Tallow maxaa uga istafiid ah xukuumada S/Land qalalaasahan ay dalka u hayaamisay???
Waxaa layidhi Ninwalba intay taagtii tahay baa qoraxdu ugu tagtaa.Tan iyo intii ay qasriga madaxtooyada iyadoo qamaamaysaa oo qaamaamuurtii tunka kusiday intay dhexda ku soo qubtey qirinqiir qasri ka dhiso ama wasiir noqo mooyee aan hami fog lahayn wadata qoobka soo gelisay.
Qas iyo qalalaase, qabyaalad,qoomamo, sixir barar, hanti boob, cadaalad darro, maamul xumo, kala qoqob, tusbax furmay, jahawareer, bilaa yool, cabudhin, shaqsi jecayl, run nacayb, xayiraad, isbaarooyin iyo qaran dumin ayuunbay xukuumadan u hayd.
Qaranimadii Soomaaliland marba marka ka dambeysa waxaad moodaa inay kusii libdhayso ceeryaan, inaguna aaynu weli sii eegayno libidhkeeda, soo noqo iyo soo celiyaayey midna weli cindigeena kumay soo dhicin.
Hadaba haddii aan qissadii dub u raaco… waatii aydin raagaad maamulkii horey inaga soo gaadhay aad qarsanweydeen xanuunkii, waatii aydin ku qalweynseen isbadel…idinkoon kaba fiirsan waataad ku dhawaaqdeen kulmiyaanu nahay, wax kastoo dhacaba kulmiyaanu nahay…waataad xukunkii kitaabka islam kulmiye ka raacdeen.
Haddii aan qissadii dub u raaco… aan ka bilaabo gudiyo usaarkii, go’aan laaantii, gaadiid qaadashadii dababshiil iyo tijaar la mid ah oo ilaa hadda daynkooddii hantida umada laga bixiyo iyo ku rafadkii dowlad dhisida.
Halkaas markii ay maraysay ayaa wasaarad walba horjoogaheedii dhinacuu doono ula dhaqaaqay madaxtooyadiina dad kale gacanta ugashay…Madaxweynihii dalkuna nasasho iyo hurdo dheer galay..Hurdadii madaxweynaha iyo jahawareerkii wasaaradaha marka dadka qaar ka hadleena.. dowladii way wada cadhootey…madaxweynihiina waxa uu la soo kacay uf iyo akhas…Waxaa bilaabantay, cabudhintii saxaafada, eri shaqaalihii dowlada ee ka soo jeeday maamulkii xilka lagala wareegay, furidii ururada, dagaalkii bariga ee mudo xalka loo waayey ee gudida tallo bixinta isna loo saarey. Waxaa iyana layaab lahaa jahawareer kuyimi wasaaradii arimaha debeda oo wasiirkii arimaha debedu kolba qolo aqal madow kula shirayey.
Isku soo wadaduuboo halkeebaynu maanta joognaa?
Waxaynu maanta joognaa; meel aynu nus qarni ka hor ka soo gudubney, jarbeynu ka lulanaa khatar ah, qabyaalad sun ah baa laylagu buufiyey. Waxaynu maanta joognaa…Nin yidhi kaagii oo qatan nin kale yaanu kugu dulqaydeyni in la qoonsado, waxaynu maanta joognaa halkay inala doonayeen.
Kolay dhibaatooyinka kor ku xusan idinkuma cusba intaa waad maqashaan ee laakiin waxaad isweydiinaysaan isbaarooyinka inagu cusub ee hada dalkii xukuumadani ku soo kordhisay oo ka mid ah adeega shaqsiga. Tusaale waxaa inoogu filaan madaarka BERBERA marka aad ka soo dhoofeyso nin isbaaro dhigtey kulana shuraakoobey nin cad oo ajaanib ah mashiinka baadhista ee la mariyo dhandadaha oo lagu odhanaayo waa lagu baadhay ee toban dollar bixi…sow yaabka yaabkiis maaha? xagey aduunka ka dhacdaa dowlad shandadaaha baadha oo hadana lacag ku weydiisa. Dadka madaarka ka dhoofaana ilaa hada wey garan layihiin arintan.. marka shaqaalaha madaarka la weydiiyeyna waxay ku jawaabeen ninbaa mashiinka meesha dhigtey oo dowladu shaqo kuma leh.
