Xuska Maalinta Xoriyatul Qowlka Saxaafada Somaliland Oo Maanta Hargeysa La Xusay
Hargeysa 10,2012 –(SDN) Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa maanta wi weyn looga xusay Maalinta Madax-banaanida saxaafada Somaliland oo loo asteeyay inay noqoto 10-ka bisha November oo ku beegan wakhtigii uu geeriyooday aabihii saxaafada Somaliland Maxamuud Cabdi Shidde oo ururka saxaafadda Somalland ee SOLJA u aqoonsatay inay tahay maalinta xoriyatul qawlka iyo Madax-banaanida warbaahinta Somaliland.
Munaasibad balaadhan oo xuska Maalinta Madax-banaanida Somaliland uu u soo qabanqaabiyey Ururka SOLJA, ayaa lagu qabtay Magaaladda Hargeysa, waxaana ka qayb-galay Masuuliyiinta ururka SOLJA, Ururada siyaasada iyo bahda saxaafada.
Xoghayaha guud ee ururka saxaafadda ee SOLJA Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax oo ugu horeyn Munaasibada xuska ah hadal ka soo jeediyay ayaa faahfaahiyey dhibaatooyinka haysta saxaafada, wariyayaasha la xidhay iyo wariyihii bishii hore lagu dilay Magaaladda Laascaanood, kaasi oo sawirkiisu sudhnaa hoolka Munaasibadu ka socotay.
Xoghayaha SOLJA oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Xadhiga waryeyaashu waxay ka badan yihiin saddex jeer mudadii ay saddexda xukumaddood ay soo mareen Somaliland, xukuumaddii Cabdiraxmaan Axmed Cali, xukuumaddii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, xukuumaddii Daahir Rayaale ayey ka badan yihiin intii xukuumaddani Mdaxweyne Siilaanyo jirtay inta wariye ee la xidhay”
Xoghayaha SOLJA, waxa uu ka hadlay sababtay ay maalintan ugu xusheen Madaxa-banaanida Saxaafada “Marxuum Maxamuud Cabdi Shide waxa uu keenay madbacadii ugu horeeyey dalka 2,February, 1995kii, waxaanu ii sheegay mar aan ku idhi saxaafada dhaqaale malaha ee maxaad dhaqaalaha intaas leeg u galinaysa ee aad ku falaysaa waxa uu igu jawaabay waxaan doonayaa in ninkii cadhoodaa inta uu gacanta ku ciil bixi lahaa oo uu gacan ka hadal samayn lahaa, inuu qalinka ku ciil baxo si uu u nafiso”ayuu yidhi Maxamed-rashiid oo oo faahfaahinayey dedaalka uu Marxuum Shide u soo galay saxaafada xorta ah ee Somaliland ka jirta oo maalintii uu geeriyooday si gaar ah loogu asteeyay maalinta Madax-banaanida saxaafada si loo xasuusto.
Xuska loo sameeyay maalinta Madax-banaanida saxaafada Somaliland, oo ay ka hadleen Masuuliyiin badan oo uu ka mid yahay Dr Maxamed Cabdi Gaboose iyo Wariyayaasha rug-cadaaga ah ee Axmed Siciid Cigge iyo Xuseen Cali Nuur, ayaa isaguna waxa kalmad muhiim ah ka soo jeediyay xildhibaan Axmed Ducaale oo ka mid ah Mudanayaasha golaha Wakiilada Somaliland, waxaanu warbaahinta u soo jeediyay tallo “Saxaafada waxaan odhan lahaa in masuuliyada saaran inay ka culus tahay ta dawladda saaran, aniga kalmad aan qoray baa maxkamadda la igu geeyey oo golihii wakiiladda ee wakhigaasi igu dacweeyeen”
Gabogabadii Xuskan loo sameeyay Maalinta Madax-banaanida saxaafada Somaliland, ayaa waxa ka hadlay Guddoomiyaha SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf, waxaanu xukuumadda ugu baaqay inay si deg-deg ah u soo qabato gacan ku dhiiglayaashii qudha ka jaray Wariyihii lagu dilay Laascaanood.
www.Qurbejoog.com Hargeisa