Nuxurka Qoraal cabasho ah oo ay Guddiga Doorashooyinka Somaliland u gudbiyeen Madaxweyne Siilaanyo
Hargeysa November 08, 2012 (SDN)- Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa qoraal cabasho ah u gudbiyay Madaxweynaha Somaliland, taasoo ay kaga hadleen warbixin ay ka heleen guddi ay dhowaan u saareen dabogalka iyo habsami-u-socodka ololaha doorashooyinka.
Qoraalkan oo uu ku saxeexnaa guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Eng. Ciise Yuusuf Xaaji Maxamed (Xamari), waxa uu KDQ kaga hadlay masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo si foolxun ugu milmay ololaha doorashada, kuna jebiyay heshiiska hab-dhaqan ee Xisbiyada/Ururada siyaasadda.
Qoraalka Komishanka oo ogaysiin ahaan loo siiyay Wasiirka Daakhiliga, wuxuu u dhignaa sidan; “Mudane Madaxweyne;
Waxa xushmad iyo maamuus noo ah inaanu halkan kuugu soo gudbino warbixin tafatiran oo ay komishanka doorahooyinka qaranka u soo gudbiyeen Gudida dabo-galka iyo habsami u socodka doorashooyinka.
Warbixintaas oo sideeda isku fasiraysa, waxa ay ka marag-kacaysaa sida qaawan ee qaar ka mid ah masuuliyiinta dawladdu ugu xadgudbeen xeerka hab-dhaqanka xisiyadda/Ururadda siyaasadda iyo wareeegtooyinkii uu Madaxweynuhu soo saaray ee mamnuucayay adeegsiga qalabka iyo hantida dawladda iyo in masuuliyiinta dawladdu ay ku milmaan xisbiyadda.Ururadda siyaasadda.
Sidaas darteed, waxaanu mudane Madaxweyne, si xushmad leh kaaga codsanaynaa inaad tallaabadda ku haboon ka qaadid.”
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com