|

SAMO-TALIS: Dareen-celinta Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Shakhsiyadda Xaaji Cabdi-Waraabe, Qaybta 11aad

Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi-Waraabe), waan maqli jiray in muddo ah, oo dhallinyaradii 1984kii SNM ku biirtay ayaan ahaa, weliba xagga SNMta lagama jeclayn, oo oday  dawladda la shaqeeya, oo Hargeysa jooga in uu yahay ayaan warka ku ku hayay. Kollay aragti waa lagu kala duwanaan karaa, haddii nin laga qayliyana waxaad dareemaysaa in aanu qof tamar yar ahayn ayaad dareemaysaa. Ninka ragina waa ka meesha uu ku jiraba wax ka tara.

Aragtidiisa waxa iigu horreysay shirkii Madaweyn oo 1989-kii ay qabteen Guurtidii Cadaroosh lagu sameeyay, oo ay ku dhexdhexaadinayeen khilaaf soo kala dhex galay SNM. Hadalladii uu halkaas ka jeediyay ayaan xasuustaa. Shirkii Balligubadle ee 1990kii ayaanu haddana ka wada qayb galnay. Waatii dalkii la soo galay. Anigu markaa waxaan noqday maayarkii u horreyay ee Burco, Feb/1992kii ayaa la i magacaabay, aniga oo ah nin dhallinyaro ah. Dawladda Hoose ee Burcona waxa ay noqotay tii ugu guusha badnayd ee dalka xilligaa, ee cashuur ahaan, maamul ahaan iyo dhaqaale ahaanba ugu koboca badnayd, sidaas darteed ayay Burco u ahayd meesha kaliya ee Shirkii Somaliland lagaga dhawaaqay ee 1991-kii marti gelin karaysay. Sidaasaana loo doortay Burco.

Xilligii uu C/Raxmaan Axmed Cali dalka taladiisa hayay, khilaafyo siyaasiya ayaa dalka ka dhacay, SNM yaa kala qaybsan tay, markaa Nofember/1991-kii ayaan Hargeysa imi oo aan u qaylo dhaan dirsaday Xaaji Cabdi, AHN Sheekh Ibraahin iyo AHN Suldaan C/Raxmaan, Burco ayay noogu yimaaddeen, xiisaddii bay dejiyeen. Laakiin nasiib-darro waa kii dagaalku dhacay Feb/1992kii ee ay Reer Burco is-dileen. Xaaji Cabdi markanna waxa uu ka mid ahaa Guurtidii dagaalka damisay. Meel adag ayuu nin adagi ka muuqdaa. Iyadoo weliba guurtida loo tirinayay in ay dawladda ka tirsan yihiin, ayay haddana dagaalkii damiyeen. Shirkii Tawfiiq ee Sheekh lagu qabtay, iyada oo wax walbaaba murgeen, Xaaji Cabdi waxa uu ninkii dadka heshiisiiyay. Markii dambena Golaha Wakiillada iyo Golaha Guurtida ayaanu ku kala jirnay, halkaas oo aanu ku yeellanay wada shaqayn dheer.

 

Sifooyinka Xaaji Cabdi waxa ka mid ah dhaqan-yaqaannimo uu kaga duwan yahay rag badan, garyaqaannimo, xasuus badnaan, nabad jacayl oo waxaad dareemi kartaa illaa yaraantiisii, iyada oo nin labaatan jir ahi talada uu uga boodo siduu laanta uga boodo, in uu saamaxay ninkii aabbihii dilay. 1994kii markii qabyaallada loo kala soocmay, oo dagaallada sokeeye dalka ka dhaceen, waxaad dareemi kartaa siduu qarannimada u qaatay, kollay waxa uu ahaa go’aan adag oo aanu nin liitaa qaadan kareen.

 

Xaaji Cabdi siyaasadihiisa kuma jiraan in la mucaaridaa, laakiin waxa uu dad badan kaga duwan yahay, waa nin hadal cad oo dadka uu la joogo aan runta kala gabban madaxweynayaasha sida C/Raxmaan Axmed Cali, Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal iyo Daahir Rayaale. Oo waa kii lahaa “Tuurna dadka la hadal ayaanu ugu taag waynay, Cigaalna dadka ka aamu ayaanu ugu taag la’nahay”.

 

Xaaji Cabdi dadka aan ixtiraamo ayuu ka mid yahay. Dadku waxay qofka ammaanaan markuu dhinto. Laakiin intuu nool yahayna waa in qofka wanaaggiisa la sheego. Xaaji Cabdi mar kasta wanaaggiisa ayaa wax kasta oo kale ka badan. Waxaan xasuustaa markii aanu KULMIYE ku dhawaaqaynay ayaan ku idhi noo kaalay ninkaa odaygaa (Siilaanyo) ayaa Xisbi ku dhawaaqayee. Wuxuu yidhi “maad iska kay daysaan, kollay khayr iga heli maysaane?”. “Dhib malaha ee noo kaalay” baan idhi. Wuu noo yimi. Wuxuu yidhi, “annigu kollay muxaafid baan ahaye, laakiin dadka waxaan leeyahay ninkaas odayga ah ee Siilaanyona yaan illaawin reer Somalilandoow xaq badan ayuu idinku leeyahaye”.

Maxamuud Xaashi Cabdi,Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, Hargeysa 28/Oktoobar/2011

 © Xuquuqda qoraalkani waxay u dhawran tahay qoraaga ku suntan.

La Soco Qaybta 12aad haddii Alle idmo

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
saedmgahair@hotmail.com

FACEBOOK: Saeed Mohamoud Gahair

 

Comments are closed