|

SHIRKIGA Toobad ma laha

Sida uu Alle kitaabkiisa noogu sheegay shirkigu waa waxyaabaha ugu xun ee ka suurooba in qof aadami ahi sameeyo. Wuxuuna aayad ku sheegay in shirkigu yahay dulmi weyn. Aayaddaasina waa middan hoos ku qoran ee uu Luqmaan isaga oo waaninaya wiilkiisa uu ku yidhi wiilkaygiiyaw Alle cid ha ku sidkin oo cibaadada ha la wadaajinin, waayo wiilkaygiiyaw shirkigu waa dulmi weynوَإِذْ قَالَ لُقْمَانُ لِابْنِهِ وَهُوَ يَعِظُهُ يَابُنَيَّ لَا تُشْرِكْ بِاللَّهِ إِنَّ الشِّرْكَ لَظُلْمٌ عَظِيمٌ(لقمان 13). .

Wuxuu Alle mar kale si cad noogu sheegay in ruuxii ku tallaabsada shirkinimo uu ka xarrimay jannadiisa, sidaasna waxaa naloogu sheegay aayaddan hoos ku xusan.

لَقَدْ كَفَرَ الَّذِينَ قَالُوا إِنَّ اللَّهَ هُوَ الْمَسِيحُ ابْنُ مَرْيَمَ وَقَالَ الْمَسِيحُ يَابَنِي إِسْرَائِيلَ اعْبُدُوا اللَّهَ رَبِّي وَرَبَّكُمْ إِنَّهُ مَنْ يُشْرِكْ بِاللَّهِ فَقَدْ حَرَّمَ اللَّهُ عَلَيْهِ الْجَنَّةَ وَمَأْوَاهُ النَّارُ وَمَا لِلظَّالِمِينَ مِنْ أَنْصَارٍ(المائدة 72).

Macnaha aayadda:

Waxaa runtii gaaloobay qofkii dhaha Masiixi Ina Maryama ayaa Ilaah ah iyada oo Masiixi dhahay Ilma Israa’iilaw Alle Eebahay iyo Eebihiinba weeye qofkii wax ku sidkana wuxuu Alle ka xarrimay jannadiisa hooygiisuna cadaab weeye, sidaas darteed isaga caabuda, daalimiintana looma gargaarayo,

Sida ka muuqata aayadda gaaloobay qofkii wax aan Alle ahayn ka dhigta Ilaah ee caabuda, sida ay gaalada Kiristaanka ahi u caabudaan nebi Ciise csw. Sidaas darteed ruuxii ku dhinta isaga oo mushrik ah wuxuu la mid yahay ruux dhintay isaga oo gaal ah.

Haddaba gaalnimada waa laga toobad keenaa ee mushrigniamdu toobad ma lee dahay? Waxaan og nahay in ruuxa gaalka ah ee caabuda Nebi Ciise uu yahay mushrik haddana haddii uu soo Islaamo laga aqbalayo toobaddaas. Waxaana suurto gal ahayd in in badan oo ka mid ahayd asxaabtii waaweyneyd ee Rasuulka csw ay ahaayeen islaamka ka hor mushrikiin ama gaalo. Lagana aqbalay islamnimadoodii oo ah toobad keenis.

Iyada oo sidaas ah ayaa haddana wuxuu Alle noo sheegay in uusan cafinayn shirkiga, sidaasna wuxuu noogu caddeeyey aayaddan hoos ku xusan.

إِنَّ اللَّهَ لَا يَغْفِرُ أَنْ يُشْرَكَ بِهِ وَيَغْفِرُ مَا دُونَ ذَلِكَ لِمَنْ يَشَاءُ وَمَنْ يُشْرِكْ بِاللَّهِ فَقَدِ افْتَرَى إِثْمًا عَظِيمًا(النساء 48).

Marka waxaa halkaas ka cad in qofka aan shirkiga toobaddu uga furnayn yahay ruux muslim ah oo kitaab soo gaadhay kaas oo isku dhex wada cibaadadii Alle iyo wax kale oo uu sida Alle oo kale u caabudo.

Culumada ayaa qaarkood rumaysan yihiin in uu shirkiga iyo dembi weliba lee yahay toobad iyaga oo soo daliishanaya in ay toobaddu furan tahay ilaa laga gaadho in ay qorraxdu ka soo baxdo galbeedka ama bogox.

