Rag Britain ka tagay oo ay Shabaab u isticmaasho warbaahinta
Muqdisho Nov 21,2012(SDN)-Kooxda Al Shabaab ayaa soo saartay Muqaalo ay uga warbixineyso dagaalo ay la gshay ciidamada midawga Africa iyo kuwa dawlada oo ay guulo ku sheegatay.
Cajaladahan muuqaalka ah ayaa qeyb ka ah dagaalka ay Shabaab kula jirto guud ahaan reer galbeedka isla markaana ay ugu gacan haatineyso dhalinta Muslinka ah ee reer Galbeedka la nool.
Cajaladan u danbeysay oo lagu baahiyay barta Internetka ee Twitter oo ay ku xirna yihiin dad ka badan 16 kun oo ruux.
Cajaladan u danbeysay ayaa waxa soo bandhigay ruux wejiga qarsaday oo ku hadlaya lahjada Englishka Britain looga hadlo.
Ruuxan oo la aaminsan yahay in uu ka mid yahay dadka Shabaabku uga gacan haatiyeen dalka Britain ayaa diirada saaraya guulo Shababaku ay ka soo hooyeen dagaalo ay galeen mudooyin kala duwan.
Madaxa sirdoonka Britain Jonathan Evens ayaa dhawaan sheegay in mar uun wadooyinka Britain lagu arki doono weeraro argegixiso oo ay qaadaan kuwa Britain ka tegay ee Shabaabka ka soo barbar dagaalamay.
Xeeldheereyaasha Warbaahinta ayaa qaba in Shabaabku isticmaalaan tabo miro dhala ah oo ay ku soo bandhigaan uun guulo ay gaareen,halka saxaafada reer Galbeedku ay baahiyaan uun guul-darooyinka.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com