Ciidammada Ammaanka oo Helay Maydka Nin La Sheegay Inuu Toddoba Maalmood ka Hor Is Deldelay
Hargeysa Nov 20,2012 (SDN/Hubaal)-Ciidamada booliska ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ay heleen meeydka nin la sheegay in uu isdeldelay dhawr cisho ka hor.
Ciidanka Amaanka ayaa helay maydka nin ka soo laalaada geed oo shalay laga war helay isaga oo deldelan.
Ninkan oo aan wali la aqoonsan cidda uu yahay iyo goorta uu is deldelay waxa meydkiisa laga helay geed ku yaalla wadada tagta xabaalaha Xeedho ee waqooyiga Hargeysa.
Sida aanu ka soo xiganay Caroog.com oo warkan daabacay, ninkan ayaa ciidanka ammaanku sheegeen in uu muddo toddobaad ku dhaw mayd aha isla markaana aan laga war haynin isaga oo la aamin san yahay inuu isku deldelay isagu geed weyn oo Meel Kayn ah ku dhex yaalla.
Maydka Ninkan ayaa la keenay xalay Cawayskii Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa oo uu hadda yaallo.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com