|

Kulan Lagu Dar-dar Gelinayo Musharraxnimada Prof. Axmed-Dhegoyare oo Taageeraashiisu Yeesheen

Hargeysa Nov 09,2012(SDN)- Taageerayaasha Musharrax/Prof.  Axmed Cabdillaahi Maxamed (Dhega-yare) oo Urur Siyaasadeedka WADANI uga sharraxan Caasimadda Hargeysa ayaa shalay  yeeshay Kulan lagu dardar gelinayo laguna xoojinayo taageerada  ay u hayaan musharraxnimadiisa.

Kulankan oo hor dhac u ahaa sidii ay cududooda u  muujin lahaayeen isu soo baxa wareega labaad ee ololaha WADANI oo berri ku beegan isla markaana ay u muujin lahaayeen taageerada Musharrax Dhego-yare waxa ka qayb galay Mas’uuliyiin kala duwan sida , Madax dhaqameed, Aqoon yahano, Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Heer qaran ee ururka WADANI Marwo Faadumo Shaacib, guddoomiyaha gobolka Hargeysa ee WADANI Saalax Maxamuud Idiris (Shiine), Haween iyo Taageerayaasha Musharrax/Prof. Axmed Cabdillaahi Maxamed (Dhego-yare) iyadoo lagu qabtay Hotel-ka Dalxiis ee magaalada Hargeysa.

Chief Caaqil Khadar oo kamid ah Masuuliyiintii halkaa ka hadashay ayaa taageerayaasha Prof. Dhegayare ku guubaabiyay inay mar kasta muujiyaan cududooda illaa laga gaadhayo Maalinta Codaynta, waxa kale oo uu ka  codsaday in dhoolatuskooda la barbar wado taageero hiil iyo hoo ay  tageerayaashu la barbar istaagaan musharraxa.  “Sida runtii ah waxa aynu ognahay in  Musharrax Dhegayre oo golaha deegaanka u sharraxan in isu soo bixii maalintii dhawayd ee ay guddiyadda xaafaduhu sameeyeen ay si mug leh uga qayb qaateen taasna waan uga mahadcelinaynaa.” Sidaa ayuu yidhi Caaqilku, waxanu intaa ku daray “Mar labaad  hawshii  weli fari kama qodna ee waa bilow oo waxa inagu soo foolleh berri wixii ka dembeeya banaanbax kale oo sidii hore ka duwan waxaana lagu qabanayaa fagaarayaal uu kamid yahay ka Maxamed Mooge iyo magaaladda degmooyinkeeda kale. Musharrax Axmed waa qof keliya laakiin garbihiisii iyo cuddudiisu waa innaga, markaa waxa la inooga baahan yahay in taageeradiisii aynu muujin. Ta labaad banaan baxa inagu soo fool leh ee aynu muujinayno oo aan filayo in aynu isugu imanayno Fagaaraha Maxamed Mooge waxa la innaga rabaa  inaynu muujinano cuddudeena iyo taageeradeena aynu u hayno Musharrax Axmed Cabdillaahi Dhegayare. Mida saddexaad waxa iyaduna muhiim ah inaynu is ogaysiino in hawshu aanay intaas ku dhammayn ee marba aynu qayb cusub gelayno, taasna waxa la innaga doonayaa inaynu gacmaha is qabsano, weliba ay guddiyada Xaafaduhu ay si toos ah ula soo xidhiidhaan hawl wadeenada gacanta ku haya hawsha iyo Xildhibaanka laftiisaba oo wixii baahiyahooda ah iyo hadba qorshaha aynu doonayno kala socdaan.” Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Chief Caaqil Khadar. Waxa kale oo isna halkaas ka hadlay Guddoomiyaha ururka Wadani ee gobolka Hargeysa Saalax Maxamuud Idiris (Shiine) oo Musharraxa ku tilmaamay mid  Tiir dhexaad  u ah musharraxiinta kale ee ururka kula jira, isagoo halkaa kaga sheekeeyay qaabka ay u soo xuleen.

