Ninkii sameeyay filmkii lagu aflaageedeeyay Diinta Islamka oo xabsi la dhigay
Los Angeles Nov 08,2012(SDN)-Nin Mareykanka ku nool oo sameeyay film aflagaadeeyay Islamka iyo nabigeena suuban(NNKH) ayaa maxkamad ku taal magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanku xukun xabsi ah ku riday.
Ninkan oo magaciisa la yidhaahdo Mark Basseley Youssef ayaa hore maxkamadi ugu heshay xukun wax isdaba marin iyo lunsi hanti bank ah,ayaa haatana lagu helay denbiyo ay ka mid yihiin ka beensheegid aqoonsigiisa.
Ninkan ayaa hore xabsi looga sii daayay tiyoo shuruudo lagu xiray xoriyadiisa,iminkana waxa ku cadaatay in uu jebiyay afar ka mida shuruudihii lagu sii daayay.
Maxkamada degaanka ee Los Angeles ayaa Mark Basseley Youssef ku riday xabsi sanada.
Xarigiisu wax xiriira lama leh filmkii gefka ahaa ee Muslimiinta caalamku sida weyn uga caroodeen.
SDN-Los Angeles
contact@somalidiasporanews.com