Doodaha ku xeeran u Magacaabida Fawsiya Yusuf Xaaji Aadan wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya iyo garnaqsiga Somaliland diidka
Toronto Nov 10,2012(SDN)-Magacaabidii Fawsiya Yusuf Xaaji Aadan ee loo magacaabay xilka wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya ayaa dareeno kala duwan waxa ka bixiyay dadka reer Soomaaliya.
Dareenada oo dhawr laga xusi karo ayaa waxa ka mida mid ka duulaya dareen wadaniyadeed,hadii ay dhab ka tahay kuwa ku hadaaqaya.
Hadii ruuxa diidaya in Gabadh reer Somaliland ahi wasiir ka noqoto Soomaaliya uu wadani dhab ah yahay ma ogolaadeen in ruux Kiinya Itoobiya ama Jabuuti ka soo jeeda uu u arko oru mar halka degaan uu sheegayo in dalkiisa uu ka mid yahayna uu dareen noocan ka qabo.
Sidoo kale waxa jira qaar geraadkoodu uu sii yay in iyaga oo daabacaya maqaalo ay beelo Soomaaliyeed si anshaxa,Diinta iyo Nasabnimada ka baxsan ugu cayayaan ay ku barbar daabacaan maqaal ay isugu muujinayaan in ay wadaniyiin yihiin oo ay leeyihiin rux Soomaali diidah ayaa loo magacaabay wasiir,Cajiib.
Qaar kale oo iyagu leh ma ay aheyn in Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan in loo magacaabo wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya ayaa iyagu xaalada ka eegaya danahooda shaqsiyadeed ama reereed oo ay xilkaa iyagu damcayeen.
In badan oo ka mida shacabka intiiisa badan ee aamusan ayaa qaarna kala jecleyn cida loo magaacaabo wasiir,halkaa qaar kalena ay u arkaanba in arrintani ay khatar ku tahay Somaliland.
Kolka la eegona shakhsi dhawr todobaad uun ka hor lahaa Somaliland waa muqadas haatana leh waxaan ahay wasiir ka tirsan dawlada Soomaaliya waxa ay dhaawaceysaa uun Somaliland.
Hadaba suaashu waxa weeye kolka aad eegto xaalada Soomaaliya ay maanta ku jirto miyay mudan tahay in gabadh wasiir loo magaacabay sidaa diirada loogu saaro hadii aaney aheyn ujjeedadu jiq ku sii?
Isku soo Xooriyoo lama hayo wax fikrada oo saliima oo ilaa haatan dibeda u soo baxay oo mudan in tixgelin la siiyo.
SDN-Toronto
contact@somalidiasporanews.com