Xukuumadda Somaliland oo Baaq ka Soo Saartay Taageerayaasha Baabuurta Ka Lusha
Hargeysa Nov 20,2012 (SDN/Hubaal)- Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal, ayaa ugu baaqay Dhalinyarada wakhtiga ololaha baabuurta guudka uga baxda inaanay naftooda halis galin, anshaxa iyo nidaamkana ilaaliyaan, isla markaana si nabad-gelyo ah u banana-baxaan wakhtiga ay ololaynayaan.
Wasiiku waxa kale oo uu madaxda ururrada iyo axsaabta ku booriyay, inay dhalinyarada ay kaxaysanayaan ay masuuliyadi ka saran tahay, isla markaana ay ku wacyi-galiyaan qaabka loo banana-baxayo, si ay anshax ugu ololeeyaan. Wasiirka oo arrimahaas ka hadlayaana waxa uu yidhi. “Waxaan ku boorinayaa dhalinyarada wakhtiga ololaha, waxaad arkaysaa dhalinyaro badan oo saaran daaqadaha baabuurta iyo dusha sare, waxaan leeyahay dhalinyaradaas maadaama xil iga saaran yahay, nafihiina khatar ha galinina ee si nabadgelyo ah u dabaal dega, oo ha qabsanina baabuurta, hana iska laalaadinina daaqadaha.”
Wasiirka Wasaarada Dhilinyarada iyo Ciyaaruhu waxa uu ku booriyay masuuliyiinta ururrada iyo axsaabta inaanay halisgelin dhalinyarada ee ay ku wacyi-geliyaan sida loo dabaal dagayo iyo sida loo soo baxayo. “Madaxda ururrada iyagana waxaan leeyahay waa inaydaan khatargalin dhalinyarada nafahooda, dhalinyaraduna waa dad yar yar waxa loo baahan yahay in wax loo sheego, sida loo banaan baxayo sida loo soconayo iyo sida baabuurta loo fuulayo, si dhalinyarada naftooda loo badbaadiyo taageeradoodana u muujiyaan, waalidiinta laftooda maaha inay carruurtooda yidhaahdaan iska socda ee waa inay ilaaliyaan oo ay faraan anshaxa.” ayuu yidhi, wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo caawa u warramay idaacada VOA laanteeda afka Soomaaliga.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com