Madaxwaynaha Somaliland Oo Kormeer Shaqo Ku Maraya Goobo Mashaariic Horumarineed Laga Hirgeliyey Qaar Kale Xadhiga Ka Jaray Magaalada Burco
Burco Nov 11-2012-(SDN)- Madaxweynaha Somaliland. Axmed Maxamed maxamuud (Siilaanyo), oo ku guda jira socdaal shaqo ku marayo gobolada Saaxil Tog-dheer, ayaa maanta xadhiga ka jarey mashaariic laga hirgaliyey magaalada Burco xarunta gobolka Tog-dheer, waxaaanu sidoo kale Madaxweyne Axmed Siilaanyo, kormeer ku soo marey mashaariic horumarineed oo hirgalintoodu ka socota magaalada Burco.
Madaxweynuhu dhismayaasha uu xadhiga ka jarey ay kala ahaayeen, dhisme lagu kordhiyey Cisbitaalka magaalada Burco, dhisme lagu kordhiyey dugsiga sare Sheekh Bashiir iyo dusiga Sheekh braahim oo dhamaantood ku yaala magaalada Burco.
Wasiirka Wasaarda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare. Samsam Cabdi Aadan iyo wasiirka wasaarada caafimaadka, Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog), ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyey mashaariicda horumarineed ee laga hirgaliyey magaalada Burco xarunta gobolka Tog-dheer.
Madaxweynuhu wuxuu kormeer ku soo marey madaarka magaalada Burco oo xilagan uu ka socdo dhisme iyo wadada isku xidha magaalada Burco iyo Oodwene, waxaanu madaxweynuhu warbixino kaga dhageystay masuuliyiinta ku howlan mashaariicdaasi, maxaanu u rajeeyey in Illaahey u fududeeyo mashaariicdaasi dhameystirkooda waxaanu madaxweynuhu ku tilmaamay in mashaariicdaasi yihiin kuwo dhaxal gala.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaa kale oo uu magaalada Burco maanta ka furey Taangi Biyood xajmigiisu qaadayo 620 Foosto ay ka cabi doonaan dadweynaha ku dhaqan xaafadaha dhanka koonfureed ee Burco.
Madaxweynaha waxa socdaalkiisan ku weheliyay marwadda koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde, Wasiirrada Madaxtooyadda, Waxbarashada, Duulista hawadda, hawlaha guud iyo Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Taliyaha ciidanka Booliska
www.Qurbejoog.com Hargeisa