Guntii iyo gebagebadii dalkeenii waxaa ku soo fool leh doorashooyin hadii dowladu faraha kala baxdo waxay u dhicidoonta si xalaal iyo wanaag, laakiin sida hada komishankaba ka soo yeedhaysa hadii aanay dowladu faragelinta badheedhka ah ka deyn waxaan qabaa inay dal burburin ay tahay..
Doorashadan sidaan arkayo ee wax lagu wado waa ama kala guur ayey noqon ama isku guur oo umada qaar kamid ah ayaa weligood lagu guuri.
Dadka reer S/Land EEDDAADKII SOO MAREY UMMUL BAA ILOWDEE ilowshiiyo dhawinaa sowtan siddii xoolihii kolba dhan leynoo qamaaminaayo oo quluxda laydiin lulay..mustaqbalkiina shilin nin dano gaar ah wataa yaanu idinkaga iibsanin…. Allahayow nin daacad ah Allahayow nin daalim ah deeqdaada howsim………amiiiiin
Nin Illaahay ka dambeeya kabtii ma yeela.
P.S. “Maqaalka hoose waxaan soo galiyey doorashadii madaxtooyada (2010) dad badan baa ilayaabana”
“DAMQASHADDA NABADDA SOMALILAND IYO DAREERKA KU XEERAN XEELADDII CODAYNTA.”
SOMALILAND AYAA KA DHIGAN SAKAARO SAALO MUUQATA AYAY AASTAA……Aduunyoy xaalkaa be, waa xaaluf iyo doog , waa dabayl oo way wejiyo badan tahay, sal buurana kuma fadhido, halyeyga iyo ninka ragga ahna ma sooryeyso, nacas iyo doqonna hagarli’i buu ku durduurtaa isagoo moog “lax dhukani abaar moog.”
Sirta noloshay maxaad taxay?… waa silsilad ninba meelka haysto, ninba uu si u haysto….fahankeedu waa mid ay dadku ku kala duwan yihiin ama siday ay u yaqaanaan waa nin iyo garaad kii. Hase yeeshee ildheer/indheer garadku wuu ogsoon yahay waxay sirta noloshu tahay. Inkastoo hadana ay muddan tahay in lays waydiiyo hadii uu ogsoon yahay sirta nololsha ma ku qanacsan yahay, waayo hadii aad wax ku qanacsantay waad ayidaa…..Sirta noloshu waa waadix dadka in yar ayaa taqaan, waana kuwa najaxay niyadoodunu samaatay. Kuwa aan garan ee Ilaahay ka madobeeyeyna kulayl iyo kadeed baa u dhan, aduunyo wax ka maqanina ma jirto hadana maaha kuwo ku qanacsan oo way ka haraadan/baahan yihiin.
Horta seben waliba waa cayn waxaanu leeyahay sooyaal/sumad u gaar ah oo lagu garto marka taariikhda dib loo eegaayo. Wax waliba waxay u dhacaan sabab, taariikhduna way soo noqnoqotaa, mana aha iyadaa soo wareegta ee dadka ayaa waxii hore u soo maray ilaawa oo kolba khaladaadyo hore u dhacay dib u sameeya.
Dad dhaqan san baa negeeya duunyona daaqsin baa xasilisa, dhaqanna dhidibada waxa uu ku hayaa diin ama cawaanimo iyo shaydaan. Labadaasna faraqa u dhexeeya cidna looga warami maayo.