“Taariikhda Musharrax Dhegayare aniga laftaydu aqoon badan baan u leeyahay  oo isku Iskuul baanu ahayn nin degen oo aqoon leh buu ahaa, maalintii aanu xulaynay musharraxnimadiisa WADANI iskama uu qaadan waxanu isla garanay  oo aanu u doorbidnay in hawshii waxbarashada iyo dadkii uu wax soo baray uu uga soo gudbo bulshadda caasimadda oo baahiyahooda uu wax ka qabto, ee taas ku abshira oo ha moodina in Dhegayare uu beesha uu ka soo jeedo oo kaliya soo xusheene ogaada in WADANI oo Dhammi soo xusheen.waxaan taageerayaashiisa halkan fadhiya iyo inta saxaafadda  igala soocotaba u sheegayaa in Lambarka ay Musharraxa ugu codaynayaan yahay 606 ee ha moogaanina oo nin walawba barbarkay ka baxdaa waa bakaylo qaleen”.

 

Musharrax Dhego-yare oo isna halkaa kala hadlay taageerayaashiisa ayaa ka warramay ujeedooyinka uu isu soo taagay iyo barnaamijka uu kutartamayo ee uu damacsan yahay inuu bulshada u qabto, isagoo ugu horeyn uga mahad naqay isu soo baxii ay taageerayaasha WADANI gaar ahaan kuwiisu muujiyeen sabtidii hore, waxanu intaa kudaray “Hawshii walaalayaal innagamay dhammaan ee si aynaan u dabcin oo aynaan dib u dhac ugu samayn hawshena ayaa la innooga yahay inaynu is wacyi gelino oo hadba wixii soo kordhay ama khaladaad ah ee innagu yimaada sixitaankooda isu sheegno.

Idinkoo gacmahaygii iyo garbahaygiiba ah waxaan maanta halkan idiinka soo gudbinayaa farriin la xidhiidha musharraxnimadayda, waxaanan leeyahay inta muuqayga iyo magacayga garanaysaba Lambarka aan  ku tartamayo musharrax ahaan waa 606  ee  xusuusnaada maalinta codaynta haddii alle nafta innagu simo.” Sidaa ayuu yidhi, waxanu intaa kudaray “Saddex Erey baan doonayaa inaan walaalayaal idiin sheego oo aan idinku baraarujiyo, Hadafka aynu doorashada ka doonayno ee aan isu sharraxay waa maxay ujeedada aan ka leeyahay, muxuuse yahay hadafka aad idinku iga doonaysaan haddii aan soo baxo inaan noqdo ama idin ku aad gaadhaan?. Walaalayaal, kadib markii aan arkay qaabka iyo dhismaha uu u dhisan yahay ururka WADANI  waxaan goaansaday inaan iska sharraxo WADANI oo aan ku qancay. Ta labaad waa maxay hadafka aad doonaysaan inaan yeesho ama sifooyinka aad iga rabtaan, walaalayaal waxan ku taramayaa inaynu helno saddex qoddob, Waa caddaalad, Sinaan sharciga loo siman yahay iyo adeega bulshada, waxbarashada, Caafimaadka iyo dhammaan baahiyaha aasaasiga ah ee bulshadu tebayso inaanu daboolno ayaanu idiin ballanqaadaynaa”. Ayuu yidhi Musharrax Prof. Axmed Cabdillaahi Dhegayare. Gebogabadii waxa iyaduna halkaa ka hadashay oo soo xidhay kulanka guddoomiyaha heer qaran ee garabka haweenka WADANI Marwo Faadumo Shaacib,  waxanay hadalkeeda ku bilowday sidan, “Marka runta loo kaco Axmed Marka aynu eegno banaan baxyada hadda la samaynayo taageerayaashu aad bay u badan yihiin immikana halkan waxa laga qiray in guddiyadda iyo taageerayaashu is abaabulaan, waxaanan  illaahay ka rajaynaynaa in uu ku guuleyo doorashada”. Ayay tidhi Marwo Faadumo Shaacib, waxanay intaa ku dartay “Axmed waxa uu idiinka baahan yahay taageerada iyo banaan baxa ka sokow in maalinta la codaynayo aad codkiina u hurtaan, waxa kale oo uu u baahan yahay dhaqaale  ee hadal uma baahna, rag iyo dumarba dhaqaalle ayaa uu idiinka baahan yahay”. Ayay hadalkeed aku soo xidhay guddoomiyaha ururka WADANI ee heer qaran Marwo Faadumo Shaacib.

 

Comments are closed