|

Gabiley: Ardayda jaamacadda Timo-cadde oo ka cawday Komishanka Doorashooyinka Qaranka

Gabıley Nov 08 2012 (SDN)- Ardayda wax ka barata Jaamacadda Tımacadde ee magaalada Gabiley, ayaa saakamudaharaad ka dhan ah Komıshanka Doorashooyınka Qaranka ka dhigay magaaladaas.
Ardayda Mudaharaadka samaysay waxay socod ku dhexmareen jidadka magaalada, iyaga o oku dhawaaqay ereyo ay ku muujınayaan ın Jaamacadda Gabıley ay la sıman tahay jaamacaddaha kale ee ka hawlgalaya Doorashooyınka goleyaasha Deegaan ee lagu wado inay dalka ka qabsoomaan dabayaaqada bishan November.
Ardaydan oo muddooyınkaba cabashadadoodu soo noqnoqonaysay ayaa komıshanka ku eedeeyay ın uu Jaamacadaha dalka u kala eexdo, isla markana jaamacada Gabıley aan tıxgalın la siinin waqtiyada hawlaha doorashooyinka ay ardaydu ka shaqaynayaan.

Comments are closed