Ujeedada maqaalkaygan waxay tahay, aniga oo in badan la yaabanaa cadaalada la’aanta dalkeena ka jirta, qabiilka dadka dhuuxa ka galay iyo sida umaddii loo afduubtey, garbaduubna loogu xidhay geed layidhaa “nabad dhowr”, ayaa waxaa ka dhacdey doorasho in badan laga sugaayey dalkeena oo fool raagtey ku noqotey umadda intii isbedel dhab ah u heelanayd.
Geedkan nabad dhowr waxaa hoostiisa ka qodan “god” dheer oo dhamac ka baxayso, korkiisana waxaa saaran sarab iyo duur lagu qariyey dhamacda hoos ka hulcaysa, dadkuna ma dhaadana hadana qofkasta oo cadhooda waa geedka la geeyo si uu hoostiisa ugu soo cadho burburo isaga oo moog waxa ka hooseeya, laakiin geedkii NABAD DHOWR ayaa loo yaqaan yar iyo waynba. Geedkaasi marka qof wax ka cowdo oo uu yidhaado waan dulmanay, waa laydilay iyo waa lay dhacay wa geedka lageeyo, isna waxaa uu yidhaahdaa waar nabada dhowr.
Garbaduubkaa umaddu waxay u xidhnaatoba, waxay macaluul iyo haraad guryaha hoostooda siday nabad u dhowrayso ugu madhatoba, kii u gargaari lahaa waxa uu dhiigeeda miirtoba oo dibiro dildilaacoba, kii diinta iyo
cadaalada yaqaanayna waxuu doolar iyo dahab eryadoba, waxay isku wada dulnoolaatoba, waxay sabigiyo dhalaanka dubatoba, waxay dabaqyo kala yeelatoba. Haddaba kamay quusan Qadirkii uumay ee ka qadeeyey iyo ka qatanba goob wadda dhigay.
Markii haddaba doorashadii soo dhawaatey dadkii yididiilo ayaa gashay, waana miday ku muujiyeen isu soo boxoodii, seddexdii musharaxna markay dhegeysteen, mid ka mid ah ayey ka dhadhansadeen u damqasho, cadaalad jacayl, munaafaqad la’aan iyo xaq soor.
Allahayow nin daacad ah Allahayow nin daalim ah deeqdaada how simin, dadkii isbedelka doonaayey nuurkii u soo baxay, looma daynin inay doortaan kay rabaane, dabin rag maleegaybay umadii dalaq tidhi iyagoon dhaadanayn, kii hadla waxaa lageeyaa geedkii nabad dhowr.
Xisbiga UCID mooyee waxay 2dii xisbi ee kale la soo baxeen maalmihii u danbeeyey xeelado cajiib ah oo markii komishankii adkeeye xeeladii hore ee laga yaqiinay dalkeena sida ku shubashada iyo waxii la mid, ay la soo baxeen xeeladahan cusub oo hore qaarkood uga dhaceen wadanka kiiniya.
Hadaba sida aynu wada ogsoon nahay dadkeena qabiil baa daashadey hadana maanta waxaa u raacay wax layidhaa “HUNGURI TACAB” oo ah xeeladihii lagu isicmaalay doorashadii laguna guulays oo umada xaqoodii lagu lunsaday. HUNGURI TACABna waa marka qofku waxba kuu qabanin ilaa aad lacag ku shubato mooyee, sidii mobile-ka uu u shaqeeyo marka shilimaad lagu shubto isaga oo qabiilna u adeegsanaaya. Waana ta maanta ka jirta dhulkeena oo hunguri baa ka soo hormaray dantii la eegi jirey berigii hore. Waayo? qofkani maba garanaayo waxa u dan ah. Dantood garataana waa xaqiiqda ood fahantid, danta ama xaqiiq fahankuna waa hilinka loo maro nolosha wanaagsan, haddii aad garan waydo se If iyo aakhiroba seegtay, waayo hadii noloshiiba qasanto oo qalbiga dayow kaaga dhaco wax filataaba waa quus mid ilaahay u naxariisto mooyaane.
