|

Wefti Ka Socda Qaramada Midoobay Oo Hargeysa u jooga hirgalinta midnimo somalia shanta sano ee soo socda

Hargaysa Nov21/12  Wefti ka socday Qaramada Midoobay ayaa  la sheegay inay Hargeysa u yimaadeen xog ururin la xidhiidha warbixin looga soo dhiibay xarunta Qaramada Midoobay ee Newyork, Weftigan oo ay ujeedoodu ahayd inay Somaliland iyo Somaliya ka keenaan xog la xidhiidha qorshaha ay Qaramada Midoobay ku waajahayso shanta sannadood ee soo socda, maadaama  dib loo eegayo hanaankii ay kaga hawlgeli jirtay dalalkan, ayaa shalay la kulmay ururada bulshada rayidka ah. Ururada oo ay xubnaha ka socday Qaramada Midoobay weydiiyeen aragtidooda ayaa halkaas ka cadeeyay inaan Somaliland iyo Somaliya lagu waajihi Karin hal qorshe oo isku mid ah, maadaama  ay Somaliland ka gudubtay marxaladda ay Somaliya hadda ku jirto, islamarkaana ay u wareegtay dhinaca horumarinta, waxaanay xubnaha reer Somaliland ee halkaas ka hadlay ka sheekeeyeen heerarkii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay sida nabadayntii, aftidii distoorka, hanaankii lagaga guuray beelaha ee loogu guuray xisbiyada badan iyo Dimuqraadiyadaynta.

Xubnaha ka socday bulshada rayidka ah ee halkaas ka hadlay waxa ay aad carrabka ugu adkeeyeen inaanay reer Somaliland raali ka noqon doonin inay Qaramada Midoobay la timaado qorshe ah  in Somaliland laga maamulo Muqdisho.

Xubnaha weftiga Qaramada Midoobay qaar ka mid ah oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay warbixinaha ay urursadeen dib ugu celinayaan xarunta Qaramada midoobay ee Newyork oo weftigooda laga soo diray, waxaanay sheegeen inay garwaaqsadeen dareenada kala duwan ee ay ka arkaan shacabka iyo dawladda Somaliland ee la xidhiidha sahankooda.

Geesta kale, weftigani waxa ay isla shalay la kulmeen qaar ka mid ah golaha wasiirada Somaliland, kuwaas oo markii ay qorshahan u bandhigeen kaga jawaabay aragti la mid ah aragtida ay ururada bulshada rayidka ahi u gudbiyeen.

Hargaysa qurbojoog.com

Comments are closed