Xaaji Cabdi-waraabe oo Wasiirnimada Foosiya X. Aadan ku Macneeyay Horumar ku Yimi dadaalka ay Haweenka Somaliyeed ku Jiraan Una Hambalyey
Hargaysa Nov10/12(SDN) Odayga Ugu da’da weyn reer Somaliland Xaaji Cabdikariin Xaaji Xuseen (Xaaji Cabdi-waraabe), ayaa sheegay inay Haweenka Somaliyeed Waayadan dambe muujiyeen dedaal balaadhan oo kor u qaaday Himiladooda siyaasadeed iyo Kaalinta ay Bulshada kaga jiraan.
Sidaasi waxa uu sheegay mar uu Khamiistii doraad ka hadlayay Munaasibad xadhiga lagaga jarayay Jidf 13 KM ah oo Laamiya, kaasoo sida halkaasi laga sheegay dhaqaalaha lagu bilaabay ay ku tabaruceen Haween Reer Somaliland ahi.
Xaajigu wuxuu u duceeyay dhamaan Haweenka Reer Somaliland ee Doorkooda ka qaatay qaadhaanka Jidka wadada Cad “Haweenkii bixiyay lacagtii lagu bilaabay wadadan waan u ducaynayaa, haweenka Somaliyeed oo dhana waan u ducaynayaa”ayuu yidhi
Xaaji Cabdi waraabe isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Sanadka waxa muuqata in haweenku dedaal balaadhan sameeyeen oo horumar fiican gaadheen, taana waxa cadaynaysa Foosiya Xaaji Aadan dee waata la yidhi waxa loo magacaabay Wasiirka Koowaad ee Somaliya iyo Khaarajiga, waa dedaal ay ku talaabsadeen Haweenka Somaliyeed”ayuu yidhi Xaajigu.
Hargaysa Qurbojoog