Soo-jireenka ruug cadaaga ah ee ku ciraysatey dabin isu maleega siyaasadeed iyaga oon aakhiradooda u tudhaynin xunkun jacayl owgii, waxay khibradii ay lahaayeen ku soo kordhiyeen in dadka lacag loo daadiyo si cod looga hello maadaama ku shubasho aanay suurto galaynin. Kursi jacayku waxa uu mararka qaar adaamaha ku kalifaa inuu dhiig u daadiyo, markaa waxaa ka dhacday dalkeena doorasha dad badi u riyaaqayaan iyagoo moog siday wax u dhaceen kuwa ogna ay iska aamuseen waayo waxay ogyihiin hadii ay hadlaan in geedkii uun la geyndoono oo aanay cidi ka hoos qaadidoonin. Laakiin waxaan qabaa dad kala dilaalka maanta aayo xumadeeda in dib looga sheekayn doono. Waayo? Waxaa suurto gashay in qof daayo qabiilo dhan la iibsan karo maanta oo doolar uun kaa xigo.
Haddaba siddeedii sanno ee dowlada hore ay danaha ummada aqalka madaxtootada la dhex fadhiday marka xisaab la wadaydiiyona, ka baadhi jirtey qololka guriga madaxtooyada ilaa haddana oy dhacdey weli baadhitaan ku jirto. Waxaa haddaba iyadoo nabada la dhowraayo ,waa sidii caadada inoo ahayde, boob, qabiil iyo dad iibsasho ku heshay doorashii dowlad cusub oo muddo dheer ka soo shaqaysey sidii ay ugu guulaysan lahayd xukunka mar uun, raga daadihinaayana waxay galaan iyo waxay gudaanba inaguma cusba. Waxaa kale dowlada laga guulaystay iyo tan guulaysateyba xeeladahooda ka mid ahaa in aqoonsiga taageerayaasha xisbiyada kale, dadka ka iibsadaan si aanay u codayn, tan oo ahayd xeelado laga dhaxlay doorashadii u danbeysay ee ka dhacdey kiiniya. Waxaana maal geliyey shirkado waaweyn oo qadarin aad u balaadhan ummadu u haysay, laakiin ka qayb qaatey maalgelinta iibsiga ummada dulman ee xaqoodii iyo isbedel inay helaan doonaysa, waxaa ugu waynaa shirkadahaa maalka badan geliyey shirka DAHABSHIIL. Naftiina iyo maalkiinu yaanu idin halaagin ayuu Ilaah (SWT) yidhi.
Komishanku dadaal intii kartidoodu ahayd inay musuqa yareeyaan, laakiin qoobkay ku walaaqeen rag aan qadarinayn xoriyada shaqsiga. Cawaaqib xumada ka soo socotana Ilaahow nooga sahal adaa qaadiree. Godka hoosta ka holcaaya ayeynu ku kor botorinaynaa, sidii xoolihii baa maanta ummada kolka dhinac loo qamaaminaayaa, sidii telefoon baa shilimo lagu shubanayaa intay qabiil soo dhaaftey, kii roonow reerka u hadh baa ka taagan, markaa waxaynu aas aasaynaa waa maxay? Dulmigan intee baynu dedi karnaa, wax garadka inteebaynu afka kaga taagnan karnaa, hadalbaa ka danbayne yaaka masuul ah, kolanyadan cusub ee maanta soo kaahiman ee ninba gaar wax u doonaayo markay geesaha isla gasho gurmad yaa u noqono garta yaa u niqi tallow… Hasheeni maandeeq maxay xigsimootaa, Maxaynu xoor ka maalmalnaa, ragbaa xaaluf daajee, Adduunyoy xaalka be.
Mohamed J Ismail
London
UK
Muhammad Jama Ismaail-Shiine
LONDONQ