|

Sheeko Gaaban :Dhalinyaradu Sow Suuqa Gelimayaan Dadkana Dhicimaayaan Walibana Tuug Noqon Mayaan Haddii

Hargeysa 20-11-2012-(SDN)-Dadwaynaha Ku Dhaqan  Caasimada Hargeysa ayaad mooda in ay ka midaysan yihiin aagrtida la xidhiidha wadayaashad Basaska u kala shaqeeyaa gudaha Magaalada kuwaasii oo aan ka xaysan amaba iska reeba Wiilka yare e la socoda basaska ee ay dadka qaarkood u yaqaanan (Kirish bay ama daba kafuul).

Wadayaasha basaska ayaa hore loogu yaqaanay in ay ka  xaystaan Inan yar kaasi oo gaadhiga ka shaqeeya wiilkani yar ayaa waxyaabo badan u qabta gaadhiga baska ah ee uu la socodo isaga oo dadka rakaabka ah lacagta ka ururiya , una joojiya halka ay u doonayaa ,sida oo kalena dadku waydiyaan halka uu u socdo baskani , isaga oo dadka soo korayaa kala maamula una qaada Alaabta ay sitaan  iyo waliba in uu u fiirsado dadka wadooyinka hareeraheeda taagan kuwaasi oo sugaya baska u socda jihada uu rabo xiligaasi xiligaasi oo wadaha baabuurku uu ku mashquulsan yahay ilaalinta wadada aadka u mashquulka badan ee uu ku socdo .

Hadaba qaar ka mida wadayaasha basaska ayaa bilaabay in ay ka tagaan wiilkii yaraa ee baska la socon lahaa si ay ugu badbaado lacagta yoomlaha ah ee uu ka qaato wiilka yari .

Balse inta badan isla wakhtiga uu wadaha basku iska reebo wiilka yar ayaa su,aasha koobaad ay kaga timaadaha dadwaynaha rakaabka ee baabuurka soo raacaya halkaasi oo sida caadada ah marka uu qofku kursiga fadhiisto ee uu lacagta bixinayo uu yidhaahdo wiilkii lacagta ururinayey meeyey ? Darawalka baska wada waxaa uu ku qasban yahay in uu u jawaabo dhehona manta ilama socdo ee isku soo dardar lacagta ,balse inta badan waxaa dhacda dadwaynaha Rakaabka ahi ay hadalka sii wadan iyaga oo darawalka ku tuurayaa hadlo kala duwan oo ay ka mid yihiin ,Wiilkii yara meeyey,mise yoomkii ayaad doonaysa inuu ku madhxo ,hada shaqada ayey basaslayaashii barteen in ay wiillka iska reebaan,dee lacagta la siinayo halaga gooyo, hadalo kala duwan oo ay kuwasi aan kor ku xusay ka miyihiin ayaa darawalkii baska lagu tuurtuura iyada oo aad moodayso in aan wakhti uu ku jawaabo aan la siin balse dembigii  dusha laga saarayo.

Aniga oo marayaa mid ka mida wadooyinka dhexmara magaalada hargegysa ayaa aan baskii aan u soo raacay dhinaca suuqa baskii markaan soo fuulay waxaa  ka dhalatay dood ku saabsan arrintani aan qoraalka ku cabiray.

Markii aan kursiga soo fadhiistay basku waa uu buuxay kursigii keli ahaa ee banana aniga ayaa fadhiistay waxaanu baskii bilaabay in uu dhaqaaqo nin ka mida ahaa dadkii rakaabka ayaa yidhi “waar meeyey wiilkii lacagta ururin lahaa kaalay lacagta naga qaad” isla markiiba waxaa u jawaabay darawalki baska oo dadka rakaabka ah si guud ugu wargeliyey in ay lacagta isku soo dardaraan .

Markii hadalkaasi uu ka soo yeedhay wadihii gaadhiga waxaa bilaabmay hadal iyo guux ka dhashay dadku sida ay u arkaan jawaabta darawalka ka dib dadkii qaar mid ahi waxa ay bilaabeen in ay lacagta isku soo dardaraan balse mid ka mid ahaa rakaabka ayaa inta uu codka kor u qaaday ayaa waxaa uu yidhi”iminka nimankii basasku shaqandan ayey barteen oo wiilkii yara ee ku dabo noolaa ee yoomka yar qaadanayey ayey iska reebeen xagay qabanayaa dhalinyarada ka shaqayn jirtay basaska hadii mid waliba iska reebo sow suuqa geli maayaan oo dadka dhicimaayaan walibana tuug noqon mayaan hadii ay basaslayaashii u shaqo u diidaan”ayaa yidhi ninka mid ahaa rakaabkii baska oo waliba fadhiyey kursiga dhinacayhga bixi isaga oo wali darawalkii hadalka soo bixin ayaa mida kale hadalkii halkii ka sii qaaday wuxuuna yidhi “anigu waxaan odhan lahaa waxaani waa dhaqan cusub oo ay basaas layaashu  la soo baxeen ee lacagta halaga jaro oo hakii kun iyo shanboqol laga sii jiray kun keliya hala siiyo ilen da,yartii yoomka ka shaqaysaneyye ayey iska reebeene oo waxay doonayaan in  ay lacagta oo dhami jeebkooda ku soo dhaco “ sidaa waxaa yidhi mid ka mid ahaa rakaabkii baska saarnaa waxaan sii socday guuxa iyo dalada lagu tuur tuurayo wadaha gaadhii iska so dabo dhacaya isaga oo aad moodo dadka badankiisi ay ka soo horejeedaan nidaamkani ay basaslayaashu bilaabeen

Arrintani oo ay mid ugub ku ah Magaalada hargeysa isla markaana aanay dadwaynuhu u baran ayaa u muuqada in ay si buuxda uga soo horjeesteen balse ay ku madax adaygayaan wadayaasha basaska ka shaqeeya gudaha Caasimada  Hargeysa iyada oo u muuqata hadii dhalinyaradaasi ka shaqayn jirtay basaska ay suuqa galaan ayaa laga cabsi qabaa in ay suuro galtahay in ay ku kacaan waxyaabo waxyeelo ku ah degenaanshaha iyo noloshada dadwaynaha  .

www.Qurbejoog.com Hargeisa Office

Talo ,Toosin ,Dhaliil Nagala Soo Xidhiidh 00252-24775252

Comments are closed