Mudane madaxweyne Waxaanu Kugu La Talinaynaa In Aad Ka Dheeraato Saxeexid Xeerka Sirdoonka Oo Kugu Noqon Karta Taariikh Madaw “ Dr Gabose.
Hargeisa 11-10-2012 (SDN)-Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka UMADDA Dr Maxamed Cabdi Gaboose ayaa manta ka hadlay Xeerka Sirdoonka Qaranka Somaliland oo dhawaan ay Baarlamaanku ansxiyeen .
Dr Gaboose oo shirjaara’iid ku qabtay Xaruntiisa Guud ee Urur Siyaasadeedka UMADDA uu ku leeyahay Magalaada hargeysa ayaa waxaa uu Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ugu diray fariin Cusun oo uu ugu baaqay in u fiirsado Xeerka Sirdoonka Qaranka oo ansixintiisu Madaxwaynaha hortaala .
Waxaanu Dr gaboose uu sheegey in xeerkani ay qodobo ka mid ahi ay ka hor imanayaan dastuurka dalka waxaana hadaldii ka mid ahaa ““ Madaxweyne Waxaan Filayey In Aanad Marnaba Ilaabi Doonin Sawaxankii Iyo Baroortii Ka Soo Yeedhi Jiray Maxaabiistii Jeelasha Siyaad Barre , WaxaanKugu La Talinayaa in aad ka feejignaato saxeexa xeerkan oo kugu noqondoona gef taariikh ah .” Dr Gabose
“ Mudane madaxweyne waxaanu kugu la talinaynaa in aad ka dheeraato saxeexid xeerka sirdoonka oo kugu noqon karta taariikh madaw “ Dr Gabose.
Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Umadda Dr Maxamed Cabdi Yuusuf (Gaboose) ayaa dhammaal digniin ah u diray madaxweynaha Somaliland kaas oo uu ku sheegay in uu uga digayo xeerka sirdoonka hay’adda aminga oo dhawaan ay meel mariyeen golayaashu taas oo loo gudbiyey madaxweynaha si uu u saxeexo.
Dr Gabose oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta ururka Umadd a ee magaalada Hargeysa ayaa waxa hadalkiisa ka mid ahaa “Mudane madaxweyne haddii aanu nahay ururka Umadda waxaanu soo dhaweynaynaa in qarankani uu yeesho hay’addo sirdoon oo ku hawlgala shuruucda dalka , haddaba hadii mar la gaadhay waqtigii uu xeerkani hirgali , waxaanu filaynay in wax laga bartay khaladaadkii dawladdii Siyaad Barre oo ahayd aaladdii bud-dhiga u ahayd taariikhdii xanuunka badnayd ee soo martay bulshada” .
Dr Gaboose oo si xoogan u dhaliilay qodobada ku jira xeerkan sirdoonka hay’adaha amniga ayaa waxa uu soo qaatay qodobka 20-aad ee ku jira xeerkan oo dhigaayey in qofkasta oo Somaliland degani marka laga reebo diblumaasiyiinta shisheeye in xaq loogu leeyahay in uu la shaqeeyo hay’adaha sirdoonka . dr Gaboose oo qodobkan ka hadlayey waxa uu yidhi “ qodobkan waxa ku jira oo uu muwaadinka ku waajibinayaa arrin in uu fuliyo wax u dhimaya damiirkiisa ,xuquuqdiisa ,shakhsiyaddiisa, nabadgalyadiisa iyo ganacsigiisaba , madaama laga qaaday xoriyaddii garawshiiyaha”.
Waxa kale oo uu ka dhigay Dr Gaboose qodobo kale oo ku jira xeerkan o ay ka mid tahay in ay hay’addu amnigo awood u leedahay wax ka qabashada xaaladaha deg-dega oo uu ku tilmaamay inay awoodu leedahay oo kaliya maxakamadda cadaalad ah oo lageeyo adeeysanaha.
“mudane Madaxmweyne waxaad hay’addan u xambaarisay waxaas oo awood oo ka hor imanaysa shuruucdii dalka oo adiga oo kaliya si toos ah kuu hoos imanaysa “ ayuu yidhi Dr Gaboose.
Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Umadda Dr Maxamed Cabdi Gaboose waxa kale oo uu dhaliilay qaabka ay hay’adani u shaqaynayso oo uu ku sheegay mid la baal mariyey sifadii loogu talagalay in ay shaqadeedu noqoto waxaanu yidhi “ qaabka ay u shaqaynayso hay’adani waxay in dad dhar cad ah oo aan labisnayn ay dadka dhexgalaan kuwaas oo la wareegi kara hantida umadda xidhxidhina kara, waxayna ahayd in ay la dagaalanto cadawga “ .
Xeerkani Sirdoonka Qaranka ee ay Baarlamaanku ansixiyeen ayaa Siyaasiyiinta ,Asxaabta Mucaaradka ahi iyo waliba dadka indho indheeya sharciyada dalka ay saluug ka muujiyeen iyada oo ay dadka qaar u arkaan in sharcigani ansixintiisa lala eegeytay xili indhaha Mucaaradka iyo dadkuba ku jeedaana ama ku mashquulsan yihiin Ololaha Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ee dhawaan lagu wado in ay ka qabsoomaan somaliland
www.Qurbejoog.com Hargeisa