2120 حَدَّثَنَا إِبْرَاهِيمُ بْنُ مُوسَى الرَّازِيُّ أَخْبَرَنَا عِيسَى عَنْ حَرِيزِ بْنِ عُثْمَانَ عَنْ عَبْدِ الرَّحْمَنِ بْنِ أَبِي عَوْفٍ عَنْ أَبِي هِنْدٍ عَنْ مُعَاوِيَةَ قَالَ سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ لَا تَنْقَطِعُ الْهِجْرَةُ حَتَّى تَنْقَطِعَ التَّوْبَةُ وَلَا تَنْقَطِعُ التَّوْبَةُ حَتَّى تَطْلُعَ الشَّمْسُ مِنْ مَغْرِبِهَا (النسائي).

Waxaan lee yahay toobaddu waxay u furan tahay dembiyada toobadda leh laakiin kuwa uu Alle sheegay in aanay toobad lahayn kuma jiraan.

Shirkigu toobad ma leh waxaa loola jeedaa ma laha xad ciqaabeed dembigii shirkiga ahaa qofkii galay la mariyo inta uu ifka joogo, waayo xadka ama qisaasto waa toobad keenis buuxda. Matala gabadhii saani muxsinka qiratay waxay ahayd shahiidad Alle dartiis nafteeda u hurtay oo garatay in aanay dembigaas la tegin aakhiro si cadaab loogaga gooyo, waxay garatay in ay u sahlan  tahay in ifka looga gooyo. Marka xadku ama qisaastu waa toobad keenis, dulmigii aan xad ciqaabeed lahaynina ma laha toobad.

Sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in ruux waliba ka feejignaado in uu ku dhaco shirki, taas oo aan hadda muuqanin.

Haddaba ruuxu sidee ku garan karayaa in uu ku sugan yahay shirki iyo in kale?

Wuxuu shirki ruux ku sugan yahay markii haynti ama astaan Alle mooyee cid kale yeelan karin uu cid kale ama naftiisaba siiyo. Matal haddii qofku rumaysan yahay in ruuxa weliga Alle ahi uu Alle wax uga qaban karo, wuxuu ruuxaas ka dhigay in uu Alle wax ka qaban karo, isaguna wuxuu markaas ku sugan yahay shirki.

cid rasuulk csw Alle uga dhoweyd ma jirin wuxuuna gabadhiisa Faadimo ku dhahay; aabe anigu Alle agtiisa waxba kaagama gooyo ee haddii aad aniga wax iga sugaysid wixii aan haysto wax iga weydiiso. Marka haddiiba rasuulkii dhmmaa uusan gabadhiisa iyo cid kale toona Alle waxba uga goynin ma cid kale ayaad ka sugi kartaa.

Marka su’aashu waxa weeye muxuu Ilaah ku noqday Ilaah?

Wuxuu Ilaah si cad noogu sheegay jawaabtii su’aashan sida ka muuqata aayadahan aan ka soo min guuriyey suuradda Dtaah (طه) ee hoos ku xusan. Nebi Muuse ayaa Fircoon u sheegay in isaga iyo Haaruun yihiin rusul Eebaha ummaduhu soo diray. Markaas ayuu Fircoon weydiiyey nebiga in uu u sheego kan uu yahay Eebaha ummaduhu. Markaas ayuu rasuulku ku dhahay waa kan wax kasta oo jira abuuray ka dibna u dejiyey nidaam, hab xeerar kala hoggaamiya oo ay ku kala dhaqmaan.

قَالَ لَا تَخَافَا إِنَّنِي مَعَكُمَا أَسْمَعُ وَأَرَى(46)فَأْتِيَاهُ فَقُولَا إِنَّا رَسُولَا رَبِّكَ فَأَرْسِلْ مَعَنَا بَنِي إِسْرَائِيلَ وَلَا تُعَذِّبْهُمْ قَدْ جِئْنَاكَ بِآيَةٍ مِنْ رَبِّكَ وَالسَّلَامُ عَلَى مَنِ اتَّبَعَ الْهُدَى(47)إِنَّا قَدْ أُوحِيَ إِلَيْنَا أَنَّ الْعَذَابَ عَلَى مَنْ كَذَّبَ وَتَوَلَّى(48)قَالَ فَمَنْ رَبُّكُمَا يَامُوسَى(49)قَالَ رَبُّنَا الَّذِي أَعْطَى كُلَّ شَيْءٍ خَلْقَهُ ثُمَّ هَدَى(50).

