Yuhuuda oo ku dhiiran weyday weerar dhulka ah oo ay Xamaas ula tagto iyo Mareykanka oo u ceeb Asturay
Qudus Nov 21,2012(SDN)-Xukuumada Yuhuuda ee maalmaha hawada ka weerareysay magaalada Gaza isla markaana ku goodiyeysay in ay weerar cagta ah ku qaadi doonaan degaankaas ayaa maanta shaaciyay in aaney sidaa yeeli doonin.
Raiisul wasaaraha Yuhuuda Benjamin Natanyahu ayaa sidaa ku sheegay shir saxaafada ay wada jir ugu qabteen isaga iyo Xoghayaha arrimaha Dibedda Mareykanka Hillery Clinton.
“Sidaa waxaanu yeeleynaa in aanu fursad u siino dedaalada diblomaasiyadeed ee haatan la wado” ayuu yiri Natanyahu.
Raiisul wasaaruhu waxase uu intaa raaciyay hanjebaad uu ku sheegay in ay qaadayaan tilaabo walba oo lagu suurto gelinayo xasilooni dadkiisu helaan.
Hadalkiisa ayaa yimi xili uu shir saacado la qaatay Mrs Clinton oo soo gaabisay safar ay Bariga Asia ku mareysay.
Hillery Clinton oo dhankeeda u warantay saxaafada ayaa sheegtay in loo baahan yahay in la helo nabad wadajir u anfacda Falastiiniyiinta iyo Yuhuuda.
Sidoo kale waxa ay sheegtay in ay maanta lakulmi doonto madaxda Falastiin iyo Masar si nabad waarta looga gaaro xaalada Gaza.
Dhawaaqa raiisul wasaaraha Yuhuuda iyo safarka Mrs Clinton ayaa u muuqda mid wejigabax ka dhasha dagaal dhanka dhulka ah oo ay Yuhuudu qaado.
SDN-Qudus
contact@somalidiasporanews.com