Ban Ki Moon oo xabad joojin degdega ku dhawaaqay
New York Nov 20,2012(SDN)-Dagaalak Gaza ayaa maalintiisii 6aad galey, Qaraxa iyo uurada gantaalaha ayaa isla subaxan Axada ah laga arkayaa dalacada magaalada Qasa, waxaana ila hada la xaqiijiyey dhimasha 80 iyo dheerad Falastiniyiin ah iyo 3 Yuhuuda dhoorka leh ah. Maalintii Axada ayey aheyd maalintii ugu geerada badneyd waxaana dhintey ina ka badan 30 qof oo falastiiniyiin ah.
Dhawaaqa lagu dalbanayo xabad joojin ayaa aduunka dacaladiisa ka soo yeedhaysa, waxaana maalinta isniinta ku soo fool leh magaalada Qaahira xogayaha Qaramada Midoobey Ban Kin-Moon oo dalbadey in xabad joojin degdeg ah la gaadho.
Weerar keliya oo Gantaalaha Yuhuuda ah ayaa sababey dhimashada 12 qof oo Falastiniyiin ah. 10 qof oo ka mida dadkaas ayaa ahaa qoyska Mohamed Dalous oo ahaa nin Police ah.
Qof u Hadley ciidamada Yuhuuda ayaa Jariirada Haaretz u sheegey in gantaalkaasi uu si khalada ugu dhacey guriga reer Dalous, waxaanu sheegay in yoolku ahaa in la dilo Yehiy Rabiah, oo ah Maskaxada ka danbeysa Gantaalaha ururka Hamas la tiigsanayaan dhinaca Yuhuuda.
Boqaal Gantaal oo ururka Hamas ganayaan ayaa ku hoobanaya dhinaca magaalooyinka Yuhuuda, waxaa se ilaa hada qasaare ka jira dhanka Yuhuuda 3 qof oo keliya oo dhimatey. Ninka Qaramada Midoobey ka odeyga ah Moon ayaa si aad u tacsiyadeeyay qoyska reer Dalous eela gumaadey iyo rayidka kale ee la Xasuuqeyba, waxaanu geesta kale werer ka muujiyey ganataalaha ururka Hamas ganayaan.
Khalid Meshaal oo ah Siyaasi aad ugu dhaw hogaamiyaha Hamas Ismail Haniya ayaa barta face book uu ku leeyahey ku shaaciyey in keliya Hamaas joojin doonan Gantaalaha, marka Israil ay joojiso weerarka bahalnimada ah ee wado. Geesta kale Yuhuuda ayaa iyaguna sheegey in keliya ay weeraradu is taagi doonan marka la wiiqo ururka Hamas, waxaana dhanka xuduuda labada dal ka socda isu diyaarinta suur galin karta Ground Invasion ka Yuhuudu ku galeyso Gaza.
SDN-Oslo
contact@somalidiasporanews.com