|

Ciidamada Booliska Ee Magaalada Hargeysa Oo Xabsiga Dhigay Laba Nin Oo Gaadhi Jiidhsiiyey Qar Ka Mid Ah Taageerayaasha URURKA XAQSOOR

Hargeysa SDN) – Ciidamadda Booliska Magaaladda Hargeysa, ayaa maanta xabsiga u taxaabay laba nin oo watay gaadhi si xawli ah u soo dhex galay madal uu ka khudbadaynayey Guddoomiyaha urur siyaasadeedka XAQSOOR Mujaahid Xasan Ciise Jaamac.

Ciidamadda booliska ayaa xidhay labadaa nin oo watay gaadhi yar oo ah nooca loo yaqaano Taxi-ga, ka dib markii ay gaadhiga ku soo daayeen barxada hore xafiiska Musharax Yurub Abiib Cabdi oo ka mid Musharixiinta Hargeysa uga tartamaya Xaqsoor, kaasi oo ku yaala xaafada Isha Boorama ee Hargeysa.

Dadkii halkaasi ku sugnaa ayaa Ramaas u sheegay in gaadhigaasi uu jiidhay haweenay ka mid ahayd taageerayaasha Xaqsoor oo ka mid ahayd dadkii dhageysanayey khudbada Guddoomiye Xasan Ciise Jaamac.

Ilaa hadda lama oga ujeedada labada nin gaadhiga ugu soo dhex tureen dadkan shacabka ah, balse ciidamadda booliska ee xidhay ayaa ilaa hadda baadhaya sababta keentay inay raggaasi halis galiyaan nolosha dadkii halkaasi ku sugnaa iyo Guddoomiye Xasan.

www.Qurbejoog.com Hargeisa

Comments are closed