Haddii aan si gaaban u macneeyo aayadahaas waa sidatan:

Markii nebi Muuse Ilaah la hadlay ee uu u xil saaray in uu fariinta ka qaado ayuu ku dhahay Ilaahaw waannu ka cabsanaynaa in ay na dhibaateeyaan. Markaas ayuu Alle u sheegayaa oo lee yahay, ha cabsanina aniga ayaa idinla jiro waana idin maqlayaa waana idiin jeedaa eh, una taga Fircoon una sheega in aad tihiin laba rasuul oo Eebaha ummaduhu u soo diray in aad nagu darto Ilma Israa’iil iyo in aadan dhibaatayn waxaanuna kuu wadnaa mucjiso cad oo aad ku qanacdid in waxa aannu sheegaynaa run yihiin. Wuxuuna Alle noo sheegay in ruuxii jahaynta qaataa uu badbaadayo, ruuxii diidaana uu gelayo cadaabta.

Markaas ayuu Fircoon ku dhahay oo waa ayo Eebihiin Muusaw, markaas ayuu Muuse ku dhahay Eebahayo waa midka wax kasta sida ay yihiin u abuuray ka dibna u dejiyey xeer ay ku hogmaan oo ku kala socdaan.

Haddii aad dad u dejiso sharcigii iyo nidaamkii ay ku dhaqmi lahaayeen sidii aad Ilaah u tahay waxaad isa siisay wax Alle mooyee cid kale lahayn, waayo sida aayadda kore aan ugu soo sheegay Alle ayaa wax kasta abuuray lagana badin sida ugu haboon ee wax waliba ku shaqayn karaan isaga ayaana u dejiyey. Marka haddii aad sidii kii abuuray oo kale aad sharci iyo nidaam cidi ku shaqayso u dejiso waxaad is dhigtay meeshii Alle ciddii sharcigaas ku dhaqantaana waa mushrikiin, maxkamad sharcigaas wax ku xukuntana in la tagaa waa shirkinimo cad.

Sidaas ayaan dawladda ugu sheegaa in ay tahay Ilaah sheegasho dadka u noqda daacadna waa mushrikiin. Sidaas darteedna ninka soo bartay sharci aan kii Alle ahayn laguma sheegi karo mana uusan sheegan karo garyaqaan ama Lawyer ama avucato. Dadka soo bartay sharci ku ku sheegyada beenta ah ee shucuub gaalo ahi ku dhaqmaan ma soo baran sharci ee waxay soo barteen dhaqanka ay dad gaalo ahi isku xukumaan.

Haddii aan dhan kale ka eego sharciga ay ummaddu ku dhaqanto ayaa u diin ah, sidaasna wuxuu Alle noogu sheegay aayadda 76 ee suuradda Yuusuf markii uu lahaa.

فَبَدَأَ بِأَوْعِيَتِهِمْ قَبْلَ وِعَاءِ أَخِيهِ ثُمَّ اسْتَخْرَجَهَا مِنْ وِعَاءِ أَخِيهِ كَذَلِكَ كِدْنَا لِيُوسُفَ مَا كَانَ لِيَأْخُذَ أَخَاهُ فِي دِينِ الْمَلِكِ إِلَّا أَنْ يَشَاءَ اللَّهُ نَرْفَعُ دَرَجَاتٍ مَنْ نَشَاءُ وَفَوْقَ كُلِّ ذِي عِلْمٍ عَلِيمٌ(76).

In uu Yuusuf la hadho walaalkiis wuxuu u daliishaday diinta boqorka كَانَ لِيَأْخُذَ أَخَاهُ فِي دِينِ الْمَلِكِ , sidaas darteed qofka ama dawladda dejisa dastuur waxay dejisay diin cusub oo ay ummadda ku dhaqdo iyaga oo tuuray diintii Alle. Marka haddii ay yihiin dad Islaam ah oo tukanaya sadaqadana bixinaya dhinaca kalena ku dhaqmaya dastuur waa mushrignimo cad.

 

GUNAANAD

Toobad ma laha shirkigu waxaa loola jeedaa xeer ciqaabeed qofka la mariyo si ifka loogaga gooyo dembigiisa ma jiro.

Rasuulkana waxaa ka sugnaatay in ruuxa muslimka ah dembiga uga toobad keenayo xad la mariyo oo keliya.

Sharciyada aadamigu samaystay xukunkoodii ma gudayo xuduuddii Alle, sidaas darteed in la isku xukumaa waa baadil iyo shirki.

 

Omer Suleiman Ali

Comments are closed