale.

Socodkan oo ay murashaxa ku weheliyeen gaadiid aad u tiro iyo boqollaal taageerayaal ah ayaa waxa ay soo dhawayn wayn oo yididiilo gelisay kala kulmeen meelihii ay baqoolka ku mareen. Iyaga oo qaybiyay sawirro, kaadhadh iyo calaamado ay ku suntan yihiin sawirka iyo lumberka murashaxa oo ah 209 UCID. Murashaxu waxa uu taageerayaashiisa ka codsaday in ay codka siiyaan, isaga oo ka shaqayn doona haddii Alle guuleeyo danaha dalka iyo dadka xilka u dhiibta.

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
saedmgahair@hotmail.com

Comments are closed