Cabdirisaaq-Kildhi oo KULMIYE iyo WADDANI ku Eedeeyey Faro-gelin Ka Dhan ah ururka RAYS
Hargeysa Nov 20,2012(SDN.Hubaal)- Hoggaanka urur siyaasadeedka RAYS ayaa ka hadlay Musharrax shalay ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay musharraxnimadiisii isla markaana ka baxay xubinnimadii ururka RAYS. Guddoomiyaha ururka RAYS ee gobolka Hargeysa Cabdirisaaq Ismaaciil (Kildhi) ayaa shalay faahfaahin ka bixiyey is casilaada musharrax MAxamuud Cabdi Cilmi (Abu-Hurayra) oo uu ku tilmaamay inuu ahaa nin ka sharraxan Saddex urur siyaasadeed.
Cabdirisaaq-Kildhi oo saxaafadda kula hadlay Hargeysa waxa uu yidhi “Runtii waxyaabo badan oo aanu ka taxadirayno ayaa jira, khaasatan ururrada aanu tartamaynay annagu umaanu arkaynba in xisbul xaakimku kamid yahay oo wuu iska soo baxayaa ayaan is lahayn, laakiin waxa jira gujo-gujo badan oo nagaga yimid Xisbul-xaakimka. Runtii albaab walba waa la garaacay, waa lagu guul darraystay xildhibaanadda RAYSna waxaan ku hambalyaynayaa Hal-adaygnimadda.
“Maanta waxa magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay inuu Tanaasulay Maxamuud Cabdi Cilmi (Abu-hurayra) oo run ahaantii Xisbul-xaakimku jiif iyo joogba u diiday oo uu cadaadis ku saaray. Abu-hurayra marka hore XAqsoor buu ahaa, Haddana NASIYE ayuu ahaa, Immikana RAYS buu ahaa oo Saddexdiisii Istiikarba Magaaladda Ayay yaalaan. Ninkii Irbadda Xaday Waxa uu yidhi “ Rag is guraye” ninba meel u weyn ee nin waliba ku tala galkiisa ha yeesho ayaan leeyahay.”. ayuu yidhi Mr. Kildhi, Guddoomiyaha ururka RAYS ee gobolka Hargeysa.
Waxa kale oo uu ka hadlay dhalinyaro ka tirsan ururkiisa oo uusheegay in qaab dhalanteed ah ay u soo abaabuleen masuuliyiin ka tirsan ururka WADANI iyaga oo ka dhigay taageerayaal ku soo biiray, ‘Ta kale ee aan ka hadlayaa waxa ay tahay maalin dhawayd urur baa intuu Caruur yaryar meel fadhiisiyay OOG yidhi waa dhalinyaro ka soo baxday ururka RAYS oo ku soo biirtay WADANI, waxaan leeyahay arrintaasi waxba kama jiraan ee ururka WADDANI waxaanu leenahay haddii aydaan arrintaas JAwaab degdeg ah ka bixin annaguna waxaan ka odhanayno way noo taallaa” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com