|

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Kana Warbixiyey Safar Uu Ku Tegey Dalka Ingiriiska

Hargeysa 09-11-2012 (SDN)-Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji  Xasan oo dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar in mudo ah dalka debediisa ugu maqna  isaga oo Wasiirku faah faahinka bixiyey Safarkiisan Cariga Dalka Ingiriiska

Wasiirka Madaxtoyada oo ka soo degen Madaarka Diyaaraha ee Magaalada Berber ayaa waa garoonka ku soo dhaweyey Masuulinta gobolka Saaxil isaga wasiirku hadal kooban siiyey warbaahinta  ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in u jeeda uu dalka ingiriiiska u  tegey ahayd ololaha Xusbiga KULMIYE ee ku dhaqan dalkaasi isaga oo cadeeyey in ay ugu soo dhaweeyeen si heer sare taageeryaasha Xusbiga KULMIYE.

waxaa kale oo uu wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan sheegey in dadka Taageera Xisbi Xaakimka KULMIYE ee Ku dhaqan Magaalooyinka London Iyo Bristol ay balanqaadeen lacag qadarkeedu gaadhayo $1000 oo ay ku taageerayaan Xusbiga Ololaha Doorashada Deegaanka .

Gabo gabadii waxaa uu Wasiirka Madaxtooyada Somaliland sheegey in uu Shahaado sharaf ku gudoonsiiyey Xildhibaana u ololeeyaa Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland Xarunta Baarlamaanka Wadanka Britan isa oo sheegey in ay si wacan ugu gudoomeen.

www.Qurbejoog.com Hargeisa Office

 

Comments are closed