|

“Siyaasadii Arrimaha Dibadu Way Fashilantahay, Markaad Eegto Xaalada Uu Dalku Ku Sugan-yahay”Agasamihii Hore Arimaha DIbada

Hargeysa Nov20/12 (SDN)- Agaasimihii hore ee Wasaaradda dib u dejinta Xukuumaddii Daahir Rayaale Dr. Anwar Maxamed Cigge, isla-markaana hadda ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa qaabka ay wakhtigan u shaqaynayso Siyaasada Arrimaha dibada Somaliland ku tilmaamay mid guul-daraysatay.

Anwar Maxamed Cige oo ka khudbad ka jeediyey Fagaaraha Beerta Xoriyada oo maanta Xisbiga UCID u lahaa Ololaha Doorashadda Goleyaasha Deegaanka.

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Siyaasada arrimaheena dibadu way fashilantahay, marka aad u eegto xaalada uu maanta dalku ku sugan yahay iyo sida ay xukuumadda Somaliland u hogaaminaysa.

Qodobka labaad ee aan ka hadlayaa waxa weeyaan Komishanka Qaranka oo raga la leeyahay waa anshax ee la maqli la’ayahay amarka ay bixiyeen, maanta waxaan leeyahay Komishankaasi wuu fashilan yahay talaabo cad hadaanu maanta keenin doorashadu mugdibay ku jiraysaa codkiinana ilaashada”

Comments are closed