Toon: Maanta iyo Munaasibaddii loogu wanqalay dhamaystirka wejiga koowaad ee Wadada Hargeysa-Sallaxlay
Hargeysa 08, November 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xadhiga ka jaray wadada isku xidha caasimadda Hargeysa iyo degmada Sallaxley oo ay ku sii xidho magaalada Ina Guuxaa oo ku taala xuduudka Somaliland iyo dalka Itoobiya.
Dhismaha jidka Wadada-cad oo wejigiisa koowaad oo 13 KM ah maanta la dhamaystiray, waxa munaasibadda loogu walqalay lagu qabtay magaalada Toon oo 18 Km dhinaca Koonfureed kaga beegan caasimadda Hargeysa, waxaana ka Madaxweyne Siilaanyo ka qaybgalkeeda ku weheliyay guddoomiyaha golaha Wakiilada, xubno wasiiro ah, Maayarka Hargeysa, Madax-dhaqameed, aqoonyahano iyo guddiga bulshada ka soo jeeda deegaanka Hargeysa iyo Sallaxlay u xilsaareen dhismaha jidkaas iyo dadweyne tiro badan.
Ugu horayn, waxa halkaas ka hadlay gudoomiyaha gudida bulshada ee dhismaha Wadada-Cad Cali Ibraahim Maxamed (Sanyare), wuxuuna marxaddihii dhismaha wejiga hore iyo qorshaha dhismaha wadadu soo maray, wuxuuna xusay in dawladda Talyaanigu jidkaas dhistay ilaa 1940-kii, ayna u burburtay dayactir la’aan soo wajahday awgeed.
Mr. Cali-sanyre waxa uu xusay in dhismaha Wadadan wejigeeda koobaan oo 13 KM ah ay ku baxday $700,000 oo ay 99% bixiyeen dadka kasoo jeeda Hargeysa iyo degmada Sallaxlay.
Cabdikariim Axmed Mooge Liibaan oo ku hadlayay afka ganacsade Cumar Caydiid oo soo wakiishay, kaasoo leh shirkadda dhisaysa, kuna taborucay adduun lacageed oo ka badan $1.4 (hal milyan iyo afar boqol oo kun oo doolar), waxa uu Madaxweynaha iyo madaxda kale uga mahadceliyay ka qaybgalkooda munaasibadda loogu walqalay dhismaha wejiga koowaad ee jidkaas.
Cabdikariim Axmed Mooge, waxa uu u mahadceliyay shirkaddaha taborucaadkooda kaga dhawaaqay goobtaas iyo balanqaadka Madaxweynaha ee taageerada dhamaystirka jidkaas.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) oo hadal ka jeediyay madashaas, waxa uu balanqaaday in Xukuumaddiisu ay taageero ka gaysanayso dhismaha iyo dhamaystirka wadada Cad ee xidhiidha Hargeysa-Sallaxlay-Ina Guuxaa.
Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom ayaa munaasibaddaas kaga dhawaaqday qaadhaan lacageed oo gaadhaya $30,000 oo ay ugu yaboohday dhismaha jidkaas, iyadoo shirkadda kale ee Al-Nuur ay ku deeqday 50 foosto oo Daamur ah.
Waxa kale oo munaasibaddaas ka hadlay, xubno ay ka mid yihiin wasiirada Daakhiga Maxamed Nuur Carraale (Duur), Khaarajiga Maxamed Cabdullaahi Cumar, Caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog), wasiir kuxigeenka Warfaafinta Cabdullaahi M. Daahir (Cukuse) Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) iyo xubno kale, kuwaasoo dhamaantood soo dhaweeyay dhismaha jidkaas, isla markaana iftiimiyay faa’iidooyinka ay wadadaasi u leedahay bulshada guud ahaan. Sidoo kale, waxay amaaneen horumarka bulshada deegaanka ee ku wajahan inay mideeyaan maskaxdooda iyo maalkooda, kuna tashadaan dhismaha jidkaas oo ku kacaya lacag ka badan $4.2 milyan oo doolarka Maraykanka ah.
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com